Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Gudiga Horumarinta Warshadaha Yar yar Iyo Kuwa Dhexe ee DDSI Booqday Wax soo Saarka Beeraha Gobolka shabeele.

$
0
0

Beer-caano(cakaaranews), Axad, 18ka December, 2016.  Gudigan horumarinta warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe ee DDSI oo ay ka mid yihiin   wasiirka waraabka iyo horumarinta doxooyinka DDSI mudane Suldaan maxamed khayr  iyo wasiirka tababarada xirfadaha iyo farsamooyinka DDSI mudane Naasir Xasan  oo ay wehelinayaan gudoomiyaha gobolka shabeele mudane farxaan cabdi maajuun iyo Engineero  ayaa booqday iskaashatooyinka wax soo saarka beeraha ee degmada beercaano iyo degmada Goday.

 

Gudigan  oo ay ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay daraasaad ugu samaylahaayeen   goobaha ku haboon in laga sameeyo  warshadaha  yar yar iyo kuwa dhexe ayaa waxay kormeer ku soo mareen  beeraha ay leeyihiin iskaashatooyinka ee ka faa-iidaysanaya mashruuca waraabka beer-caano iyo goday. Waxayna gudigani la hadleen warbaahinta deegaanka kuwaasi oo  sheegeen in xukuumada DDSI xoog saartay dhinaca wax soo saarka beeraha  oo looga gudbayo dhinaca  warshadaha.  Waxayna tilmaameen in maamulka magaalooyinka goday, qabridahar, dhagaxbuur iyo jigjiga laga samaynayo warshado taasi oo la eegayo magaalo kasta waxay ku fiican tahay . waxayna intaasi ku dareen ay warshadahaasi yihiin kuwa suuq loogu samaynayo bulshada ku hawlan wax soo saarka beeraha iyo khayraadka kaleba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles