Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Socdaalkii Allaw Jilaalka Gu Noogayeel Oo Ku Sugan Tuulada Bali Jano

$
0
0

Balijano(Cakaaranews) Axad 18ka December 2016. Socdaalkii lamagac baxay allow jilaalka gu nooga yeel ee ay ku jireen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay islamarkaana lagu darsayay xaalada nololeed ee bulshada ayaa kulan wada tashi ah oo ay la qaateen shacabka ku dhaqan degmada gaashaamo kadib uga dhaqaaqay dhinaca bari ee tuulooyinka hoos yimaada degmada gaashaamo.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigiisa  oo siimaray tuulooyin badan oo ay kamid ahaayeen Dulqababax, Garanuuglay iyo balijano oo horay loo odhan jiray bali dhiig islamarkaana kulan wada tashi ah oo ay yeesheen xukuumada iyo shacabka tuuladaas looga badalay magaca loona bixiyay bali jano, Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu intay dhexda kusii jireen uqaybinayeen bulshada deeq raashin ah iyo biyoba,

Uga danbayna madaxwayne CMC ayaa bulshada ku dhaqan degmada gaashaamo iyo tuulooyinka hoos yimaada ay socdaalka kumarayeen ugu ducaynayay inuu allah jilaalka gu noogu badalo, Isagoo madaxwaynuhu usheegay bulshada inay la qaybsanayaan xaalad kasta oo ay ku suganyihiin shacabku Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wakhti xaadirkan ku sugan yihiin tuulada bali jano ee degmada gaashaamo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>