Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Socdaalkii Allaw Jilaalka Gu Noogayeel Oo Gaadhay Gaashaamo

$
0
0

Gaashaamo(Cakaaranews) Sabti 17ka December 2016. Socdaalkii lamagac baxay allow jilaalka gu nooga yeel ee ay ku jireen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee hogaaminayay islamarkaana lagu darsayay xaalada nololeed ee bulshada dhulka ciida ah dagan ayaa kulan wadatashi ah oo ay la qaateen shacabka degmada marsin kadib uga dhaqaaqay dhanka degmada gaashaamo ee gobolka jarar.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigiisa oo jibaaxay dhul balaadhan iyo tuulooyin tiro badan oo ay kamid ahaayeen Ceelbaxay, Qaydarlabiile, Kaamcumar, iyo Caanomadoobe, oo dhamaan tuulooyinkaas si diiran loogusoo dhaweeyay, ayay madaxwaynaha iyo waftiguusu uqaybinayeen deeq raashin ah iyo biyo iyadoo uu gaar ahaan madaxwaynuhu bulshada ugu duceeyay inuu allah roob degdeg ah siiyo jilaalkana gu ugu badalo,

Ugu danbayna madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa amin habeenimo ah gaadhay degmada gaashaamo iyogoo wakhti xaadirkan ku sugan xarunta degmada gaashaamo ee magaalada gaashaamo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>