Erer(cakaaranews)Sabti 17ka December 2016.Tababar ujeedadiisu tahay barashada xidhmooyinka fidinta beeraha casriga ah islamarkaana loo qabtay 60 xubnood oo kamid ah beeralayda ku dhaqan qabalaha biila ee hoosyimaada degmada Erer ee Gobolka Siti ayaa kaqabsoomay isla qabalhaas.
Hadaba, Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Erer ahna Madax Xafiiseedka Beeraha mudane Bashiir Xasan oo sheegay in qabalaha biila ay kuyaalaan 1500 beerood oo ah 3000 Hicter. Wuxuuna xusay kusimuhu in xubanahani ay tababar qaadanayeen mudo 4 bilood ah, lana barayay casharo laxidhiidha xidhmooyinka fidinta beeraha casriga ah.
Sidookale, kusimaha gudoomiyaha ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan qabalaha biila ay aad ugu fiican yihiin beerashada dalagyada kaladuwan islamarkaana ka maamul ahaan ay ka caawinayaan waxsoosaarka casriga ah bulshada beeralayda ah ee kudhaqan qabalaha iyo dhamaan qabaleeyada hoosyimaada degmada erer. Sida dhisida xarumaha tababarada beeralayda FTC. Iyo waliba farsamooyinka casriga ah ee beeraha.
Ugudanbayna dhankooda beeralaydii tababarka qaadanaysay ayaa sheegay in ay barteen casharo faaiido badan u leh islamarkaan ay u mahad celinayaan xafiiska beeraha degmada.