Jigjiga(cakaaranews)Isniin 19ka 2016. Khader Bashiir Yuusuf oo ah muwaadin u dhashay DDSI islamarkaana kamid ahaa kooxda Orodka ee liyuu-Police ayaa ku guulaystay orodka loo yaqaano have maradonka oo lagu qabtay wadanka Holand kuna badiyay mudo kayar 1:03: 8 halsaac, sadex daqiiqo iyo sideed sikin. Kadib markii guulo isdabajoog ah uu ka keenay orodada dalkeena Ethiopia islamarkaana ay dawlada dhexe udirtay inuu noqdo orodyahan ka tartama heer caalam.
Hadaba, khadar Bashiir oo ah orod-yahan katirsan kooxda ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa 21 KM oo ah Have Marathon noqday qofka ugu badiyay islamarkaana dalkeena itoobiya sumcad usoo hooyiyay.
Sikastaba ha ahaatee, orodyahankan ayaa lafilayaa in tartamada waawaayn ee marathoneka uu guulo balaadhan ka keeni doono. Iyadoo dhamaan bulshada deegaankuna aad ugu farxeen guushan uu soo hooyiyay mudane khadar Bashiir Yuusuf.