Harar,(cakaaranews),jumce, 8da, December,2016. Waxaa maanta si balaadhan oo heer qaran ah loogu xusay magaalada qadiimiga ah ee harar munaasabada xuska 11aad ee 29ka hidaar oo ah maalinta qoomiyadaha, shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya.
Munaasabadan oo ah mid ku wayn qalbiyada iyo quluubta shacabwaynaha dalka itoobiya ayaan loo kala hadhin xusitaankeeda waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa JDFI oo ay ka mid yihiin Raysilwasaaraha JDFI mudan Hailemariam Desalegn, afhayeenka golaha fadareeshinka JDFI mudane Yalaw Abatu, afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadhule Gamadhu madaxwayne yaasha dawlad deegaanada dalka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudan Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwaynaha dalka jubuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, madaxwaynaha dalka suudaan mudane Cumar Xasan Albashiir, wakiilo ka socday dhamaan wadamad aan dariska nahay kooxaha dhaqanka dawlad deegaanada dalka iyo marti sharaf kale oo heer caalamiya.
Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ku qabsoontay jawi aad u qurux badan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Raysil-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn wuxuuna ugu horayntii munaasabadan qiimaha badan ugu hambalyeeyay dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya isago uu mahad celiyay dawlada deegaanka hararida sida meeqaamka sare ee ay u soo agaasimeen Munaasabadan quruxda badan. Raysilwasaarada ayaa sheegay in ay munaasabadani ku soo beegantahay wakhti uu dalka u jahaystay taaba galinta iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed. Raysilwasaaraha tilmaamay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo axdigii hore loo galay ee adkaynta midnimada sinaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubaha dalkeena itoobiya in jacaylka wadankeenu ku waynaato qalbiyada iyo quluubta qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya
Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan afhayeenka golaha fadareshinka JDFI mudane yalaw abatu iyo madaxwaynaha deegaanka hararida mudane Muraad Cabdilhaadi kuwaasi oo ka warbixiayya ahmiyad ay leedahay munaasabada xuska Maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya waxayna sheegeen in ay tahay maalinta xaqiijisay sinaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya iyo hirgalinta hawlaha horumarkan maanta dalku haysto.
Madaxwaynaha wadanka jabuuti mudane ismaaciil cumar geele iyo madaxwaynaha dalka suudaan mudan cumar xasan albashiir oo ka hadlay munaasabadan ayaa qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ugu hambalyeeyay xuska munaasabadan 11aad ee 29ka hidaar waxayna sheegeen in munaasabada xuska maalinta qoomiyadaha dalka itoobiya tahay mida xaqiijisay horumarka uu dalka maanta gaadhay
Qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa waxay qoomiyada kastaaba ku soo bandhigtay munaasabadan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay qoomiyad kastaaba gaarka u leedahay taasi oo ay siwayn uga dhexmuuqdeen kooxda hidaha iyo dhaqanka ee dawlada deegaanka soomalida itoobiya.
Gabagabadii munaasabadan xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa waxa uu madaxwaynaha deegaanka hararida mudane muraad cabdilhaadi uu hadiyado ka turjimaya hidaha iyo dhaqanka deegaanka hararida gudoonsiiyay Raysilwasaarada dalka iyo Raysilwasaare ku xigeenkadalka sidoo kale madaxwayne yaasha deegaanada dalka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar ayaa waxa uu gudooniisay hadiyad taasi la mid ah. waxaana lagu wareejiyay munaasabadan in ay sanadka danbe martigaliso deegaanka canfarta.