Jigjiga( Cakaaranews) Khamiis 8da December 2016. Munaasabada xuska 11aad ee 29 hidhaar oo ay kasoo qaybgaleen masuulyiinta ugu saraysa xukumada oo ay ugu horayso madaxwayne kuxigeenka ahana Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, Qaar kamid ah kabaneega deegaanka, qaybaha kaladuwan ee shaqaalaha xafiisyada, Odayaasha, Dhalinyarta haweenka iyo marti sharaf kale ayaa si heer sare ah ugu qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba xuska munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka horumarinta iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn umahad celisay dhamaan kasoo qaybgalayaasha munaasabada iyadoo sheegtay inay maanta tahay maalinta isutaga iyi midaynta qoomiyadaha shucuubaha kala duwan ee dalkeena itoobiya waana maalin qaali inagu ah islamarkaana ay kulmaan in kabadan 80 qoomiyadood oo kala yimid deegaana dalkeena,taas oo ku tusinaysa sinaanshaha qoomiyadaha dalkeena. Waxaana kale oo ay madaxwayne kuxigeenku xustay inay maalinkan soo dhawaynaan islamarkaana ay aad oogu faraxsantahay munaasabada xuka 11aad ee 29ka hidhaar ee uu sanadkan martigaliyay deegaanka hararida.
Dhanka kale waxaa iyana dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha munaasabada xuskan 11aad ee 29ka hidhaar iyagoo sheegay inay maalintani tahay maalin aad qaali noogu ah islamarkaana ay aad usoo dhawaynayaan maalinkan, maadaama maalitani tahay maalinta cadaynaysa inay qoomiyadaha shucuubaha dalkeenu siman yihiin oo mid mid wax dheer uusan jirin islamarkaana ay maalintan qoomiyadahu keenayso isbarasho isdhexgal ay yeelana yaan qoomiyadaha kala duwan ee iskugu yimid xuska munaasabada 11aad ee 29ka hidhaar ee lagu qabtay magaalada harar ee deegaanka dariskeena ah ee hararida