Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Jigjiga Iyo Warshada Saabuunta ee Tayo Oo Xadhiga Laga Jaray

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 9ka November 2016. Waxaa Deegaanka Kusoo badanaya warshadaha iyo maal gashiyada kaladuwan iyadoo maantana magaalada jigjiga si rasmi ah xadhiga looga jaray warshada saabuunta iyo shaambooda soosaarta oo lagu magaacabo warshada saabuunta ee Tayo islamrkaana 2000 oo litter soo saaraysa maalin kasta oo isugu jirta saabuunta dharka, saabuunta jidhka iyo waliba saabuunta lagu nadiifiyo suuliyada.

Hadaba, Xadhig kajarkii warshadan saabuunta oo ay kasoo qaybgaleen maareeyaha wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar, maareeye kuxigeenka wakaalada micro finance mudane khaddar Axmed Cabdi, madaxa xafiiska shirkadaha yaryar ee maamulka magaalda jigjiga mudane cabdulaahi cabdi cilmi, shaqaalaha shirkada iyo waliba marti sharaf kale. Waxaana ugu horayn kahadlay Maareeyaha horumarinta shirkadaha yarayar mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo sheegay in uu aad ugu faraxsanayhay in maanta ay xadhiga kajaraan warshada saabuunta tayo oo ah warshadii 2aad ee saabuunta ee laga dhiso magaalada jigjiga. Wuxuuna  intaa kudaray in shaqo abuurka dhalinyaradu ay yihiin qorshayaasha ugu horeeya ee dalkeenu qaatay tanina ay qayb katahay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto ladagaalanka saboolnimada.

Sidookale waxaa isna dhinaciisa kahadlay Maareeyaha Guud ee Warshada Saabuunta Tayo mudane Xasan Axmed Macalin oo sheegay in warshadani ay tahay mid ay dadaal balaadhan ugaleen islamarkaana xukuumada iyo haayadaha ay qusayso ay la garab istaageen taageero hiil iyo hooba leh. Wuxuuna xusay masuulku in ay yihiin dhalin yaro iskaashatay oo fikir iyo hal abuur latimid dawladuna garab istaagtay iyadoo la amaahiyay lacag kor u dhaafaysa 500 000 birr. Maareeyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay ku hanwayn yihiin inay latartamaan warshadaha saabuunta ee dalka ugu waawayn islamrkaana ay gaadhayaan heer sare oo ah warshad wayn shaqo abuura ay usamayn doonaan boqolaal dhalin yara ah mustaqabalka.

Wuxuuna ugu horayn amaan iyo mahad celin usoo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar, iyio waliba wakaalada Somali micro finance. Oo si balaadhan uga taageeray dhankasta.

 Ugudanbayna shaqaalaha warshada oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin warshadan.islamrkaana ay aad ugu mahadcelinayaan qofkasta oo dadaal ka gaystay hirgalka warshadan.


MW CMC Oo Tababar U Furay Hogaaminta X.D.SH.S.I

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Arbaca, 9ka November, 2016. Tababar ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid Isaaq ayaa ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

Tababarkan oo loo qabtay hogaaminta sare iyo hogaaminta dhexe ee XDSHSI  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan loo furay hogaaminta. Wuxuuna sheegay madaxwaynaha DDSI in uu  tababarkani ku  saabsan yahay marxaladihii iyo  isbadaladii siyaasadeed, dhaqaale iyo  arimaha bulshada  ee dalkeena iyo deegaankeenu  soo maray 15kii sano ee ugu danbeeyay. Madaxwaynaah DDSI ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dadaalada xoogan ee dalka iyo deegaanadu ugu jiraan  ka midho dhalinta istaraatajiyadaha iyo yoolasha horumarineed gaar ahaan hirgalinta qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha qaybtiisa 2aad (GTP2ga) madaxwaynaha DDSI  ayaa tilmaan dheerka bixiyay  xigmada hogaamineed ee looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan hogaaminta heerarkeeda kala duwan ee XDSHSI.

 

Tababarkan oo socon doona maalmaha soo socda ayaa waxa hogaaminta XDSHSI  fahan buuxa laga siindoonaa isbadaladii siyaasadeed, dhaqaale oo uu dalkeena gaar ahaan deegaankeenu  soo maray 15kii sano ee ugu danbeeyay iyada dhinaca kale tababarkan lagu xoojindoona hirgalinta iyo ka midhi dhalinta jihooyinka iyo barmaamijyada siyaasadeed iyo  dhaqaale ee XDSHSI.  

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Tababar Soo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Khamiis 10ka November 2016. Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa tababar usoo xidhay xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka faafan, Islamarkaana lagu baranayay sidii looga hortagi lahaa cudurada qaaxada, Juudaanka, HIV AIDSka iyo cudurada kale ee galmada ku faafa.

Hadaba gabagabadii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay agaasinka ka hortaga cudurada mudane Cabdishakuur Cabdulaahi oo sheegay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda shaqo islamarkaana ay hirgaliyaan casharadii ay qaateen mudadii uu tababarku socday. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray inay loo baahan yahay inaad soo heshaan dadka qaba cuduradaas islamarkaan aad kusoo xidhaan xarumaha caafimaadka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaashii tababarka oo sheegay inay wax badan ka faaiideen tababarkan mudaduu socday islamarkaana ay ugu adeegi doonaan bulshada kani hirgalin doonaan xarumaha caafimaad ee ay ka shaqeeyaan.  

Kulan Lagaga Hadlayay Nidaamka Federalismka Oo Ka Furmay Diredhaba.

$
0
0

Diredhaba,(cakaaranews), khamiis, 10ka November, 2016. Waxaa maanta ka furmay ismaamulka magaalada deridhaba kulan balaadhan oo ay soo diyaarisay wasaarada arimaha federaalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada JDFI waxaana ka soo qaybgalay masuuliyii ka socay , Forum of federationka Bariga Africa, degaanada: Somalida Itoobiya, Oromia, Canfarta, Harari,  ismaamulka magaalada deridhaba iyo waliba khabiiro ka socda Jaamacada dalka iyo Xisbiyada Mucaaradka ee dalka.

Kulankaa oo lagu qorfaynayay nidaamka federalismka iyo xidhiidhka u dhexeeya dawlada federaalka iyo dawlad deegaanada dalka  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiiru dawlaha Wasaarada Arimaha Federalka iyo Horumarinta xoolo-dhaqatada JDFI mudane Mulugeta Wulataw wuxuuna ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay kulankani isaga oo sheegay in mudada uu socdo lagu soo bandhigidoona qoraalo iyo nuqulo ku saabsan nidaamka federalismka iyo waliba xidhiidhka u dhexeeya dawlada federalka iyo dawlada deeganada dalka.

Waxaana, ka mid ah cashirada lagu qaadanayo mudada uu socdo kulankani sida ay noo sheegeen masuuliyiinta DDSI uga qayb-gashay kulankan  Federalism, managing diversity and polity building in Ethiopia. 2. Practice and challenges of Intergovernmental Relations in the Ethiopian federation 3. Intergovernmental Relation policy Study.

isku soo wada duub oo  kulankan oo qayb ka ah sii xoojinta nidaamka federalismka  dalka ayaa wuxuu ku soo hagaagay xili deegaanka soomaalida Itoobiya uu dayr adag oo aan la dhaafi karin u noqday badbaadada nidaamka federalismka ee Itoobiyada Cusub, kulankan ayaa waxa uu  socon doonaa mudo 2  cisho ah

 

 

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka JDFI Oo Ka Soo Dagay Garaad Wiil-waal Airport.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 10ka, November, 2016. Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport ee magaalada jigjiga  si diiran  loogu soo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Amiir Amaan.

Waxaana, wasiiru dawlaaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha  masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid  yahay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan ismaaciil cali,  Soo dhawayn ka dib   waxa uu wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI kula hadlay qolka nasashada ee garaanka diyaaradaha warbaahinta deegaanka wuxuuna sheegay  in ujeedada socdaalkiisu tahay in uu kulamo la yeesho masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI iyo masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa. Wasiiru dawlaha ayaa sheegay in kula madaasi noqonayaan kuwo  loogu kuurgalayo geedi socodka   adeega caafimaadka DDSI.

 

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maaliyadeed Ee Xarumaha Caafimaadka Oo la Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce,  11ka November, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga tababar mudo 4 maalmood ah u socday madax xafiiseedyada caafimaadka 19 degmo, maamulayaasha xarumaha caafimaadka, xisaabadka xarumaha caafimaadka iyo kaasheerada xarumaha caafimaadka kuwaasi oo ka socday 19 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Tababarkan  oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu hirgalinayo dib u habaynta nidaamka  maamulka  maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka, kor u qaadida nidaamka adeeg bixinta xarumaha caafimaadka iyo guud ahaanba xoojinta geedi socodka shaqo ee xarumaha caafimaadka.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay siyaasada caafimaadka ee ku salaysan tayaynta iyo bixinta adeegyada caafimaadka la gaadhsiinayo bulshada deegaanka. Wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarkan la soo gabagabeeyay isaga oo sheegay in uu yahay hirgalinta  nidaam cusub oo dib loogu habaynayo geedi socodka maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka deegaanka islamarkaana ah nidaam kor u qaadaya tayada  adeega caafimaadka ee xarumaha caafimaadka DDSI. wuxuuna sheegay wasiirku in nidaamka laga hirgalinayo guud ahaan deegaanka balse lagu bilaabayo 19 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka. Wasiirka ayaa ku booriyay tababartayaashan in ay noqdaan xubnihii hirgalinlahaa nidaamka cusub ee dib u hayanta nidaamka maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka DDSI.

Dhankooda tababartayaashan oo la hadlay warbaahinta DDSI  ayaa  ka warbixiyay  aqoonta iyo faa’iidooyinka ay ka barteen mudadii uu socday tababarku waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan nidaamka cusub marka ay ku noqdaan goobtoodii shaqo.    

 

 

Ogaysiis:Ogaysiis Waqooyiga America

$
0
0

North America (Cakaaranews) Jumce 11ka November 2016. Ogaysiis waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada north America inay kasoo qayb galaan xaflad lagu taageerayo Shirwaynihii 9aad X.D.SH.S I. ee ka dhacay degmada qabridahar gaar ahaan qabalaha maraacato. Goobtu waa 3316 33rd st nort magalada st cloud mn maalinta sabtida 19 november 2016 7fidnimo ilaa iyo2 habeeno kasoo qaybgal wanaagsan.

Shaqaalaha MMJ Ee Unug-aasaasiga XDSHSI Oo Yeeshay Kulan

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 12ka November 2016. Shir balaadhan oo ay soo agaasimeen hogaaminta unug aasaasiga ee shaqaalaha maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah masuuliyiinta MM Jjigjiga  ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay Madaxa Arrimaha Xisbiga Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdulaahi Muxumed Faarax oo sheegay in shaqaalaha dawlada ee unug aasaasiga XDSHSI ee magaalada jigjiga ay abaabul fiican sameeyeen islamarkaana ka hogaamin ahaan aan aad ugu mahadcelinayno shaqooyinka ay qabanayaan. Wuxuuna xusay in shirkan maanta lagu go’aamiyay in la xoojiyo kaqybgalka horumarka islamarkaana ay balan qaadeen inay sameeyaan wado cable stone ah oo dheerarkeedu dhanyahay 1 km iyagoo kabixinaya mushaarkooda.

Ugudanbayna waxaa dareenkooda kahadlay  qaar kamid ah shaqaalaha MM Jigjiga oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shirkan maanta iyo go’aamada kasoobaxay ee ah in iyagu iskood ay u dhisaan wado cable-stone ah oo dheerarkeedu dhanyahay 1km. waxayna tilmaameen in horumarka iyo nabadgalyada deegaanka ay garabtaagan yihiin waligoodna garabtaagnaan doonaan taageero buuxana ay u hayaan XDSHSI.


M.M Wajaale Oo Laga Hirgaliyay Mashiinka FAT Ka

$
0
0

Wajaale( Cakaaranews) Axad 13ka November 2016. Wakaalada dakhliga ee DDSI ayaa markii ugu hoaraysay ka hirgalisay mashiinka dakhliga ee FAT ka kasoo ka qaybqaadanaya dhinaca dakhli aruurinta islamarkaana ganacsatada u fududaynaya kharash bixinta dhanka xisaabaha taasoo halkaas ka saaraysa lunsiga ilaha dakhliga.

Hadaba maareeyaha wakaalada dakhliga MM wajeele mudane Khadar Cabdi Faaraxoo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay faaiidada uu mashiinka FAT ku u leeyahay. Isagoo ku tilmaamay inuu mashiinku ka caawinaya dhanka xisaab xidhka maalinlaha ah iyo waliba ka bilaha ah islamarkaana aanu ogaan karno shaqada maherada anagoo xafiiska joogna. Wuxuuna maareyuhu intaa ku daray inuu ganacsatada shacabka uu iyana faaiidooyin badan uleeyahay mashiinku.

Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah ganacsatada mm wajeele oo sheegay inuu mashiinku faaiido uleeyahay isagoo u fududaynaya dhanka xisaabaha. Waxayna intaa ku dareen in tababar fiican lagasiiyay qaabka isticmaalka mashiinkan FAT ka.

Tababar Lagu Tirtirayay Cadooyinka Xun Xun

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 14ka November 2016. Tababar ay  si wada jira ah usoo agaasimeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI Iyo haayda Save the children international islamarkaana ay ku wa helinayeen xafiiska maxkamada shareecada ddsi iyo masjidul aclaha ayaa si heer sare ah ugu qabsoomay hoolka shirarka ee nogob hutel.

Hadaba tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen odayaal, Haween , Culumo owdiin, Dhalinyar ka kala yimaaday wadanka somaliya gaar ahaan gobolada puntland,  Gado, oo ay wahelinayaan kuwa deegaanka, ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha maxkamada shareecada mudane sheikh Cabdiraxmaan oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu  yahay sidii loo tirtirilahaa cadooyinka xun xun ee lagu sameeyo gabdhaha sida gudniinka fircooniga ah isla markaana loo baahan yahay inaan ubadkeena ka ilaalino falalka dhaqan xumada ah een diintana ku banaanayn, Wuxuuna gudoomiyuhu intaa ku daray in tababar qaata yaasha ka socda dalka aan dariska nahay ee somaaliya looga baahan yahay inaan lawada dagaalno cadooyinka xun xun ee aan ku banaanayn diinta oo uu kow kayahay gudniinka fircooniga ah,

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin kasoo qaygalka tababarkan islamrkaana ay la wada dagaalami doonaan cadooyinka xun xun islamrkaana cashirka ay tababarkan ka faaiideenn ka hirgalin doonaan goobihii ay ka yimaadeen  

Arooskii Qarniga Qaybtiisii 2aad Oo Ay Ku Aroosgaleen 27 Aroos (qoys).

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 14ka, November, 2016. Waxaa xalay ka dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee haabaanaha  aroos cajiib ah oo lamagac-baxay arooskii qarniga qaybtiisii 2aad oo ay ku lamaanoobeen 27 aroos(qoys).

Waxaana, arooska qarniga qaybtiisa labaad ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada, agaasinada, shaqaalaha dawlada gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka DDSI, qurba joogta DDSI marti sharaf aad u tiro badan, kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI iyo fanaaniin kale oo uu ka mid yahay fanaanka caanka ah ee Axmed Biif.

Haddaba, 27kan aroos(qays)   oo ku lamaanoobay nolosha ayaa waxaa laga soo kala xulay dhamaan gobolada deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI, taasi oo  lagu soo xulay nidaamka gacantaada isku aroos/ ama habka bakhtiyaanasiibka ah.  dhinaca kale tirada 27kan aroos ayaa  xambaarsan xigmad aad u muhiim ah taasi oo lagu saleeyay 27kii sano ee deegaanka iyo dalkuba ka xoraabay guumaysigii dhiigyo cabkii dhergiga taasi oo caruusyada loo dhiibay lambaro ku salaysan taariikhda  laga soo bilaabo sanadkii 1983TI oo ah xiligii laga takhalusay kalidii taliyihii dhargiga ilaa maanta oo ay taariikhtu tahay 2009TI. 27kaa sano ayaa lagu saleeyay tirada arooska qarniga qaybtiisa 2aad.  Waxaana kharaska ku baxaya arooska qarniga qaybtiisa 2aad bixinaya ururka horumarinta soomalita itoobiya.

Hadaba, Wajigii hore ee arooskan qarniga qaybtiisa 2 aad  lagu soo bandhigay  hab-dhaqankii hore ee aroosyadii qadiimiga ahaa khaasatan dhanka labiska hidaha iyo dhaqanka iyobooliska iyo maxkamada  oo soo kicinayay dadka islamarkaana ku xukumayay su’aalo taariikh ah,  qaadida heesaha, buraankuro iyo furitaanka  hal-xidhaalayaal. Halka qaybtiisii wajigiisii 2aad ee arooska qarniga qaybtiisa labaad lagu soo bandhigay habka casriga ah ee aroosyada taasi oo dhamaan caruusyada loo soo loo labisay labiska casriga ah , faraanti-galiskii, jaridii keega iyo waliba cayaaraha qoob-ka cayaarka.

Qaybtii ugu danbaysan arooskan qarniga waxaa loo dhigay 27kii aroos(qays) warqado bakhtiyaa nasiib ah oo ay ku qoranyihii wadamada iyo goobaha ay ku todobaxayaan((honeymoon) taasi oo arooskasdaaba qaadanayay nasiibkiisa meesha u soo baxda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,

 

 

 

Tababar Ku Saabsan Ilaalinta Duur-joogta Deegaanka Oo Loo Qabtay Xubno Kasocday Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 14ka November 2016. Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen wakaalada ilaalinta khayraadka Duur-joogta  JDFI iyo Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah DDSI oo kaashanaya haayada  Born Free Foundation in Ethiopia islamarkaana ku saabsan wacyigalinta iyo xakamaynta ugaadhsiga iyo dhoofinta sharci darada ah ee  lagula kaco duur joogta Deegaanka soomaalida itoobiya ayaa maanta kaqabsoomay xarunta DDSI ee Jigjiga.

Hadaba tababarkan ayaa furintaankiisii waxaa ugu horayn kahadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay sidii siwada jir ah bulshada iyo dawladuba ay udkayn lahayd duur joogteena islamarkaana loo xakamayn lahaa ugaadhsiga iyo dhoofinta sharcidarada ah ee duur joogteena. Maadaama oo ilaahay deegaanka soomaalida itoobiya ku manaastay duurjoog kala duwan oo qaali ah gaar ahaan libaaxa loo yaqaano black lion in deegaankeena uu khaas u yahay oo aan laga helin caalamka intiisa kale.

Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in tababarkani uu yahay mid muhiim ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno kasocda dagmooyinka deegaanka. Wuxuuna ku dhiirigaliyay in int uu socdo tababarku sifiican looga faaiidaysto casharada.

Dhanka kale, Gadh/wadeenka G/Socodka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga ah mudane Khadar Carab Hiraad oo isna kahadlay ayaa sheegay in tababarkan fulintiisa ay iska kaashadeen wakaalada ilaalinta Khayraadka duurjoogta ee JDFI iyo waliba haayada Born Free Foundation islamarkaana uu san ahayn tababarkii ugu horeeyay ee xafiisku qabto, noqona doonin kii ugudanbeeyay.

Ugudanbayna agaasinka ayaa carabka ku dhuftay in sidookale tababarkan lagu qaadanayo casharo la xidhiidha waxsoosaarka iyo ilaalinta nabaadguurka.

Ogaysiis Muhiim Ah jaaliyada DDSI

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 14da November. 2016. Ogaysiis muhiim ah, waxaa la ogaysiinayaa dhamaan xubnaha  jaaliyada DDSI ee ka soo qayb-galay  shirwaynihii 9aad ee X.D.SH.S.I ee wakhti xaadirkan ku sugan caasimada DDSI  magaalada jigjiga in ay barito oo ay taariikhtu tahay 15da bisha November, 2016, saacatunaha tahay 4:00PM galabnimo in ay yimaadaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoomaan ee caasimada DDSI.

Haddaba, waxaa  xubnahan qurba joogta DDSI lagu  wargalinayaa  in ay ilaaliyaan wakhtiga 

Garoonka Casriga ah Ee Ciyaaraha Oo Meel Gabgabo Ah Maraya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 15ka November 2016. Wafti kasocday federationka ciyaaraha JDFI islamarkaana uu waheliyo wasiir kuxigeenka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI ayaa kormeer indho-indhayn ah kusoomaray garoonka casriga ah ee dhismihiisu kasocdo xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga.

Hadaba, wafigan kasocday JDFI ee indho indhaynta u yimid deegaanka ayaa sheegay in si quruxbadan oo kudayasho mudan loo wado dhismaha garoonka ciyaaraha. Waxayna tilmaameen inuu meel gabo gabo ah  marayo iyagoo carabka kudhuftay in garoonkani uu yahay mid lagu qaban karo tartanka ciyaaraha kubada cagta ee deegaamada dalka.

Dhanka kale wasiir kuxigeenka Xafiiska Dhalinyarta iyo Ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan   ayaa sheegay in garoonkani yahay mid wax wayn katari doona dhanka ciyaraaha kaladuwan ee dhalinyarada islamarkaana lagu qaban doono tartanada ciyaaraha ee gobolada iyo deegaankaba.

Ugudanbayna wuxuu tilmaamay in garoomo isaga  lamid ah laga hirgalin doono gobolada deegaanka.

Kulan Loo Qabtay Shaqaalaha Waaxda Damaanad Qaadka Cuntada Ee Xafiiska Beeraha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 15ka November 2016. Kulan balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI waaxdiisa damaanad qaadka cuntada islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha waaxda damaanad qaadka cuntada ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba kulankan ayaa waxaa igu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Guuleed Ow Cali Kaahin oo sheegay inuu kulankan lagaga hadlayo waxqabadkii sanada 2008TI sidii loo hirgaliyay iyo hadaan la hirgalinin sababta ay u hirgali wayday , waxa uuna masuulku intaa ku daray in iyana laga wada hadlayo 3dii bilood ee uu barnaamijku 28 degmo oo deegaanka ah siinayay lacagta ka faaiidaysata yaasha barnaamijka PSNP.Wuxuuna masuulku xusay in mashaaricihii laqabtay iyo lacagihii la siinayay ka faaiidaysta yaasha barnaamijka ay si fiican u hirgaleen , Islamrkaana shaqsi kasta oo shaqaalah kamid ah lagula xisaabtami doona shaqadiisa kii shaqada wanaajiya  lagu abaal marin doona shaqa wanaagiisa kii kasoo bixiwaayna sharciga la waafajin doona. Wuxuuna wasiir kuxigeenku shaqaalaha kula dardaarmay inay dadaalkooda halkaa kasii wadaan .

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay agaasinka damaana qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay degmooyinka uu ka hawlgalo barnaamijku iyo tirada bulshada ka faa’iidaysata waxa uuna yidhi” Barmaamijkan ayaa deegaanka ka hawgala 31 degmo islamarkaana ay ka faa'iidaystaan Bulsho dhan  1.6 milyan oo qof. Guud ahaan sanadkii muddo 6 bilood ah ayaa ka faaiidaystayaasha laga taageeraa dhinaca Raashimada iyadoo ay waajib ku tahay  Qof kasta oo ka mid ah qoysaska  loo xushay ee shaqayn kara  (Public work) in uu ka qayb qaato shaqooyinka wadajirka ah ee bulshada, gaar ahaan hawlaha horumarinta aasaasiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, khayraadka dabiiciga iyo ilaalinta deegaanka. Wuxuuna agaasiku intaa ku daray in barnaamijku uu 28 degmo lacag ahaan usiiyo ka faaiidaysta yaasha meshii ay ka qaadan jireen raashinka islamarkaana 3 bilood ee u danbaysay lagu howljiray lacagsiintooda iyadoo lacagta lasiiyayna ay dhanayd 655,986,899.40 birr islamarkaana say ahayd loo wada gaadhsiiyay 28 degmo ee barnaamijku lacag ahaan kaga howlgalo.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah shaqaalaha oo sheegay inuu kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahanyahay islaxisaabtanka iyo cadcadaanta la waydiinayo shaqsi walba shaqada uu qabtay sida uu umeel mariyay haduu hagaajiyay iyo haduu xumeeyayba, Taasoo ka shaqaale ahaan ay shegeen inay u fiicantahay.


Kulan Lagaga Hadlayay Dardargalinta Qorshayaasaha Horumarka Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 16ka, November, 2016. Kulan ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha X.D.SH.S.I  mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa maanta ka dhacay madasha shirarka  kaali 2 ee xarunta madaxtooyada DDSI.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen hogaaminta sare ee XDSHSI iyo masuuliyiinta xafiisyada horumarka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa hawlaha horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban gaar ahaan dar-dargalinta mashaariicaha horumarineed taasi  oo  xooga lagu saarayay dhinaca mashaariicaha biyaha deegaanka. iyada oo si qoto dheer looga dooday sidii  dayactir  loogu samayn lahaa   dhamaan ceelasha biyaha deegaanka si bulshada deegaanka  looga haqabtiro helitaanka biyaha. 

Gabagabadii kulankan waxaa laysla qaatay sidii loo sii   dar dargalinlahaa dadaalada loogu jiro kor u qaadida heer daboolka biyaha, iyada oo la dadajinayo fulinta qorshayaasha  horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba in  la ilaalinayo tayada adeegyad la  gaadhsiinayo  bulshada deegaanka.  

Qurbajoogta Iyo Kaalintii Ay Kaqaateen Dhismihii Degmooyinka, Maamul-magaalooyinka iyo Goboladii Cusbaa

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 16ka November 2016. Sida lawada ogsoonyahay waxaa jirtay inay qurbajoogta DDSI ee kukala nool dacalada dunida ay  kaalintooda taageero ahaan kaga qayb qaadanayeen dhismaha iskuulada, health centerada iyo waliba kharashka kubaxayay xafladihii loogu damaashaadayay 25kii degmo, 2dii gobol iyo 2dii maamul-magaalo ee uu dhawaatan golaha baarlamaanka deegaanku ku-ansixiyay kal-fadhigiisii 2,aad golihiisa 5,aad iyadoo ay qurbajoog kasta lacagta lagu dhisayo iskuulada, health centerada iyo kharashka xafladihii dabaal-daga kusoo shubtay accountyadii loo sameeyay degmooyinka, gobolada iyo MMkii cusbaa. kuwaas oo ay qurbajoogta DDSI ee dunidu kasoo kalajeedaan.

Hadaba, waxaa hubaal ah inay qurbajoogtu kukala-hadheen kaalintii taageero ee ay kaga qayb qaateen dhismaha iskuulada, xarumaha caafimaadka iyo xafladihii daah-furka.  Waxaadna ka akhrisataa shaxdan hoose lacagaha ay qurbajoogta degmo kasta soo direen iyo waxa ay qaban karto iyadoo wadarta guud ee lacagtu noqotay Dollar ahaan 498,184.34USD, ETB ahaana 11, 956,376.16 Birr:

No

Magaca deg/gob/MM

 

Doolar ahaan

Birr ahaan(ETB)

Qiyaasta waxa ay qaban karto

1

Degmada Ilo-Horshagax

59,882 USD

1,437,168 birr

Clinical(rug caafimad VVV important people)

2

Degmada Dig

34,993 USD

839,832

Dugsi hoose

3

Degmada Bilcin buur

33,441 USD

802,584

Dugsi hoose

4

Degmada Higloolay

31,842,75

764,226

3-4 fasal oo iskuul ah

5

Degmada Laasdhankayre

30,170

724,000

Dugsi hoose

6

Degmada Lehel-yucub

27,731

665,544

3-4 fasal oo iskuul ah

7

Gobalka Dhaawa

26,034

624,816

4 fasal oo waawayn

8

Degmada Dharwanaje

24,788,12

594,914,88

3-4 fasal oo iskuul ah

9

Degmada Mula

24,336

584,064

2-3 qol oo iskuul ah

10

Degmada Kudunbuur

20,640,25

495,366

Barkad biyo oo yar

11

Degmada Shabeley

19,345

464,280

2 fasal oo iskuul ah iyo hal musqul ardayda ah

12

Degmada Waangey

18,500

444,000

2 fasal oo iskuul ah iyo hal musqul oo ardayda ah

13

Degmada Boodaley

18,307

439,358

Barkad biyo oo yar

14

Degmada Gablalu

18,275

438,600

Barkad biyo oo yar

15

Degmada Eleele

14,415.22

345,965.28

2 fasal oo iskuul ah

16

Degmada Qooxle

13,187

316,488

Hal fasal oo iskuul ah iyo 2-3 musqulo arday ah

17

Degmada Ceel-ogaadeen

13,160

326,400

2 fasal oo iskuul ah

18

Degmada Haroorays

11,000

264,000

Hal fasal oo iskuul ah iyo 2 musqulo ardayda ah

19

MM Wajaale

10,000

240,000

2 fasal oo iskuul ah

20

Degmada Xaraarey

7,150

171,600

4-5 musqulaha shacabka ah

21

Degmada Yaxoob

8,000

192,000

5-6 musqulaha shacabka ah

22

Degmada Abaaqarow

7,050

183,600

4-5 musqulaha shacabka ah

23

Degmada God-god

6,375

153,000

Hal fasal oo iskuul ah ama 4-5 musqulo ah

24

Degmada Gota-biki

6,035

144,000

4-5 musqulo ah (poor)

25

Degmada Boqol-maayo

4,294

103,056

4 musqul Shacab ah

26

Degmada Cayuun

3,450

82,800

3-4 musqulo Shacab ah

27

Degmada Galxamur

3,000

72,000

2-3 musqulood oo shacabka ah

28

MM Q/bayax

1,400

33,600

2 musqulood oo shacabka ah

29

Gobolka Nogob

780

18,720

1 musqul oo shacabka ah(VV Poor)

30

Qadhaadhumo

0

0

Kneel

 

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka iyo Guriyeynta JDFI Oo Jigjiga Lagu Soo Dhaweeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 17ka, November, 2016. Waxaa maanta si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay caasimada DDSI  ee Jigjiga  wufuud kala duwan oo uu hogaaminaya wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo Guriyeynta  JDFI  mudane Dr Ambachaw Mekonnen.

Waxaana wafigan ku soo dhaweeyay magaalada jigjiga    masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI     mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah. sidoo kale    kooxaha baanboyda DDSI ayaa siwayn uga qayb-qaatay soo dhawaynta wufuudaasi.

Haddaba, masuuliyiintan kala duwan oo ka  socotay 9ka deegaan ee dalka, 2da ismaamul magaalo ee  dalka gaar ahaan xafiisyada horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha  deegaanada   iyo wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyeynta JDFI ee  maanta lagu soo  dhaweeyay  jigjiga ayaa qaarkood waxa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal Airport halka masuuliyiinta qaarkoodna ku yimaadeen magaalada jigjiga socdaal dhinaca dhulka ah.

 

Ujeedada socdaalka waftigan ayaa ah in ay ka qaybgalaan  shirwaynaha 12aad  ee heer qaran ee  sacterka horumarinta magaalooyinka dalka oo sanadkan  ay marigalinayso caasimada DDSI ee jigjiga  kaasi oo maalinta barito ah ka furmaya hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI. 

Shir Lagu Qiimaynayey Waxqabadka Magaalooyinka Deegaanada Ay taageerada gaarka ah Siiso JDFI oo ka furmay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 17ka, November, 2016. Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka  ee qaryaan dhoodaan  shirkii qiimaynta waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay  ee sectorka horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha ee deegaanada ay taageerada gaarka ah ka hela  JDFI. Deegaanadaasi  oo kala ah deegaanka somalida itoobiya, Canfarta, Benishaangulka iyo deegaanka Gambeela.

Waxaana,  ka soo qaybgalay shirkaasi masuuliyiin ay ka mid yihiin afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid isaaq madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI  mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar,  masuuliyiinta xafiisyada horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha afartaasi deegaan iyo masuuliyiinta maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxaana furitaankii shirkan ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ugu horayntii si diiran ugu soo dhaweeya xarunta deegaanka masuuliyiinta iyo martidii  ka soo qaybgashay shirkan  isaga oo sheegay in shirkan qiimaynta ah mudada uu socto diirada lagu saaridoono waxqabadkii  sectarka horumarinta magaalooyinku deegaanadani ee 6dii bilood ee la soo dhaafay. Afhayeenaka golaha xildhibaanada DDSI oo xusay in  shirkan qiimaynta oo 6dii biloodba mar lagu qabto  mid  ka mid ah deegaanadan  kana soo baxaan qorshayaal lagu xoojiyo horumarinta magaalooyinka deegaanadan. dhinaca  afhayeenka ayaa sheegay  in deegaanka soomalida itoobiya guulo waawayn ka soo hooyay sanadihii ugu danbeeyay dhinaca horumarinta magaalooyinka DDSI, kor u qaadida bilicda iyo baaxada magaalooyinka DDSI, abuurida fursado shaqo , aas aasida  iskaashatooyin  iyo kobcinta awooda. wuxuuna tilmaamay afhayeenku in DDSI sii xoojinayo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee magaalooyinka DDSI.

 

shirkan qiimaynta ah ayaa muddadii uu socday waxay  deegaanadu ku soo bandhigidoonaan warbixinta waxqabadkoodii, waxyaabihii ay hormuudka ku noqdeen/ ku dayashada mudnaa iyo meelaha ay goldaloolada ka jirtay. Nasiib wanaag waxaa xusid mudan in shirkan qiimaynta ah,  deegaankeena lagu qabtay ay isku soo beegmeen   shirwaynihii 12aad ee heer qaran ee sectarka horumarinta magaalooyinka deegaanada dalka iyo 2da maamul magaalo oo maalinta barito ah ka furmaya magaalada jigjiga. 

MW CMC Oo Furay Shirwaynihii 12aad Heer Qaran Ee saktarka horumarinta Magaalooyinka Iyo Guriyaynta

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Jumce, 18ka, November, 2016. Waxaa maanta magaalada jigjiga  gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI si Rasmiya uga furmay shirwaynihii 12aad ee heer qaran ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyeynta ee 9ka dawlad deegaan iyo 2da ismaamul magaalo ee dalkeena itoobiya.

Waxaana furitaankii shirkan ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr Ambachaw Mekonnen, masuuliyiin ka socoday 9ka dawlad deegaan, 2da ismaamul magaalo iyo masuuliyiin sare oo ka socotay JDFI.

Waxaana ugu horayntii si rasmiya  u furay shirkan  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo marti sharafta  ka soo qaybgashay shirkan isaga oo sheegay madaxwaynahu in uu ku faraxsan yahay martigalinta shirwaynahan uu martigaliyay DDSI gaar ahaan caasimada DDSI. madaxwaynaha DDSI ayaa si kooban  uga warbixiyay dadaalada xukuumada DDSI ugu jirto horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta iyo waliba in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay hirgalinta qorshe hagaha magaalooyinka DDS,  kor u qaadida bilicda magaalooyinka, abuurida ilaha shaqada dhalinyarada magaalooyinka, kobcinta iskaashatooyinka magaalooyinka, biyo galinta,  jidadka magaalooyinka,  laydh galinta  iyo isgaadhsiinta  magaalooyinka. Wuxuuna tilaamay madaxwaynaha DDSI in ay hirgalinta qorshayaashaasi  kaalin wayn ka qaadatay taageerada ay laga helay  wasaaradaha heer faderaal.  Madaxwaynaah ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI sii xoojinayso dadaalada kor loogu qaadayo horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii shirkan wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr ambachaw mekonnen isaga sheegay in uu ku faraxsan yahay sida meeqaamka sare ah ee loogu soo dhaweeyay caasimada DDSI. wasiirka ayaa xukuumada DDSI ku amaanay dadaalka ay kaga midho dhalisay  horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta gaar ahaan  bilicda iyo balaadhinta caasimada DDSI ee jigjiga oo wakhti kooban ku soo gaadhay ayuu yidhi wasiirka magaalooyinka waawayn ee dalka, wasiirka ayaa sheegay in ay mudan tahay in deegaanada kale ee dalku  ka tusaale qaataan  nidaamka horumarinta magaalooyinka DDSI. mar uu ka hadlayay wasiirku ahmiyada shirwaynahan ayaa waxa uu sheegay in ujeedada sanadba magaalo loogu qabtaa tahay sidii ay u kala khibrad qaadan lahaayeen deegaanada dalku isaga oo sheegay in shirkan diirada lagu saarayo abuurida ilaha shaqada, kor uqaadida bilicda magaalooyinka, cagaarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

 

Shirkan oo lagu soo bandhigay dood-cilmiyeedku saabsan horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta ayaa waxaa booqasho lagu tagay mashaariicaha dhismaha guryaha laga hirgalinayo xaafada dulqabow ee magaalada jigjiga  kuwaasi oo dhismahooda hadda la soo gabagabeeyay DDSI. shirkan ayaa maalmaha soo socda ka sii socondoona caasimada DDSI ee jigjiga

 

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>