Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Shirwaynihii 9aad Ee XDSHSI Oo Galay Maalintii 2aad.

$
0
0

Maraacaato( cakaaranews), talaado, 1da, November, 2016.  Waxaa maalintii 2aad si qurux badan uga socda tuulada maraacaato ee degmada qabridahar shirwaynihiI 9aad ee XDSHSI.

Sida aad wararkayagii hore kula  socoteen  waxaa maalintii shalay la dhagaystay warbixinta waxqabadka gudiga qaban qaabada shirwaynaha, sidoo kale waxaa maalintii shalay la doortay gudiga hogaaminta shiwaynaha.

Haddaba, waxaa maalintii shalay galinkii danbe lagu dhagaystay  shirwaynahan  warbixinta waxqabadka XDSHSI   gaar ahaan labadii sano ee ugu dambeeyay . Warbixintan waxaa soo jeediyay madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka, hase ahaatee waxa uu madaxwaynuhu si qoto dheer uga warbixiyay sidii uu XDSHSI u meel-mariyay fulinta istaraatajiyadaha iyo  qorshayaashii  uu dajistay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI  gaar ahaan guulaha laga soo hooyay dhinacyada nabadgalyada, horumarka, maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba,xoojinta iyo hirgalinta nidaamka dawladnimo, hirgalinta saraynta sharciga, la dagaalanka iyo tir-tirida qabyaalada, dulsaarnimada, la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa, xoolo xirdoonimada, la dagaalanka  xag-jirnimada, qalajinta aragdida guracan iyo hirgalinta aragtida horumarineed. Warbixinta uu jeediyay madaxwaynaha DDSI oo ahayd mid ku sar-go’an guulaha uu soo  hooyay  XDSHSI intii u dhaxaysay shirwayihii 8aad iyo shirwaynahan 9aad ayaa aad u soo jeedatay  ergooyinka iyo wakiilada ka socday xisbiyada ay bahwadaagta yihiin XDSHSI.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay shirwaynaha dhukumanti filim ka warbixinaya waxqabadka xisbiga, tabihii iyo xeeladihii loo adeegsaday fulinta qorshayaasha horumarineed ee  ah  jawaabaya baahiyaha shacabka  DDSI.

Sidoo kale waxaa maanta galinkii hore  ergooyinka iyo wakiilada ka socday xisbiyad ay bahwadaagta yihiin XDSHSI  ay ka warbixiyeen sida ay u arkaan warbixintii XDSHSI ee sanadihii ugu danbeeyay ka dib waxaa lagu ansaxiyay warbixintan cod buuxa.

Waxaana la filayaa  in hadda  laguda galo dhismaha hogaaminta XDSHSI. Kala soco karaanews wararka ka soo kordha shirwaynahan 9aad ee XDSHSI.

 

 


Deg deg: Raysal Wasaaraha Dalka Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

$
0
0

Addiss ababa(Cakaaranews) Talaado 1da November 2016. Raysal wasaaraha dalka mudane  Hailemariam Desalegn ayaa baarlamaanka hortooda kaga  dhawaaqay xubno kabaneega  ama wasiiro cusub. Islamarkaana baarlamaanka ayaa ansixiyay xubnahan kabaneega ama wasiiro isugu jira.

Haddaba waa kuwan magacayadii wasiirada cusbaa ee lagu dhawaaqay:

1. Dr. Workineh Gebayehu-                   Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada

2. Mr. Tagesse Chafo                          Wasiirka Wasaarada Adeega Shacabka Iyo Cududa Shaqaalaha       

3. Dr. Abraham Tekasta    -                   Wasiirka Wasaarada Maaliyada Iyo Dhaqaalaha

4. Dr. Bekele Muladu       -                   Wasiirka Wasaarada Ganacsiga

5. Prof. Fikadu Beyene      -                 Wasiirka Wasaarada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga

6. Dr. Eyasu Abraha   -                         Wasiirka Wasaarada Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga

7. Dr. Eng. Getahun Makuria    -           Wasiirka Wasaarada Science Iyo Technologyada

8. Mr. Ahmed Shide                -          Wasiirka Wasaarada Gaadiidka

9. Dr. Ambachaw Mekonnen  -          Wasiirka Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka Iyo Guriyeynta

10. Eng. Ayisha Mohammed      -        Wasiirka Wasaarada Dhismaha

11. Dr. Eng. Sileshi Bekele        -         Wasiirka Wasaarada Biyaha,Waraabka Iyo Quwada Korontada

12. Mr. Motuma Mekassa        -        Wasiirka Wasaarada Macdanta, Petroleumka Iyo Shidaalka Dabiiciga

13. Dr. Gemado Dale              -          Wasiirka Wasaarada Arrimaha Deegaanka,Kaymaha Iyo Isbadalka Cimilada

14. Dr. Shiferaw T/Mariam       -          Wasiirka Wasaarada Waxbarashada

15. Prof. Yifru Birhana              -         Wasiirka Wasaarada  Caafimaadka

16. Dr. Girma Amante               -        Wasiirka Wakaaladaha

17. Dr. Hirut W/Mariam           -          Wasiirka Wasaarada Dhaqanka Iyo Dalxiiska

18. Mrs. Demitu Hambisa         -         Wasiirka Wasaarada Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta

19. Mr. Ristu Yirdaw                 -        Wasiirka Wasaarada Dhaliyarada Iyo Ciyaaraha

20. Mr. Kebede Chane              -        Wasiirka Wasaarada Dakhliga Iyo Jibriyada

21. Dr. Negari Lencho                -      Wasiirka Wasaarada xidhhidhka Arrimaha Dawlada

Sidoo Kale Waxa Uu Raysal Wasaaaruhu Ku Dhawaaqay Wasiirada Aan Laga Badalin Wasaaradihii Ay Horey Ugu Qornaayeen.

Haddaba Xubnaha Kaabineega  Aan Laga Badalin Xilalkii Ay Hayeen Waa Kuwan Soo Socda

1. Demeke Mekonnen   -                   Raysal Wasaare Kuxigeenka

2. Siraj Fegessa             -                   Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga

3. Kassa Tekleberhan      -                 Wasiirka Wasaarada Arrimaha Fedaraalka Horumarimnta Reer Guuraaga

4. Dr Debretsion Gebremichael-        Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Iyo Technologiyada

5. Ahmed Abitew        -                   Wasiirka Wasaarada warshadaha

6. Getachew Ambaye      -                Xeer Ilaaliyaha Guud

7. Abdulfetah Abdulah     -               Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada Iyo Shaqaalaha

8. Dr Yinager Desse         -               Komushineerka Komoshinka Qorshaynta Qaranka

9. Asmelash Woldesilasie   -             Golaha Sare Lehna Awood Wasiir

 

 

47 Xubnood Oo Loo Doortay Golaha Dhexe Ee X.D.SH.S.I

$
0
0

Maraacaato( Cakaaranews) Talaado, 1da November 2016. Shirwaynihii 9, aad ee XDSHSI ee kasocday tuulada maraacaato ee degmada qabridahar hoos timaada ayaa maanta lagu doortay 47da xubnood ee golaha dhexe ee XDSHSI noqonaysa 2da sano iyo badhka soo socota iyadoo tirada golaha dhexe oo horay u ahayd 51 xubnoodna cod-buuxa la iskulaqaatay inay noqoto 47 xubnood.

Tababar Loo Hayay Xirfadlayaal Caafimaad Oo Lasoo Gunaanaday

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 2da November 2016.Tababar uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI  laguna tababarayay xirfadlayaasha caafimaadka oo tiradoodu kabadantahay 100 xirfadle   islamarkaana kakala yimid degmooyinka gobolka faafan ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka  DDSI.

Hadaba, xidhitaankii tababarkan yaa waxaa ugu horayn kahadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in tababarkani yahay tababar isku dhaf ah oo lagu dhisayo aqoonta xirfadlayaasha fidinta caafimaadka ee ku aadan ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS, Qaaxada iyo waliba cudurkaa juudaanka. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in tababarkani yahay mid isku xidhaya dhamaan xarumaha iyo ruguha caafimaadka DDSI laguna dardar galinayo shaqooyinka caafimaadka u yaala

Ugudanbayna wuxuu dardaaran usoojeediyay dhamaan shaqaalaha caafimaadka inay kaalin mugleh kaqaataan kamidho dhalinta barnaamijkan lagu xakamaynayo cudurada. Wuxuuna xusay haayadaha bah wadaagta la ah xafiiska in tababarkii sidii larabay uu u hirgalay islamarkaana ay muhiim tahay in doorka kaga aadan ay ka qaataan natiijo ka keenida tababarka.

Iskusoowada duuboo tababarkan ayaa laga wada bilaabay dhamaan gobolada DDSI iyadooy kafaa’iidaysanayaan xirfadlayaal toradoodu dhantahay 1060 xubnood.Waxaana lafilayaa in natiijo wax ku ool ah laga keeno xakamaynta cudurka  HIV AIDS, cudurka juudaanka iyo waliba

Gudiga Fulinta Iyo Komishinka Dabagalka X.D.SH.S.I Oo La Doortay

$
0
0

maraacaato (cakaaranws) Arbaca, 2da, November, 2016.   waxa shirwaynihii 9aad ee XDSHSI maanta lagu doortay golaha  gudiga fulinta XDSHSI oo ka kooban 15 xubood kuwaasi oo 2da sano iyo badhka soo socda hogaamindoona XDSHSI.

 Haddaba, golaha gudiga fulinta XDSHSI ee la doortay maanta waxaa ku cusub oo kaliya 4 xubnood kuwaasi oo kala ah.

1.       Faamudo Cabdilaahi Takhal maareeyaha  wakaalada dhismaha jidadka DDSI.

2.       Cabdiraxmaan Maxamed Xasan  wasiirka xafiiska jidadka.

3.       Maxamed Cabdi Bare gudoomiyaha Gobolka Doolo.

4.     Cabdimahad Maxamed Cabaas maareeyaha wakaalada Iibka iyo adeega gaarka ah DDSI.

Halka 11ka kale ay yihiin masuuliyiintii hore ugu jirtay gudiga fulinta iyada oo ay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka XDSHSI ay sidii hore yihiin. xubnaha gudiga fulinta ayaa markii  la soo hordhigay shirwaynaha  lagu ansaxiyay codbuuxa.

Dhanka kale waxaa  isla maanta lagu doortay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI komoshinka dabagalka iyo baadhista XDSHSI oo ka kooban 15 xubnood kuwaasi oo hadda ka hor ahaan jiray 13 xubnood. Balse shiwaynahan 9aad ee XDSHSI lagu ansaxiyay in ay noqdaan 15 xubnooda. Waxaana gudoomiyaha komishinka dabagalka iyo baadhista loo doortay marwo Ikraan cabdi xasan.  Halka gudoomiye ku xigeenka loo doortay mudane Baashe Cabdi ismaaciil, sidoo kale waxaa xoghayaha komishinka dabagalka iyo baadhista loo doortay mudane cabdishakuur cismaan (dhagawayne) iyo 11 xubno ka ah gudigan kuwaasi oo shirwaynuhu ku ansaxiyay codbuuxa.

Shirwaynahan ayaa caawa xili danbe si qurux badan loogu soo gabagabeeyay tuulada maraacaato  oo uu ka socday mudo sadex maalmood ah.

Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 3da November 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI islamarkaana ay kasoo qaybgaleen bahwadaagta daryeelka caruurta oo ka koobnaa xafiisyada dawliga ah iyo haayadaha aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya deegaanka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka geedisocodka daryeelka caruurta ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI Mudane Mursal Maxamed Askar oo sheegay inuu tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo awooda xubnaha iskuxidhka kalaastarka daryeelka caruurta ee heer deegaan iyo ka gobolka Siti . wuxuuna agaasinku intaa ku daray inuu tababarku socondoono muda 2 maalmood ah islamarkaana  kasoo qaybgalayaasha looga baahan yahay inay ilaaliyaan saacda mudada uu socda tababarka maadaamo kor loogu qaadayo awoodooda farsamo iyo awoodooda fulineed ee dhanka adeega daryeelka caruurta.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarka oo sheegay inuu tababarkan faaiido uleeyahay islamarkaana ay hirgalin doonaan waxa ay ka faaiidaysteen tababarkan si fiicana uga qaybqaadan doonaan kulamada danbe ee bilaha ah ee isku xidhka kalastarka daryeelka caruurta.

MW CMC Iyo Masuuliyiintii Ka Qaybgashay Shirwaynihii 9aad Oo Ku Soo Noqday Xarunta.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 3da, November, 2016 Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii  ka qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ayaa maanta dib ugu soo noqday xarunta deegaanka ee jigjiga.

madaxwaynaha DDSI iyo wafigan ka qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI oo xalay lagu soo gabagabeeyay tuulada maraacaato islamarkaana uu gunaanadkii shirwaynahan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka soo jeediyay warbixin ku qotonta  jihooyinka iyo istaraatajiyadaha xooga uu saaraya XDSHSI  2da sano iyo bandhka soo socda ayaa saaka  ka soo baxay  magaalada qabridahar ee xarunta Gobolka Qoraxay

Haddaba, wafigan oo socdaal dhulka ku soo maray ayaa   intii ay madaxwaynaha DDSI iyo wafigan  ku soo socdeen caasimada DDSI ee jigjiga  waxay soo  booqdeen  mashaariicaha waawayn ee yoolaha horumarka waara oo  qaybta ka ah dadaalka loogu jiro tir tirida saboolnimada dalka iyo deegaanka laguna gaadhayo isku filnaansho  kuwaasi oo laga hirgalinayo  wijiwaaji, Goomaar, Shaykoosh, Birqod Baka.

madaxwaynaha DDSI iyo wafigan  ayaa u kuurgalay geedi soc0dka shaqo ee  mashaariicaha waawayne ee laga hirgalinayo goobahan ay booqdeen waxaana sharax dheerka siiyay heerka ay marayaan mashaariicahan hawl wadeenada  iyo engineerada fulinaya mashaariican waxayna sheegeen in mashruuca waraabka beeraha ee wijiwaaji uu waraabin doono dhulbeereed dhan 3,000 higter halka 3da mashruuc ee  kalana ay mid kasta uu waraabindoono 3,000 oo higter isku gayn mashaariican waawayn ayaa waxay waraabindoonaa dhul beereed dhan  12,000 Higter. Waxaana mashaariican waawayn ee waraabka beeraha loogu faa’iidayndoonaa qoysas dhan 20,000.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo waftigan ayaa galabta ku soo  caraabay  caasimada deegaanka ee jigjiga. 

Koox Isku Dhaf Ah Oo Isugu Jiray Jaamacada Jigjiga Iyo Heer Federal Oo Kormeer Ku Tagay Degmada Tuli

$
0
0

Tuli(Cakaarnews) Jumce 4ta November 2016. Khabiiro ka socday heer federal iyo jaamacada jigjiga islamarkaana takhasus dheeraad ah uleh dalaga beeraha ayaa kormeer indha indhayn ah kusoo maray tuulada feedhacad oo hoostimaada degmada tuliguuleed iyo tuulada shekh siciid oo katirsan degmada gursum ee gobolka faafan. Kuwaas oo ay jaamacda jigjiga Hada ka hor gaadhsiisay abuur tayaysan oo isugu jiray qamadi iyo daafi.

Hadaba  qaarkamid kooxdan isku dhafka ah ee ka kala socday heer federal iyo jaamacada jigjiga oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay la garab taagan yihiin taageerida dhinaca aqoonta ee dhanka beeraha tasoo bulshada ka ilaalinaysa fikirka cidhiidhyoon ee ma shaqaysta nimadka .

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan labada tuule ee ay kooxdu kormeerka ku tageen oo sheegay in abuurka ay jaamacadu siisay aad uga fiicanyahay abuurkii hore ee ay isticmaali jireen, islamarkaan uu kaga fiicanyahay dhanka tayada iyo isagoo wakhti gaaban ku bislaanaya.

 

 


Kulan Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Horumarka Iyo Nabadgalyada Oo Ka Dhacay MM Dhagaxbuur.

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews) jumce, 4ta November, 2016. Waxaa ka dhacay madasha  shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur shir balaadhan oo ay ka soo qayb-galeen qaarka mid ah masuuliyiin heer deegaan ah, masuuliyiinta gobolka jarar, masuuliyiinta MM dhagaxbuur iyo  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada dhagaxbuur.

Kulankan oo uu hogaaminayay wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayna ku wehelinayeen hogaan ku xigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubarak, gudoomiyaha gobolka Jarar mudane cabdi cali mataan   iyo masuuliyiin kale ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa hirgalinta iyo ka midho dhalinta  hawlaha horumarka nabadgalyada iyo ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo abuurka.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii dalka iyo deegaanka looga tir tirilaha saboolnimada iyo camal la aanta. Wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay ka faa’iidaystaan fursadaha dhinacyada badan ee ay xukuumada DDSI u fidinayso shacabka deegaanaka kana qayb-qaataan sii xoojinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada.

Dhinaca kale masuuliyiintii ka hadashay kulankaasi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI gaar ahaan dhinaca abuuritaanka ilaha shaqada iyo la dagaalanka camal la aanta kuwaasi oo kula dar-daarmay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalintooda kaga aadan hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo nabadgalyada ka soo baxaan.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa aad ugu mahad celiyay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimada. Waxayna sheegeen in ay ka soo baxayaan kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada kana faa’iidaysanayaan fursadaha shaqo ee ay xukuumada DDSI u fidinayso shacabka DDSI.

Komishinka Qaabilaada Iyo Cabashooyinka Oo Tababar U Qabtay Maamulka Xaafadaha Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 6da November 2016. Tababar uu soo agaasimay komishinka qaabilaada iyo cabahooyinka DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen maamulka 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si habasami leh uga bilawday hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay komishineerka komishinka qaabilaada iyo cabashooyinka mudane shaafi cashir oo sheegay in tababarkani uu kamid yahay qorshayaasha lagaga midho dhalinayo kabixida saboolnimada. Wuxxuna xusay in tababarkani yahay mid lagu baranayo nidaamka soogudbinta cabashooyinka ay bulshadu kaqabto dhanka adeeg bixinta haayadaha kaladuwan ee dawlada.

Sidookale komishineerka ayaa tilmaamay in tababarkan lagu baranayo isku xidhka bulshada qabta cabashada iyo komishinka islamarkaana maamulka xaafadaha looga baahanyahay in si sharciga waafaqsan ay u soo gudbiyaan dhamaan cabashooyinka ay ka qabaan dhinaca adeeg bixinta.

Ugudanbayna waxaa iyana dareenkooda kahadlay kasooqaybgalayaashii tababarkan oo shegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan loo qabtay ee lagu barayay nidaamka soo gudbinta cabashooyinka. Waxayna xuseen in ay si sharciga waafaqsan usoo gudbinayaan cabashooyinka.

Xaflad Casho Sharaf ah Oo Ka Dhacday jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Axad, 6da, November, 2016. Waxaa xalay ka dhacay  barxada wayn ee hoolka   qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga xaflad casho sharaf ah oo lagu soo xidhayay barnaamijka balaadhinta adeega isgaadhsiinta DDSI  oo ka socday deegaanada dalka gaar ahaan DDSI kaasi oo ay ujeedadiisu ahayd in dhamaan bulshada DDSI la gaadhsiiyo adeega moobilka gacanta iyo internetka loo yaqaano 3Gga.

Xafladaa casho sharafta ah,  oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu sarayso oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi  Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI golaha wasiirada DDSI masuuliyiinta ugu saraysa shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI (Ethio telecom)  oo ay ka  mid yihiin maareeyaha guud ee shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI mudane Dr Andhualem Admasse , iskuduwaha barnaamijka balaadhinta isgaadhsiinta dalkeena itoobiya mudane Ambachaw Radaye,  masuuliyiin ka socday shirkada Huawei iyo marti sharaf kale.

Xafladan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo  u mahad celiyay masuuliyiinta  shirkada isgaadhsiinta telifoonada dalkeena itoobiya  ayaa si qoto dheer uga  warbixiyay dadaalada xoogan ee ay shirkada isgaadhsiintu ku balaadhisay adeega isgaadhsiinta deegaanka gaar ahaan barmaamijkan balaadhinta adeega isgaadhsiinta oo kaalin wayn  ka qaatay helitaanka adeega moobilka gacanta iyo internetka 3Gga  kaasi oo gaadhay bulshada deegaanka ee ku nool goobaha fog-fog. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay dhinaca kale sheegay in ay baraamijkan shaqo abuur ka  heleen iskaashatooyinka dhalinyarada DDSI .wuxuuna madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta ka socay shirkada isgaadhsiinta in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan tayaynta adeega isgaadhsiinta.

Dhanka kale waxaa ka hadlay xafladan casho sharafta ah maareeyaha guud ee shirkada  isgaadhiinta telifoonada JDFI mudane Dr Andhualem Admasse wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay barnaamijkan balaadhinta adeega iskaadhsiinta. Isaga oo sheegay  in deegaanka somalida itoobiya uu barnaamijkan balaadhinta adeega iskaagshiintu  sidii loogu talagalay iyo wakhtigii loogu talagalay ka hirgalay. Waxaana taasi noo fududeeyay ayuu yidhi hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo si ka go’aansha leh noola shaqeeyay ayuu yidhi maareeyuhu. Waxaa kale oo uu sheegay in ay hirgalinta barnaamijkan balaadhinta adeega isgaadhsiinta kaalin miisaan culus ka qaataday wakaalada iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.

Gabagabadii  xafladan casho sharafta ah ayaa waxay masuuliyiinta shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI  gudoonsiiyeen abaalmarin gaar ah oo iskugu jirta shahaado sharaf iyo hadiyado kale madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar taasi oo uu ku mudaystay sida ka go’aanshaha leh ee uu ula shaqeeyay sidii loo hirgalin lahaa barnaamijkan balaadhinta adeega isgaadhiinta DDSI.

Dhanka kale waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay xafiisyadii iyo wakaaladihii   ka qayb-qaatay  hirgalinta barkaamijka balaadhinta adeega isgaadhsiinta DDSI.

 

 

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Horumarinta Xoolaha Iyo Kaluumaysiga JDFI Oo Booqatay Maxjarka Xoolaha DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Axad, 6da, November, 2016. Wafti iskugu jira  heer deegaan,  heer fedaraal  iyo heer gobol  oo ay hogaaminayeen madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna  Wasiirka xafiiska  Beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay ku wehelinasay  wasiirudawlaha wasaarada horumarinta  xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI  marwo Misraaq Mokonen ayaa booqday mashruuca dhismaha  maxjarka xoolaha DDSI oo laga hirgalinayo tuulada harre waqooyiga degmada jigjiga.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ee DDSI marwo sucaad axmed faarax ayaa waftigan heer fadaraal uga warbixisay geedi socodka shaqo ee  dhismaha maxjarkan. waxayna sheegtay in uu hadda marayo meel gabagabo ah. madaxwayne ku xigeenka ayaa masuuliyiintan u  sheegtay in dhismaha mashruucan maxjarkan ay dhismihiisa  fulinayso  wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.

Dhankeeda wasiiru dawlaha wasaarada horumarinta xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI marwo Misraaq Mokonen oo ka mid ah golihii wasiirada ee dhawaan Raysalwasaaraha dalku soo magacaabay islamarkaasna hawl shaqeedkeedii u horeeyay doorbiday inay booqashooyin shaqo ku  marto DDSI oo ah deegaanka ugu xoolaha badan dalka  ayaa bogaadisay  dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida caafimaadka iyo tayada xoolaha deegaanka waxayna sheegtay in maxjarkan yahay mid casriya oo ka qaybqaatanaya suuqgaynta xoolaha dalka gaar ahaana DDSI

Waftigan ayaa markii ay dhamaysteen booqashadii maxjarkan waxay  booqteen  tuulooyink ka agdhaw maxjarka oo laga wada  ololaha talaalka xoolaha gaar ahaan adhiga oo laga talaalayay cudurka PPRka   talaalkaasi ayaa ah mid lagu  tir tiraya  lagagana hortagayo cudurka loo yaqaano  PPRka oo ku dhaca adhiga iyaga oo wafigu kaga qayb-qaatay ol-olahaasi talaalka tuulooyinkaasi ay soo mareen.

Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 7da November 2016. Tababar u si heer sare ah usoo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah waaxdiisa khayraadka dabiiciga islamarkaan ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha 8 degmo oo public worker ah ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka waaxda khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Khadar  Carab Hirad  oo sheegay in tababarkanu yahay si shaqaalaha looga taageero hagaha barnaamijka public worker, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in kasoo qaybgalayaasha tababarka ay ilaaliyaan saacada mudada uu cashirku socdo.

Dhanka kale waxaa isna dhankiisa ka hadlay iskuxidhaha public worker ka ee xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah mudane cabdiraxiin maxamed shukri oo sheegay in tababarkani yahay sidii fahan buuxa looga siin lahaa diyaarinta qorshaha ee barnaamijka pulic worker islamarkaana loo tababarayo inay fahmaan waxa cusub ee barnaamijka wajigiisa 4aad kusoo biiray, Wuxuuna intaa ku daray  in shaqaalahan ay ka kale yimaadeen 8 degmo oo deegaanka ah. Ugu danbayna waxa uu masuulku sheegay in tababarku socon doono mudo 5 cisho ah islamarkaana loo baahan yahyahay inay kasoo qayb gala yaashu ka faa iidaystaan cashirka mudada uu tababarku uu socdo.

Jaaliyada DDSI Ee Birmingham Oo Qabatay Xaflad Lagu taageerayo shirwaynihii 9aad ee X.D.SH.S.I

$
0
0

Birmingham(cakaaranews), isniin, 7da, November, 2016. Jaaliyadda DDSI ee ku dhaqan  Birmingham UK ayaa  qabatay  xaflad ay ku taageerayaan shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ee lagu qabtay tuulada maraacaato ee tuleedka magaalada qabridahar. Xafladaasi ayaaka dhacday  hoolka shirirka Small heath waxaa ka soo qeybgalay dhamaan taageerayaasha  X.D.SH.S.I.

Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee Birmingham UK Mudane Bile Maxamed Siyaad iyo Ku xigeenka gudoomiyaha jaaliyada Birmingham uk mudane  Maxamed Shaafici oo u mahadceliyay Gudiga Xafladan quruxda badan ee lagu taageerayo XDSHSI soo qaban qaabiyay waxaa kale oo u mahad celiyay dhamaan Xubnaha Taageerayaasha XDSHSI.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Aqoonyahan Mudane Khaliif Sh Yuusuf oo ka warbixiyay sooyaalkii taariikheed iyo isbadaladii horumarineed ee uu dalku soo maray 25kii sano ee la soo dhaafay iyo gaar ahaan deeegaanka 25kii sano ee u danbaysay iyo faraqa u dhexeeya itoobiyadii shalay iyo itoobiyada cusub ee maanta.

Waxaa kale oo Halkaasi ka hadlay Mudane Mukhtar Cabdulaahi iyo Xasan Cali Yusuf oo ka yimid Gobolka Yorkshire sacada badan u soo socday in ay ka soo qeybgalaan shirka lagu taageerayo XDSHSI ee Jaaliyadda DDSI Birmingham UK Martigalisay waxay halkaasi ku soo bandhigeen Waxqabadka XDSHSI  uu qabtay.Waxayna sheegeen in  XDSHSI uu  mudo gaaban gudaheed lagu keenay isbadal balaadhan oo horumarineed islamarkaana tilmaamay in isbadalkani uu ku yimid oo kali ah kago’naanshiyaha hogaaminta deegaanka iyo taageerada XDSHSI. Waxayna ka mahadceliyeen Taageerayaasha Xisbiga  waxqabadka horumarineed, nabadgelyo iyo maamul suuban ee uu deegaanku gaadhay.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay ganacsato mardhow wadankii ka yimid  oo ay ka mid yihiin Mudane Saadaq cali iyo Cabdulaahi Xeef kuwaasi oo  ka warbixiyay  fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka isla markaana qurbajoogta DDSI fursado maalgasho ka samaystay deegaanka.

Kale qaarka mid ah haweenka qurba joogta DDSI ee Birmingham UK ayaa , tood siwayn u taageeray  Shirweynihii 9aad ee XDSHSI ee lagu qabtay Tuulada Maraacaato iyo guusha uu ku soo dhamaaday shirwaynuhu waxayna u soo bambalyeeyeen xubnaha hogaaminta XDSHSI ee lagu soo dhisay shirwaynhaasi 9aad.

Ugu danbayntii  Waxaa shirka soo xiray aqoonyahayn  Ugaas Xasan maxamed  oo uga mahadceliyay dhamaan Xubnaha Taageerayaasha XDSHSI isla markaana Taageeraya Shirweynihii 9aad ee XDSHSI wuxuuna bogaadiyay horumarka iyo nabadgaliyada maamul wanaaga  uu deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta gaadhay. Isaga oo sheegay ugaasku in guulaasi lagu gaadhay ka go’aanshaha, kartida iyo bisaylka siyaasaded  ee hogaaminta XDSHSI.

 

 

Xaflada Daahfurka mashuurca

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 7da November 2016. Xaflad lagu daahfurayay mashruuca kaasoo ku saabsan arrimaha dhaqanka bulsho ee saamaynta ku leh taranka iyo caafimaadka hooyada dhalaysa ee gabdhaha dhalinyarada ah ee deegaanka, oo ay kasoo qaybgaleen dhaqmaan bahwadaagta arrimaha haweenka oo isugu jira xafiisyada dowliga ah iyo haayadaha aan dawliga ahayn ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Hadaba furitaanka xafladan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Maxamuud Haybe oo sheegtay in ujeedada mashruucani yahay sidii loo yarayn lahaa loona cidhibtirilahaa waxyaabaha saamaynta ku leh taranka iyo caafimadka hooyada dhalaysa ee ku salaysan dhaqanka iyo aragtida bulshada, Waxayna marwadu intaa ku dartay inuu mashruucani ka shaqayn doono 18 degmo oo kamid ah gobolada Faafan, Jarar, Qoraxey iyo Siti. Sidoo kale mashruucan ayaa waxaa iska kaashan doona xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo haayada Save the Childeren internional.

Ugu danbayna mashruucan ayaa la filayaa inuu isbadal wayn ka keeni doono arrimaha la xidhiidha dhaqanka bulsho ee saamaynta ku leh taranka iyo caafimaadka hooyada dhalaysa, Islamarkaan uu mashruucani uu fahan buuxa kasiin doono arrimaha caafimaadka iyo taranka hooyada dhalaysa  gabdhaha dhalinyarada ah ee ku sugan goobaha uu mashruucani ka howlgalyo  .


Ogaysiis Jaaliyada DDSI .

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 7da November. 2016. Ogaysiis muhiim ah, waxaa la ogaysiinayaa dhamaan xubnaha  jaaliyada DDSI ee ka soo qayb-galay  shirwaynihii 9aad ee X.D.SH.S.I ee wakhti xaadirkan ku sugan caasimada DDSI  magaalada jigjiga in ay barito oo ay taariikhtu tahay 8da bisha November, 2016, saacatunaha tahay 10:00 subaxnimo in ay yimaadaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoomaan ee magaalada jigjiga.

Haddaba, wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI  waxay  xubnahan qurba joogta ku wargalinaysaa  in ay ilaaliyaan wakhtiga. Wixii faah.faahin ah kala xidhiidha wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI telifoonka ah:- 0913546523.

 

Wakaalada Dakhliga MM Godey oo agabka nadaafada ugu deeqay Hospitaalka Godey

$
0
0

Godey(cakaaranews)Isniin 7da November 2016. Xubno kamid ah masuuliyiinta maamulka magaalada godey oo uu horkacayo madaxa arrimaha Xisbiga MM Godey mudane  Axmed maki cabdulaahi oo uu waheliyo maareeyaha wakaalada dakhliga Maamullka magaalada Goday mudane Cabdulaahi Yaasiin Axmed ayaa maanta agabka nadaafada saabuunta iyo oomooyinka noocyadooda kaladuwan gaadhsiiyay Hospitaalka Gopdey.

Hadaba, madaxa Arrimaha Xisbiga MM Godey mudane  Axmed Maki cabdulaahi oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews in unug aasaasiga 2 aad ee maamulka magaalada goday ee wakaalada Dakhliga maamulka magaalada Godey ay si is xilqaan leh usoo uruurin agabka nadaafada ee saabuunta iyo oomooyinka noocyadooda kaladuwan islamarkaana ay maanta gudoonsiiyeen maareeyaha hospitaalka goday.

Sidookale, maareeyaha dakhliga maamulka magaalda goday mudane cabdulaahi yaasiin Maxamed oo dhinaciisa kahadalay ayaa sheegay in uu aad ugu riyaaqay sida wadaniyada leh ee unug aasaasiga 2aad ee kadhisan wakaalada dakhliga uu usameeyay.sida kagonaanshaha leh ee marba marka kadanbaysa waxtarka usamaynayaan iyagoo hada kahore tabarucaadyo kaladuwan sameeyay.

Ugudanbayna, maareeyaha Hospitaalka mm Godey mudane wali cilmi shariif oo dareenkiisa kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay deeqdan unug aas aasiga islamarkaana ay ka gudoomeen uguna mahad celinaayaan walaw hospitaalkuna uu siwanaagsan u gaadhsiin macaamiisha hospitaalka sida bukaan jiifka iyo shaqaalaha labadaba.

Kulan lagu Xoojinayay Xidhiidhka Qurba Joogta DDSI Oo Ka Dhacay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) talaado, 8da November,2016. Kulan balaadhan oo uu hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayna ku wehelinayeen masuuliyiinta wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

 Kulankan oo loo qabtay qurba joogta DDSI ee ka soo qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI  kana kala  timiday qaaradaha  aduunka ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu sii xoojinayo  xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya qurba joogta,  XDSHSI iyo xukuumada DDSI.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ugu horayntii u mahad naqay qurba joogta DDSI meelkasta oo ay joogaan gaar ahan xubnahan ka soo qaybgalay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI isaga oo sheegay in qurba joogta looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan ka qaybgalka hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga. Wasiirka ayaa tilmaamay in ka sokow hawlaha maalgashi ee ay wadaan qurba joogta DDSI haddana looga  baahan yahay talooyinka iyo tusaalooyinka ku saabsan xawaare galinta geediga horumarka. Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in XDSHSI  yahay mid mabaadidiisa siyaasadeed ku dhisan tahay la tashiga  bulshada . wuxuuna ugu danbayntii wasiirku ku amaanay  sida quruxda badan ee ay uga soo qaybgaleen xubnaha qurba joogtu  shirwaynihii 9aad ee XDSHSI.

Dhankiisa maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane cabdiwahaab yuusuf ayaa sheegay in markasta ay xukuumada DDSI soo dhawaynayso qurba joogta DDSI islamarkaana looga baahan yahay in ay ka faa’iidaysnaa fursahada maalgashi ee ka jira deegaanka. Sidoo kale waxa uu amaanay maareeyuhu dhamaanba qurba joogta DDSI sida meeqamka sare ee ay uga soo qaybgaleen shirwaynihii 9aad ee XDSHSI.

Dhankooda qurba joogtan ka soo qayb-gashay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI  oo ka hadashay kulankan ayaa  siwayn ugu mahad celiyay xukuumada XDSHSI  iyo xukuumada DDSI sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo sidii loogu casuumay in ay ka soo qaybgalaan shirwaynaha 9aad ee XDSHSI waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maalgashiga DDSI

Mas’uuliyiinta Gobolka qoraxay oo kulan layeeshay ururka dhaliyarada

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Talaado 8da November 2016. Kulan balaadhan oo ay kasooqayb galeen dhalinyarada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada iyo mm qabridahar islamarkaana ujeedadiisu ahayd mahadcelin looga mahadcelinayo dhalinyarada soo dhawayntii shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacan tuulada maraacato iyo waliba dhiirigalin lagu dhiirigalinayo kaqaybqaadashada Horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa kadhacay xarunta Gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar.

Hadaba, Kusimaha gudoomiyaha gobolka Qoraxay ahna madaxa arrimha siyaasada ee Gobolka qoraxay mudane axmed yaasiin cali oo ugu horayn kahadlay shirkan ayaa sheegay in dhalinyarta degmada iyo kuwa maamulka magaalada qabridahar ay waxqabad balaadhan ka sameeyeen soo dhawayntii iyo martigalintii kulanwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacay tuulada maraacato. Wuxuuna xusay in dhalinyartu ay dadaal balaadhan sameeyeen intii lagu jiray shirka islamarkaana ay adeeg u fidiyeen martisharaftii kaladuwanayd ee Hogaaminta Xisbiga oo tiradoodu kabadnayd 1800 oo xubnood. Wuxuuna tilmaamay kusimuhu in ay mutaysteen mahadcelin balaadhan islamarkaana ka maamul ahaan ay ku dhiirigalinayaan inay kor u sii qaadaan dadaalkooda.

Sidookale, Hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxay mudane maxamuud maxamed ooisna dhankiisa kahadlay ayaa mahadcelin balaadhan u soojeediyay dhamaan dhalinyarada gobolka gaara ahaan kuwii sida firfircawn ee xilkasnimada leh ee ay uga qaybqaateen dhalinyaradu soo dhawaynta martidii kazoo qaybgashay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacay tuulada maraacato. Wuxuuna amaan u soojeediyay dhamaan dhalinyarada qoraxeey sida ay ugarab taaganyihiin XDSHSI ugana qayb qaadanayaan Horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Ugudanbayna dhalinyarta oo dareenkooda kahadlay in aad ugu faraxsanyihiin sidii wanaaagsanayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii XDSHSI iyo bahwadaagtaba. Waxayna tilmaameen inay dadaalkooda ku aadan taageerada XDSHSI, ay sii labo jibaarayaan islamarkaana ay kamidhodhalinayaan qorshayaasha horumarineed ee uyaala iyo waliba ilaalinta nabadgalyada deegaankooda.

Tababar Lagu Xoojinayay Hirgalinta Ciidanka Horumarka Caafimaadka Oo Ka Dhacay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),talaado, 8da November, 2016. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay ujeedadiisu ahayd xoojinta iyo hirgalinta ciidanka horumarka adeega caafimaadka ee maamulka magaalada jigjiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Tababarkan oo loo qaybtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha maamulka magaalada jijiga ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimadka DDSI , mudane xasan ismaaciil, wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo raxma suldaan maxamuud haybe iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudan Axmed maxamed.

Waxaana tababarkan ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudan Xasan Ismaaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani. Wuxuuna sheegay in uu tahay tababar ku salaysan xoojinta ciidanka horumarka caafimaadka kaasi oo ka qayb-qaadan doona xaqiijinta fidinta adeega caafimaadka maamulka magaalada jigjiga. Wasiirka ayaa ku buuriyay qaybaha kala duwan ee bulshada loo qaybtay tababarkan in ay cashirada ay ku qaataan tababarkan ku xoojiyaan hirgalinta ciidanka horumarka adeega caafimaadka ee maamulka magaalada jigjiga.

 

Dhankooda wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo raxma suuldaan maxamuud haybe iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudan axmed maxamed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay cudud caafimaad oo hirgalinta ciidanka horumarka caafimaadka iyada oo xooga la saarayo hirgalinta 16 xidhmood ee adeega caafimaadka. Waxayna sheegeen in qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo qayb-gashay tababarkan marka uu dhamaado laga samayn doono gudiyo kala duwan oo hirgaliya ciidanka horumarka caafimaadka ee maamulka magaalad jigjiga.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images