Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Tababar Loo Qabtay Iskaashatooyinka Caanaha Ee Degamada Koonfurta Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Jumce 18ka November 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo xoolaha ee degmada koonfurta jigjiga islamarkaana ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed ee iskaashatooyinka caanaha ee kadhisan centerada camadhle, Hare, Baladka, Xaadaw iyo Daadhi ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, furitaankii  tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay madaxa xafiiska Horumarinta beeraha iyo  xoolaha ee degmada koonfurta jigjiga marwo Faadumo Nuur Barkhadle oo sheegtay in tababarkani wax wayn ku soo kordhin doonta silsilada xoojinta tayada waxsoosaarka xoolaha islamarkaana door fiican kaqaadan doona dhinaca garaadka aqoomeed ee iskaashatooyinka caanaha. Waxayna ku boorisay kaqaybgalayaasha in inta uu socdo tababrku sifaacan looga faaiidaysto casharada.

Sidookale waxaa isna tababarkan kahadlay khabiirka waxsoosaarka xoolaha mudane ayaanle xasan oo sheegay in ujeedada tababarku tahay mid lagu baranayo casharo laxidhiidha tayada waxsoosaarka xoolaha. wuxuuna xusay khabiirku in tababakan loo qabtay iskaashatooyinka ku dhaqan centerada camadhle, Hare, Baladka, Xaadaw iyo Daadhi. Isagoo carabka kudhuftay in dhamaan centaradan ay yihiin meelaha uu kahawlagalo Mashruuca horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha ee looyaqaano (DRS)

Sikastaba ha haatee, tababarkan oo ay casharada bixinayaan khabiiro kasocda xafiiska ayaa socon doona mudo shan maalmood ah.


Xuska Maalinta Caruurta Dhicisnimada Ku Dhasha

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Jumce 18ka November 2016. Munaasabada xuska maalinta daryeelka caruurta dhalata iyagoon shin'koodii gaadhin "Dhicis" ee heer caalami oo maanta ka dhacay hoolka shirarka huteelka Nogob guardian ee magaalada jigjiga. Munaasabadan ooy si wada jir ah u soo agaasimeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo hay'adaha bah-wadaagta la ah xafiiska caafimaadka sida; UNICEF iyo IRC.

Hadaba Waxaa furitaankii xuskan ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse, oo sheegay ujeedada iyo muhiimada ay xambaarsan tahay xuska maalintani kuna booriyay kasoo qayb galayaashu inay si fiican uga doodaan dhibaatooyinka la xidhiidha dhiciska iyo sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka bulshada ee ku aadan dhiciska iyo ka hortagiisa.

Xuska sanadkan oo dalkeena hal ku dhag looga dhigay " Habka hooyada kaangaaro da ahi ay u qabsato ilmaheeda waa Habka ugu wanaagsan ee loo daryeeli karo ilmaha dhiciska ah" taas oo ka dhigan in boga/laabta ilmaha iyo boga/laabta hooyada oon wax maro/dhar ah loo dhaxaysiinin la isa saaro kadib na maryo iyo buste la iskula duu-duubo. Munaasabadan ooy ka soo qayb galeen khabiirada caafimaadka heer deegaan, degmooyinka qaarkood, maamulka magaalada jigjiga, iyo hay'adaha ay bah'wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka. Waxaana lagu soo bandhigay war bixin tilmaamaysa xadiga dhimasha caruurta dhiciska ku dhashay ee heer dal iyo heer caalami iyo Habka looga hortagi karo ama lagu yarayn karo tirada dhalaanka u dhimata sababaha la xidhiidha dhicis nimada. Dood cilmiyeed ayaa ku xigtay warbixintii wax badanna lagaga dooday gaba gabadiina la isla meel dhigay arimo muhiim ah

Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka DDSI Oo Kulan Wacyigalin Ah U Qabtay Shacabka MM Wajaale

$
0
0

Wajaale(Cakaaranews) Sabti 19ka November 2016. Shir uu soo agaasimay xafiiska ganacsiga iyo gadiidka DDSI islamarkaana diirada lagu saarayay la dagaalanka ganacsiga sharcidarada ah oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta MM wajaale, laanta jibriga mm wajaale, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qabsoomay mm wajaale.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madax kooxeedka kormeerka iyo dabagalaka xafiiska ganacsiga iyo gadiidka mudane Cabdulaahi Qorane Maxamed oo sheegay in ganacsiga sharcidarada ah uu lid ku yahay horumarka dalka iyo deegaanka tasoo shacabka looga baahanyahay inay la dagaalamaan ganacsiga sharci darada ah kaalintooda kaga aadan, Wuxuuna intaa ku daray in ganacsiga sharci darada ahi uu dhibaatooyin badan ku hayo dalka iyo deegaankaba islamarkaana loo bahanyahay in si wada jir ah loola wada dagaalamo.

Sidoo kale waxaa iyana dhankeeda ka hadashay kusimaha maayorka mm wajaale ahna madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha marwo Ayaan Aadan Cismaan oo sheegtay in guulaha lagasoo hoyiyay ladagaalanka ganacsiga sharcidarada ah ay ku timid iskaashiga shacabka xukuumada iyo laanta jibriga.

Ugu danbayna waxaa kulnaka ka hadlay  qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan mm wajaale oo sheegay inay diyaar u yihiin sidii loola wada dagaalami lahaa ganacsiga sharci darada ah islamarkaana ay kaalintooda kaga aadan ka qaybqaadan doonaan.

 

Xaflad Casho Sharaf Oo Lagu Soo Xidhay Shirwaynihii 12aad Ee Horumarinta Magaalooyinka Ayaa Ka Dhacday Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Axad, 20ka, November, 2016.Waxaa xalay  ka dhacday magaalada jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee qaryaan dhoodaan xaflad casho sharaf ah oo lagu soo xidhay shirwaynihii  12aad ee heer qaran ee  saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta ee dalkeena itoobiya.

Xaflada casho sharafta ah oo si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI  ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid Isaaq, wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr  Ambachaw Mekonnen, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, masuuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay shirwaynihii 12aad  saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta dalkeena itoobiya.

Waxaana xafladan casho sharafta ah ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo  ugu horayntii u mahad celiyay masuuliinta iyo marti sharafta ka soo qaybgashay shirwaynahan ay martigalisay DDSI. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto ka midho dhalinta horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. isaga oo tilmaamay madaxwaynaha DDSI  in xukuumada DDSI qorshaha koboca  iyo  isbadalka dhaqaalaha qaybtiisa 2aad  xooga saartay  kobcinta awooda horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta DDSI.

Dhankiisa  wasiirka wasaarada  horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta mudane Dr  Ambachaw Mekonnen oo ka hadlay xafladan casho sharafta ah ayaa aad ugu mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada DDSI sida quruxda badan ee ay u martigalisay shirwaynaha 12aad ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. Wasiirka ayaa aad u amaanay guulaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka gaadhay dhinaca horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar gudoon siiyay hadiyado ka tirjimaya dhaqanka dawlada deegaanka soomalida itoobiya masuuliyiinta ka soo qaybgashay shirkan oo uu ugu horeeyay wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI  mudane Dr  Ambachaw mekonnen

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka Iyo Guriyaynta JDFI Oo Booqday Mashaariico Horumarineed.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)Axad, 20ka, November,2016. Masuuliyiintii ka soo qaybgashay shirwaynihii 12aad ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta dalkeena itoobiya ee uu hogaaminayay wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr ambachaw mokonnen oo ay horkacayaan   madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud  ayaa maanta booqday mashaariicaha horumarineed ee laga hirgalinayo caasimada DDSI.

waxayna, maanta ay booqdeen masuuliyiintani jidadka waawayn ee laga wado magaalada jigjiga kuwa laga dhigay laamay iyo kuwa la dhigay dhagaxa qoray ee loo yaqaano (cobblestone)   gaar ahaan wadada wayn ee hormarta dhakharka kaaraamardha  oo ah wado afar haad ah oo laamay ah, taasi oo samaynteedu meel fiican marayso.

Waxaa kale oo ay masuuliyiintani maanta booqdeen dhismayaasha guryo wadareedka  loogu talagalay in ay galaan dadka dan yarta ah, oo ay xukuumada DDSI ka dhisay magaalada jigjiga kuwaasi oo dhismahooda la soo gabagabeeyay hadda. Meelaha kale oo ay booqdeen waxaa ka mid ahaa guryihii ay xukuumada DDSI u dhistay dadkii ay guryahooda gaadhay wadooyinka laga hirgaliyay caasiamda DDSI ee jigjiga. dhinaca kale waxay booqdeen masuuliyiintani xarumaha iskaashatooyinka shaqo abuurka looga sameeyay magaalada jigjiga waxaana ka mid ahaa iskaashato  samaysa jaajuurka oo ay  leeyihiin dhalinyaradii hore uga tirsanaan jiray ururkii UBBO ee wakhiyadii hore ka dhaq-dhaqaaqi jiray DDSI. Balse markii ka tooban keeneen fikiradii xumaa ee ay hore u aaminsanaayeen ay xukuumada DDSI u samaysay fursadaha shaqo abuurka.

 

Wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane  Dr Ambachaw Mekonnen oo maanta isaga iyo masuuliyiintii uu hogaaminayay dib ugu noqdeen caasimada dalkeena ee addisababa ayaa ka hor intii aanu  ka duulin garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal Airporti  waxa uu warbaahinta uga warbixiyay booqashadii mashaariicaha DDSI ee magaalada jigjiga. Wuxuuna siwayn u bogaadiyay kaalinta balaadhan ee ay xukuumada DDSI siisay horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in ay deegaanada  kale dalkeena itoobiya  ka tusaale qaataan DDSI sida ka go,aanshaha leh  ee ay xooga u saareen  horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

Tababar Kusaabsan Maaraynta Lacagaha Kaashka ah (Cash Management)

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 21ka November 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI oo loo qabtay dhamaan gadhwadeenada geedisocodyada Xisaabaadka ee haayadaha dawliga ah ee heer degaan islamarkaana ujeedadiisu ahayd maarynta lacagaha kaashka ah (Cash Management) ayaa lagu sooo gabagabeeyay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay wasiir-kuxigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaaqaalaha DDSI mudane Jamaal faarax warmooge oo sheegay in tababarkani ku saabsanaa nidaamka cash management oo ah is waafajinta akoonada xafiisyada bangiga iyo qasnada dhexe ee maaliyada (treasury) iyo waliba sidii loo sii adkaynlahaa nidaamka maaliyadeed ee xafiisyada isagoo tilmaamay in tababarkani uu socday mudo  5 maalmood ah islamarkaana lagu baray kaqaybgalayaasha casharo aad muhiim ugu ah.

wasiir kuxigeenka oo hadalkiisii sii wata ayaa kula dardaarmay tababartayaasha in casharadii ay barteen u dhaadhiciyaan xafiisyadii iyo wakaaladihii ay ka kalayimaadeen si fiicana uga dhaqan galiyaan islamarkaana laga feejignaado khaladaadka ka yimaada dhanka maaraynta lacagaha.

Ugudanbayna, tababartayaashii oo kahadlay dhinacooda ayaa sheegay in ay barteen casharo faiido badan u leh. Waxayna tilmaameen inay balan qaadayaan in casharadan ay barteen ay kadhaqan galinayaan goobihii iyo xafiisyadii ay kakalayimaadeen.

Shirkii Qiimayta 6 bilood Ee Mashruuca PSNP Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 21 November 2016. Shirkii qiimaynta 6 bilood ee mashruuca PSNP oo ay kasoo qaybgaleen madax xafisedada xafiiska beeraha, madax xafisedada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee  31 degmo uu mashruucu ka howlgala, Haayadaha deeqbixiyayaasha, Xubno ka socday wasaarada xafiiska beeraha JDFI howl wadeenada mashruuca ee heer deegaan iyo heer degmo ayaa si heer sare ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta DDSI.

Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta,Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed Ow Cali Kaahin oo sheegay inuu shirkani yahay shikii qiimayta 6 biloodlaha ahaa kasoo lagu qiimaynayo mashriicihii uu mashruucu fulinayay sida uu qabsoomay iyo hadii uuna qabsoomin sababta uu u qabsoomi waayay.

Sidookale, waxaa isna dhankiisa ka hadlay Agaasinka waaxada damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay inuu shirkani yahay  qiimayntii 6dii bilood ee lasoo dhaafay oo kala ah rubicii 4aad ee sanadii 2008TI iyo rubicii 1aad ee sanadan 2009TI, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in qiimayntan kuwii hore kaga duwantahay iyadoo mashruucu uu raashinkii ka faaiidaysta yaasha lasiin jiray uu ubadalay lacag islamarkaana rubicii 1aad ee sanadan siday ahayd loo wada siiyay kafaaiidaysta yaasha mashruuca PSNP wajigiisa 4aad.

Dhanka kale waxaa isna si qota dheer usoo jeediyay waxqabadka mashruuca PSNP iskuxidhaha mashruuca PSNP ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga mudane AxmedNuur Cabdi oo si faahfaahsan usoo jeediyay waxqabadkii 6 bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuuna intaa ku daray inuu shirku socondoona muda 5 cisho ah.

Xuska Maalinta Adeega Faraxalka Iyo Musqulaha Aduunka Oo Jigjiga Laga Xusay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 22ka, November, 2016. Waxaa magaalada jigjiga si balaadhan looga xusay munaasabada xuska maalinta adeega  faradhaqashada iyo musqulaha  aduunka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya xafiska waxbarashada DDSI iyo haay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI

Munaasabadan oo ka dhacday madasha shirarka ee xafiiska arimaha haweenka DDSI ayaa waxa  ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha  xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo  wasiirka xafiiska caafimaadka  DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad,  masuuliyiin ka socday hay’ada UNICEF iyo arday laga soo kala xulay dugsiyada waxbarashada maamulka magaalada jigjiga.

Waxaana ugu horayntii furitaankii munaasabada xuska  ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil cali  oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada  iyo musqulaha. Isaga oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI xooga saaray kor u qaadida adeega caafimaadka  iyada oo ahmiyada la saaray kor u qaadida dhinaca nadaafada, iyo sidii looga hortagi lahaa cudurada loona xakamayn lahaa. Wasiirka ayaa tilmaamay in  iyada oo laga duulayo taam yeelida adeegyada caafimaada in la hirgalinayo sidii ay  dhamaan bulshada deegaanka qoys waliba u helo musqul/suuli  u gaar ah.

 

Dhankiisa waxaa munaasabadan ka hadlay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab)  oo  tilmaamay ahmiyada ay leedahay xuska maalinta faraxalka aduunka oo caalamka, dalka iyo deegaankaba si meeqaam sare ah looga xusayo maanta. Wuxuuna sheegay ahmiyada ay leedahay nadaafadu, isaga oo tilmaamay in marka la hello bulsho caafimaad qabta la heli karo bulsho waxbarata, bulsho wax soo saarleh sidaasi darteedna uu caafimaadka lafdhabar u yahay bulsho kasta

Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida, ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo  warbaahinta deegaanka  la hadlayay ayaa ka si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay fayo dhawrka caafimaadka  iyo maalinta adeega  faraxalka  iyo musqulaha aduunka . wuxuna sheegay masuulku in ujeedada  laga leeyahay xuska maalintani tahay sidii kor loogu qaadilahaa fahanka bulshada ee ku salaysan ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada  iyo musqulaha   kuna booriyay bulshada deegaanka in ay siwayn ugu baraarugsanaadaan ahmiyada ay leedahay istimaalka faradhaqashada  iyo isticmaalka musqusha si looga hortaga cudurada ka dhalan kara fayo dhawr la’aanta.

Munaasabadan xuska maalinta adeega faradhaqashada iyo muqulaha   aduunka ayaa intii ay socoday waxaa lagu soo bandhigay tartan  u dhexeeyay ardayda ka socotay isguulada maamulka magaalada jigjiga, kaasi  oo ay ku  soo bandhigayay ciyaaro dhaqameedka, riwaayada, iyo gabayo   ka turjimayay  ahmiyada ay leedahay maalinta faraxalka aduunku.

 

Gabagabadii munaasabadaasi ayaa waxaa masuuliyiintii ka soo qaybgashay xuska  oo ay ugu horeeyaan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI iyo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI   ay  si wada jir ugu faraxasheen goob loo diyaaray in lagu muujiyo maalinta adeega faradhaqashada iyo musqulaha  aduunka.


Ololaha Talaalka Xoolaha Oo Ka Socda Degmada Birqod

$
0
0

Birqod(cakaaranews)Talaado 22ka, November 2016. Xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha iyo qaar kamid ah maamulka degmada birqod oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degmada Birqod  mudane Fu’aad Yuusuf Maxamed ayaa si rasmi ah u bilaabay Ololoha talaalka xoolaha ku dhaqan degmada Birqod iyo nawaaxigeeda.

Hadaba, Gudoomiyaha Degmada Birqod Ee Gobolka Jarar mudane fu’aad yuusuf oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in iyagoo iskaashanaya xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha iyo maamulka degmadu ay si heer sare ah uga wadaan ol-olihii talaalka xoolaha. Wuxuuna intaa kudaray in  wakhti xaadirkan ay talaalka kawadaan senterka Garigo’an iyagoo soodhameeyay talaalkii centerka Ceelxeer. Gudoomiyaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ol-olhani uu socon doono mudo 7 maalmood ah islamarkaana talaalka laga samayn doono dhamaan tuulooyinka hoosyimaada degmada Birqod.

Ugudanbayna gudoomiyaha ayaa sheegay in sidookale dawooyinka xoolaha ee muhiimka ah loo qaybiyay xoolo-dhaqatada ku nool degmada birqod islamarkaana aad ugu riyaaqeen iyagoo sheegay in dawooyinka lasiiyay ay aad ug baahnaayeen.

MW CMC Oo U Amba Baxay Magaalada Dire Dawa

$
0
0

Diredawa(Cakaaranews) Talaado 22ka November 2016. Wafti uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku wehelinayaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka howlaha guud horumarinta magaalooyinka,dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal iyo masuuliyiin kale ayaa xarunta deegaanka uga amba baxay dhanka ismaamulka magaalada diredawa. Halkaas oo ay madaxwaynaha iyo waftigiisu caawa u hoydeen.

Wixii faahfaahin Ah kalasoco wararkaanaga danbe ee www.cakaaranews.com

Shirwaynihii 9aad Ee Hay'adaha Lacagaha yaryar Ee Dalka Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 23ka November 2016. Kulanwaynihii 9aad ee haaydaha lacagaha yaryar (micro finance) dalkeena itoobiya ayaa maanta si rasmia ah ugu bilowday hoolaka shirarka ee qaryaan dhoodaan, Waxaana kulankan kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa deegaanka oo ay ugu horayso madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo Sucaad Axmed Faarax, Qaarkamid ah kabaneega deegaanka, Masuuliyiinta microfinance yada dalka iyo masuliiyiin kale.

Hadaba kulankan 9aad ee microfinance yada dalka ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ha marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn soo dhawaysay dhamaan masuuliyiinta kasoo qayb galay shirwaynaha 9aad ee haaydaha lacaga yaryar ee dalka, Waxayna madaxwayne ku xigeenku intaa ku dartay inuu kulankan yahay mid lagusoo bandhigayo waxqabadka haaydaha lacagaha yaryar ee dalka islamarkaana mudo 3 cisho ah sii socon doono.

Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay maareeyaha wakaalada haayadaha lacagaha yaryar DDSI mudane Maxamed Cabdiraxman Macalin oo si qota dheer ooga warbixyay waxqabadka guud ee haaydaha lacagaha yaryar ee DDSI islamarkaana sheegay in micro finance DDSI uu sidii loobaahnaa ooga hirgalay dhamaan goobaha uu ka howlgalo.

Sikastaba ha ahaatee shirwaynaha 9aad ee haaydaha lacagaha yaryar ee dalka ayaa ah markii 1aad ee deegaankeena lagu qabto. Wixii faahfaahin ah kalasoco warar kaanaga danbe ee www.cakaaranews.com

Hormuudkii Degmooyinka DDSI Oo Gacantooda Isku Magacaabay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 23ka, November, 2016. Waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI kulan loo qabtay hormuudkii laga soo kala xulay  degmooyinka deegaanka kuwaasi oo ay tiradoodu dhantahay 255 xubnood oo  hore  nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah ugu  soo qaatay warqadii   ay hogaaminta degmooyinka kaga mid noqdeen.

Haddaba kulankaasi oo ay hogaaminayee wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas, wasiirka maaliyada iyo horumarita dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed iyo wasir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudan Deeq Cabdilaahi Buraale ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii ay nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah gacantooda  ugu qaadan lahaayeen warqadaha magacaabista, hormuudkan hogaaminta degmooyinka ka mid noqday.

Waxaana loo dhigay warqadaha bakhtiyaa nasiibka ah si uu shaqsi waliba u qaado warqadiisa magacaabista ah  iyada oo xubin kasta  ku qaatay gacantiisa warqada magacaabista ah oo  ay ku qorantahay degmada uu ku qora yahay iyo xafiiska uu masuulka ka noqday. Xubanaha maanta bakhtiyaa nasiibka  gacantooda ku qaatay warqada magacaabista ah ayaa waxay mudo 6 bilood ah tababar uga socday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI iyada oo mudadaasi la barayay nidaamka xigmada hogaamineed ee degmooyika nidaamka dajinta iyo fulinta qorshayaasha horumarineed iyo guud ahaanba nidaamka shaqo ee degmooyinka deegaanka.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay xubnahan  nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah/gacantaada isku magacawga ku qaatay maanta warqada magaacaabista ah ayaa waxay ka mid ahaayeen  ardaydii   ay xukuumada DDSI  hal mar ku shaqaalaysiisay nidaamka bakhtiyaa nasiibka laguna qoray degmooyinka deegaanka kuwaasi oo ka soo shaqeeyay goobtii shaqo ee nasiibka ku qaateen, ka dib markii ay muujiyeen shaqo wanaag ayaa hormuud ahaan looga soo xulay degmooyinka deegaanka iyada oo marlabaadna nidaamka bakhiyaanasiibka ah ku noqday hogmaaminta degmooyinka halka  markii 3aad maanta ay ku qaateen gacantooda warqada magacaabista ah iyada oo ay maanta 255 xubnood ay ka mid noqdeen madax xafiiseedyada xafiisyada degmooyinka deegaanka gaar ahaan degmooyinkii iyo maamul magaalooyinkii cusbaa.

Ugu danbayna waxaa dareen kooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii hogaaminta degmooyinka ee bakhtiyaa nasiibka ku qaatay warqada magacaabista ah waxayna  oo sheegay inay aad iyo aad ugu farxasanyihiin bakhtiyaa nasiibka loo  dhigay  taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan kana reebantahay eex iyo nin jeclaysi. Waxayna intaa ku dareen in ay masuuliyadan maata loo igmaday ay si xilkasnimo iyo fir-fircooni ku dheehantahay uga soo baxayaan.

 

 

 

Shirwaynihii 9aad Ee Ha’yadaha Lacagaha yaryar Ee Dalka Oo Galay Maalinkii 2aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 24ka November 2016. Shirwaynihii 9aad ha’yada adeega lacagaha yaryar ee dowlad deegaanada dalka ayaa galay maalintii 2aad, Iyadoo lagusoo jeediyay daraasaadyo kor loogu qaadayo nidaamka dhaqaale ee ha’yadaha adeega lacagaha yaryar dalka.

Waxaana kamid ahaa masuuliyiintii ka hadlay shirwaynaha 9aad ee ha’yadaha adeega lacagaha yaryar mareeyaha wakaalada ha’yada adeega lacagaha yaryar DDSI mudane Maxamed Cabdiraxmaan Macalin oo sheegay inuu micro finance ga deegaanka uu aad kor oogu qaaday isbadalana ku sameeyay hab nololeedka bulshada DDSI ee ku sugan goobaha uu ka howlgalo, Wuxuuna masuulku inaa ku daray in ka deegaan ahaan aad loogu amaanay kulanwaynahan 9aad qaab shaqeedka uu u shaqeeyo iyo waliba mudada yare ee uu ku gaadhay heerka ku dayashada mudan ee uu maanta taaganyahay.

Sidoo kalana Waxaa iyana dhankooda kasoo jeedinayay waxqabadkooda masuuliyiintii ka socday deegaanada dalkeena itoobiya, Sikastaba ha ahaatee shirwaynahan 9aad ee ha’yadaha lacagaha yaryar ayaa lagu wadaa inuu halkaa kasii socon doono.

Tartanka Su’aal iyo Jawaab Oo kadhacay Xarunta DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 24ka November 2016. Tartan dood Cilmiyeed ah Oo ku qotama Su aal iyo jawaab kuna saabsan dastuurka JDFI dalka iyo cilmiga sayniska islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaar kamid ah mas’uuliyiinta heer deegaan iyo waliba ardayda waxkabarata kuliyadaha TVET iyo shaqaalahooda ayaa maanta si heer sare ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiicga ah ee DDSI.

Hadaba, tartankan dood cilmiyeedka ah oo laga soo diyaariyay heer dal ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada Ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed-rashiid Isaaq oo sheegay in taratankani yahay tartan heer dal ah islamarkaana ku qotama dood cilmiyeed kaasoo ah suaalo iyo jawaabo u badan dastuurka dalka JDFI. Wuxuuna intaa kudaray afhayeenku in tartankan ardayda kasoo qaybgashay ay cilmi badan kafaaiidayaan.

Sidookale, wasiirka xafiiska xirfadaha iyo farsamada gacanta (TVET) mudane Naasir Axmed oo isna kahadlay taratankan ayaa sheegay in tartankani yahay mid aad muhiim ugu ah jiilasha dhalinyarta ah ee soo kacaya islamarkaana kor uqaadaya heerkooda aqoomeed.

Ugudanbayna tartankan su’aal iyo jawaabta ah ee kusaabsanaa dastuurka dalka oo kudhaliyay farxad balaadhan kasooqaybgalayaasha ayaa jawi wanaagsan ku soo dhamaaday.

Xafiiska Caafimaadka DDSI Iyo Xafiiska Ka Hortaga Iyo Xakaymaynta HIV AIDS Oo Qabtay. Kulan Wada Tashi Ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 25ka November 2016. Kulan si heer sare ah uu usoo agaasimay xafiiska cafiimaadka DDSI Iyo X afiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka xafiiska caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil, Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS DDSI  marwo kaamilo Axmed Nuur, Dhamaan xafiisyada bahwadaagta xafiiska caafimaadka iyo ha’yadaha aan dowliga ahayn ee  bahwadaagta la ah islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada  baadhitaan balaadhan oo HIV AIDS ka ah  loogu samayn laha ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xamda Hotel.

Waxaana kulankan ugu horayn  ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil oo sheegay inuu kulan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa in dhamaan bulshada deegaanka lagu sameeyo baadhitaan si looga hortago cudurkan dilaaga ah ee HIV AIDS islamarkaana looga hortagi lahaa ama lagu dawayn lahaa dadka uu saameeyo xanuunkan, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kulankan laga soo dhexsaari doona qaabka ugu fiican ee baadhitaan guud loogu samayn karo bulshada deegaanka islamarkaana xalwaara looga keeni lahaa cudurkan dilaaga ah.

Sidoo kale waxaa iyana kulanka ka hadashay Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV AIDS DDSi marwo kaamilo Axmad Nuur oo sheegtay inuu kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in lala halgamo cudurkan dilaaga maadaamo uu soo dhawyahay xuskii maalinta HIV AIDS ee Dalka.


Daraasaad Kusaabsan Cudurada Iyo Cayayaanka Waxyeeleeya Dalaga Oo Laga Wado Gobolada Shabeele Iyo Qoraxeey

$
0
0

Musatxiil(Cakaaranews)Jumce, 25ka November 2016. Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI oo ka  duulaya qorshayaasha horumarineed ee ku aadan horumarinta beeraha iyo waliba sidii bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah ay ugaadhi lahaayen isku filaansho cunto ayaa xafiisku labo gobol oo deegaanka ah udiray koox daraasaad ka samaynaysa waxyeelada cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya Dalaga islamarkaana si rasmi ah uga wada goboladaas shaqooyinkii daraasaadka.

Hadaba, madaxa kooxda daraasaadka kawada gobolada shabeele iyo qoraxeey ahna Madax- Kooxeedka Waxsoosaarka Dalaga iyo Kahortaga Cudurada kudhaca dalaga ee Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Cabdifataax Makhtal ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay kusuganyihiin tuulada jiic ee hoostimaada degmada mustaiil islamarkana ay badhtanka ugu jiraan daraasaad kusaabsan cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya dalaga. Wuxuuna intaa kudaray in daraasaadkan ay kasamaynayaan degmooyinka hoosyimaada gobolka shabeele.

Wuxuuna tilmaamay in si wanaagsan ay ugu socoto shaqadii daraasaadku islamarkaana ay rajaynayaan in natiijada shaqadoodu noqon doonto mid wax ku ool ah, faa’iido balaadhana u leh bulshada xoolodhaqato-beeralayda ah ee ku dhaqan gobolada Shabeele iyo Qoraxey. wuxuuna carabka kudhuftay in xafiiska ay qorshaha ugu jirto in dhamaan Gobolada laga sameeyn doono daraasaadka noocan ah.

Ugudanbayna qaarkamid ah kooxda daraasaadka wada ayaa xusay in shaqadani ay tahay shaqo muhiim ah oo ay u baahanyihiin bulshada xooladhaqato-beeralayda ah ee kunool gobolka shabeele

 

 

 

 

 

 

 

Natiijooyinkii Taadhasooga Ururada Bah’wadaagta Ah Ee Dalka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 25ka November 2016. Sida lawada ogsoonyahay raysalwasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn ayaa qiimayn sal iyo baar ah oo dhaliil iyo isdhaliil ah islamarkaana shaqsi kasta waxqabadkiisa lagu salaynayay ku sameeyay hogaaminta sare  ee xukuumada federalka ah, Tasoo lagu eegayay cabashada dadwaynaha iyo caqabadaha jira  si xal looga gaadho loogana midha dhaliyo qorshayaasha horumarineed. Iyadoo qiimayntan qotoda dheer lagaga talaaba qaaday masuuliyiin sare kadibna si isku shaandhayn ah loo dhisay kabanee dhamaystiran oo ay kamid yihiin xubno cusub.

Hadaba ururada bah’wadaagta ah ee haya talada wadanka gaar ahaan ururka EPRDF ee ay ku bahoobeen afarta urur ee kala ah TPLF, ANDMO, OPDO, SEPDM, Iyo ururka bahwadaagta la ah ee XDSHSI oo ka duulaya jihooyinka iyo nidaamka qiimaynta uu raysal wasaraha dalku sameeyay, Ayaa sameeyay qiimayn kor ilaa hoos ah oo dhaliil iyo isdhaliil ah islamarkaana shaqsi kasta lagu salaynayay waxqabadkiisa taas  oo ay kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah oo lagusii dardargalinayo qorsha yaasha horumarineed ee u yaala guud ahaan dalka.

Si taa lamid ah  ururka TPLF ayaa maraya qiimayn ilaa heer tuula ah iyo dardar cusub oo lamid ah xilagay duurka galeen islamarkaana ay ka muuqato inay wacad ku galeen sidii ay ula halgameen dhergigii xooga isbidayay inay ula halgamaan saboolnimada oo ay tirtirayaan wixii caqabad ku ah horumarka guud ee dalka, ee ay kamid yihiin xoolo cirdoonimada, Xagjirnimada, Nabadiidnimada, iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale ururka ANDMO ee deegaanka axmaarada oo qiimayn  isasifayn ah oo sal iyo baar ah sameeyay ayaa sida uu sheegay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar balan qaaday inay xalin doonaan cabashada shacabka isalamarkaana ay sii dardar galindoonaan qorsha yaasha horumarineed ee guud ahaan dalka iyo deegaankaba.

Dhanka kale madaxwaynaha cusub ee dowlada deegaanka Oromiya mudane Lemma Megersa ayaa isasifayn kadib dhankooda xaqiijiyay inay xalin doonaan cabashooyinka shacabka gaar ahaan dhinaca dhalinyarta, Iskusoo wada duuboo XDSHSI ayaa isna sameeyay qiimayn gudiga fulinta, Golaha dhexe, Hogaaminta dhexe, Ilaa heerarka hoose ee hogaaminta, Isagoo ku salaynaya dhinacyada xoola dhaqatada, Biyaha,Beeraha, jidadka Caafimaadka, Waxbarashada, Iyo shaqooyinkiisii caadiga ahaa soona saaray caqabado jiray. Wuxuuna xisbigu qiimaynihii ugu danbeeyay ku cilaamiyay shirwayne loo dhanyahay islamarkaana sameeyay u diyaargarow balaadhan sameeyay iyo waliba gudiyadii kala duwanaa ee shirwaynaha si lamid ah Taadhasoogii EPRDF, Waxaana shirwaynahan qiimaynta XDSHSI lagaga talaaba qaaday masuuliyiin heer deegaan, Heer gobal, Heer maamul magaalo, Heer degmo ilaa heer tuulo ah iyadoo lagu dhisay golo kabanee ah oo ay ku jiraan xubno cusub sidaas ayuuna kusoo dhamaaday taadhasoogii XDSHSI iyo waliba kuwii ururada bahwadaagta ah ee EPRDF.

Xaalada Isbadalka Cimilada Iyo Kadiyaargarawga Xukuumada

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Jumce 25ka November 2016. Sida lawada ogsoon yahay waxaa jirtay abaar kadhalatay sanadkii hore roob la’aanta ama ay keentay isbadalka cimilada aduunka ee Elinino. Taas oo saamaysay gobolka sitti iyadoo xukuumada federalka iyo ta deegaankuba ay si joogta ah taageero nooc walba ah ula garab taagnaayeen shacabka iyo duunyada gobolka hadh iyo habeenba. La’aantoodna ay abaartaasi dhibaato ba’an keensan lahayd.

Hadaba, hogaaminta XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo kagaashaamanaya isbadalka cimilada aduunka ayaa qiimeeyay xaalada roob la’aanta ee deegaanka islamarkaana diyaargaraw balaadhan kasameeyay dhibaatada ka iman karta ugu yaraan 25 degmo oo deegaanka kamid ah. Maadaama uu xiligii gu’ga ee lasoo dhaafay aan lahelin roob badan islamarkaana dayrta aan hadda kujiro oo wax bil kayar ay kahadhan tahay aysan jirin ilaa hadda roobkii loo baahnaa inkastoo aan ilaahay karajaynayno in 25ka cisho ee kahadhay dayrtan uu inasiiyo roob aad ubadan oo kaafiya noolaha.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumada deegaanka iyo XDSHSI ayaa sameeyay heegan iyo diyaargaraw lagaga jawaabayo dhibaatada kadhalan karta roob yaraanta islamarkaana saamayn karta dadka iyo xoolahaba. Waxayna guud ahaan bulshada geeska africa ilaahay uga baryayaan inuu siiyo roob khayr qaba maadaama uusan nooluhu roob la’aan noolaan Karin iyagoo gaar ahaan xusay meelaha ugu sii daran khaasatan Somaliland iyo puntland oo wakhti xaadirkan kusugan abaar ay keentay roob la’aan.

Tababar Kusaabsan Cudurka Trachoma

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Tababar ujeedadiisu tahay kahortaga iyo dabargoynta cudurka kudhaca indhaha ee loo yaqaano (Trachoma) islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah wariyayaasha warbaahinta kaladuwan ee deegaanka iyo khabiiro kasocday xafiiska caafimaadka DDSI ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka tababarada ee huteelka City Crown.

Hadaba, tababarkan oo ay wada fulinayeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo hay’ada ITI (international Trachoma Initiative) ayaa lagu barayay kasooqaybgalayaasha casharo laxidhiidha dhibaatooyinka cudurka trachomaha, marxaladaha uu maro iyo waliba sida looga hortago. Waxaana casharada bixinayay khabiiro kasocda hay’ada, iyo xafiiska caafimaadka heerdeegaan. Waxayna casharadu ku qotameen in cudurku si dhibyar uu ufido kadibna uu leeyahay saamayn xun oo dadka uu ku dhoco dhaxalsiisa indho la’aan.

Sikastaba ha ahaatee, tababarkan oo casharbixintiisu ahayd mid toos ah iyo mid dood loo samaynayay koox koox  islamarkaana socday mudo sedex maal mood ah ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

Munaasabad Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) Sabti 26ka November 2016. Munaasabad uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka socday wasaarda beeraha JDFI, Masuuliyiin ka socday xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI islamarkaana lagu furiyay mashruuca horumarinta iyo ka jawaabida saamaynta uu ku reebay bulshadii qaabishay qoxootiga ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba furitaankii munaasabada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed Ow Cali Kaahin oo sheegay inuu mashruucani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana lagu xaqiijinayo saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshadii qaabishay kuwaas oo kala ah, Afarta degmo ee Boqomayo, Awbare, Qabribayax, iyo Dolo adow, Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa ku daray inuu xafiisku diyaariyay shaqaalihii degmooyinka ka howl gali lahaa mashruuca islamarkaana wixii maanta ka danbeeya uu shaqadiisa bilaabi doono.

Sidoo kale waxaa isana munaasabada ka hadlay agaasinka taageerada gaarka ah ee wasaarada beeraha JDFI ahna iskuxidhaha mashruuca federalka ee 5ta deegaan uu ka howlgalo mashruucu mudane Nagatu Bugale oo sheegay in mashruucan bishii julay lagu ansixiyay kulinkii magaalada Adama kaasoo lagu dooranayay deegaamada uu ka howlgali doono mashruucu, Iyadoo bishii October ee isla sanadkana la dhaqangaliyay mashruuca, Waxaana deegaanka 1aad laga dhigay deegaanka soomalida itoobiya aadna waan oogu farxay inuu mashruucu ka howlgalo deegaanka soomalida itoobiya maadama deegaanku ka hanaqaaday isbadal horumarineed oo dhan walba ah, wuxuuna masuulku intaa ku daray inuu mashruucan ka qaybqaadan doono horumarka dalka iyo ka deegaankaba

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live




Latest Images