Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

72 Gaadhi Oo Sidda Deeq Raashin Iyo Calafka Xoolaha ah Oo Unba Baxday Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 22ka December 2016. Xukuumada DDSI oo kaduulaysa kolba baahida haysata bulshada Deegaanka ayaa maanta Deeq isugujirta Raashin Iyo calafka xoolaha oo dhan 72 Baabuur  u dirtay bulshada ku dhaqan degmooyinka.

Hadaba, Deeqdan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Wasiirka Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta Reerguuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdulaahi Takhal Oo sheegtay in xukuumadu ay diyaarisay tubtii ay uga gaashaaman lahayd isbadalka cimilada ee saamaysay degmooyinka qaarkood  islamarkaana ay wakhti xaadirkan u socdaan 72 gaadhi oo sidda raashin dhan 1000 Kiintaal iyo calafka xoolaha oo dhan 21 kun oo bile looguna talagalay in la gaadhsiiyo bulshada deegaanka gaar ahaan kuwa ay saamaysay isbadalka cimiladu.

Waxayna wasiiradu intaa kudartay in gargaarkani uusan ahayn markii ugu horaysay ee xukuumadu gaadhsiiso bulshadeeda baahan iyadoo marar horena gaadhsiisay gargaar noocan ah.

Sidookale, wasiirada ayaa tilmaantay in ilaahay uga baryayaan in roob khayrqaba bulshada deegaanka siiyo.

Iskusoo wada duuboo, maalmo yar kahor ayay ahayd markii kabineetka Deegaanku ansixiyeen 45 Milyan Oo birr oo loogu talagalay ka gaashaamashada saamaynta isbadalka cimilada ee bulshada deegaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>