Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 22ka, December, 2016. Waxaa maanta garoonka caalamiga ah ee garaad wiil-waal Airport ee caasimada DDSI si balaadhan loogu soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka ururka horumarinta soomalida itoobiya ee jaaliyada DDSI ee north America ahna xubin ka mid ah gudiga fulinta ee jaaliyada DDSI Ee north America mudane Faarax Xuseen.
Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud, maareeyaha Guud wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan, wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi, hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan kuusaw, maareeyaha wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf, maareeye ku xigeenka ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi (dhagolaab) iyo masuuliyiin kale.
Hogaaminta jaaliyada north america iyo guud ahaanba jaaliyada north america ayaa ah jaaliyada siwayn uga qayb-qaadata hawlaha horumarka, nabadgalayda, maamulka suuban iyo maalgashiga ka socda DDSI.