Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Tababar Ku Saabsan Kor Uqaadida Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale Ee MM Deegaanka

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) Arbaco 21ka December 2016. Tababar ku saabsan Barnaamijka kor loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaale ee maamul magaalooyinka deegaanka ee (ULGDP II) oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI islamarkaana ay ka soo qayb galeen hogaaminta maamul magaalooyinka deegaanka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay kor uqaadida barnaamijka horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee maamul magaalooyinka deegaanka, Wuxuuna masuulku intaa kudaray in fahan buuxa laga qaato barnaamijkan maadaama barnaamijkani waxqabadkiisu ku salaysan yahay mid natiijo leh.

Ugu danbayna wuxuu wasiir kuxigeenku kula dardaarmay hogaaminta qaadanayay tababarka inay ka faaiidaystaan tababarka mudada uu cashirku socdo maadaamo uu tababarku yahay mid muhiim ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>