Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 21ka December 2016. Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI Mudane Tasfaye Baqale ayaa kasoodagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Willwaal ee magaalada jigjiga. Waxaan garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin heer deegaan ah oo uu horkacayo wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdi Bile Xasan.
booqashada wasiirkan oo ay ku wahelinayeen mas’uuliyiin kale oo heer federal ah ayaa ugu horayn booqasho indho indhayn ah ku tagay garoonka ciyaaraha ee sida casriga ah loo dhisayo iyo waliba goobaha dhalinyarada aqoontooda kor loogu qaado. Kadibna waftiga ayaa kulan laqaatay masuuliyinta xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI iyagoo kawada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa ciyaaraha kala duwan.
Hadaba, Wasiiru Dawlaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI Mudane Tasfaye Baqale oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in uu aad ula dhacay waxqabadyada kaladuwan eek u aadan dhanka dhalinyarada iyo sportiga isagoo xusay inuu in dhihiisa ku soo arkay garoonka ciyaaraha oo meelgabogabo ah maraya iyo goobaha dhalinyarada.
Sidookale, wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdi Bile Xasan ayaa tilmaamay in garoonkan kubada cagta uuyahay garoon kadawan garoomada kale islamarkaana si casri ah loo dhisay. Wuxuuna intaa kudaray in hada uu gabgabadii marayo garoonku islamarkaana waxwayn katari doono baahidii looqabay garoomaha ciyaaraha.
Iskusoowada duuboo booqashadan uu wasiiru dawluhu ku yimid DDSI ayaa ah mid uu aad ugu riyaaqay waxqabadka laga sameeyay dhanka ciyaarha iyo dhalinyarada DDSI islamarkaana uu ku amaanay XDSHSI.