Jigjiga(cakaaranews)Talaado 20ka December 2016.Tababar uu soo agaasimay wakaalada Hormarinta shirkadaha yaryar, kuwa-Dhexe, Shaqo abuurka iyo damaanad-qaadka cuntada ee maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ay kasoo qaybgaleen gudiyada xaafadaha 11aad,14aad iyo 19aad ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Maareeyaha Wakaalada Hor-Shirkadaha Yaryar, kuwa-dhexe, shaqo abuurka iyo damaanad-qaadka cuntada mudane Cabdulaahi Cabdi Cilmi oo sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay sidii loo xulan lahaa dadka ka faaiidaysanaya mashruuca UPSNP. Wuxuuna intaa kudaray in mashruucani yahay mashruuc bulshada loogu samaynayo shaqo abuur.
Sidookale masuulka oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in mashruucani yahay mashruuc kamid ah mahruucyada lagu horumarinayo magaalada Jigjiga. Dhanka kalana uu yahay mashruuc lagu taageerayo dadka waawayn ee aan shaqaysan Karin islamarkaana lagula dagaalamayo mashaqaystanimada iyo Saboolnimada.
Ugudanbayna, gudiyadii xaafadaha ee kasooqayb galay tababarkan ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay ka heleen casharo aad u faaiido badan.