Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Tababar Ku saabsan Bayaanka Dhismaha Magaalooyinka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 20ka December 2016. Tababar ku saabsan bayaanka dhismaha (624/2001) iyo xeer nidaamka dhismaha islamarkaan uu si heer sare usoo agaasimay xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo wadrshadaha DDSI oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan maayarada 6da maamul magaalo, maareyayaasha maamul magaalooyinka iyo injineerada ayaa kusoo gabagaboobay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.

Hadaba tababarkan oo soday muda labo cisho ah ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri oo sheegay inuu ujeedada tababarku ahaa sidii loo hirgalin lahaa bayaanka dhismaha magaalooyinka loona xaqiijin lahaa dhismayaasha iyo badbaadada bulshada, Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa kudaray in maamul magaalooyinka looga baahan yahay inay hirgaliyaan bayaankan islamarkaana dabagal kusameeyaan, Sidoo kalana wuxuu wasiir kuxgeenku waydiiyay masuuliiyiinta maamul magaalooyinka caqabadaha ay ubaan yihiin in laga caawiyo isagoo masuulku kajawaabay dhamaan su aalihii ay soo dhigeen islamarkaana usheegay xalkii caqabadahaas lagu xalin lahaa, Wuxuuna wasiir kuxigeenku usheegay masuuliyiinta mm inay jiraan injineero tababarka laqaadanaya islamarkaana la shaqayn doona 6da mm, Wuxuuna masuulku intaa kusii daray in islamaanta loo diyaargaroobo ka qaybqaadashada xuska maalmaha maamul magaalooyinka dalka oo ka dhici doona xarunta dalka ee addsiababa.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay masuulyiintii kasoo qaybgalay tababarka oo sheegay inay mudadii uu tababarka socday ay waxbadan ka faaiideen islamarkaana ay hirgalin doonaan dhamaan shuruudaha looga baahan yahay bayaankan, Waxaa kale oo ay masuulyiintu balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan dhismayaasha kala duwan ee ka socda mm iyagoo ku hirgalinaya sida uu bayaanku farayo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>