Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 7da November 2016. Tababar u si heer sare ah usoo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah waaxdiisa khayraadka dabiiciga islamarkaan ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha 8 degmo oo public worker ah ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka waaxda khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Khadar Carab Hirad oo sheegay in tababarkanu yahay si shaqaalaha looga taageero hagaha barnaamijka public worker, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in kasoo qaybgalayaasha tababarka ay ilaaliyaan saacada mudada uu cashirku socdo.
Dhanka kale waxaa isna dhankiisa ka hadlay iskuxidhaha public worker ka ee xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah mudane cabdiraxiin maxamed shukri oo sheegay in tababarkani yahay sidii fahan buuxa looga siin lahaa diyaarinta qorshaha ee barnaamijka pulic worker islamarkaana loo tababarayo inay fahmaan waxa cusub ee barnaamijka wajigiisa 4aad kusoo biiray, Wuxuuna intaa ku daray in shaqaalahan ay ka kale yimaadeen 8 degmo oo deegaanka ah. Ugu danbayna waxa uu masuulku sheegay in tababarku socon doono mudo 5 cisho ah islamarkaana loo baahan yahyahay inay kasoo qayb gala yaashu ka faa iidaystaan cashirka mudada uu tababarku uu socdo.