Jigjiga,(cakaaranews) Axad, 6da, November, 2016. Wafti iskugu jira heer deegaan, heer fedaraal iyo heer gobol oo ay hogaaminayeen madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska Beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay ku wehelinasay wasiirudawlaha wasaarada horumarinta xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI marwo Misraaq Mokonen ayaa booqday mashruuca dhismaha maxjarka xoolaha DDSI oo laga hirgalinayo tuulada harre waqooyiga degmada jigjiga.
Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ee DDSI marwo sucaad axmed faarax ayaa waftigan heer fadaraal uga warbixisay geedi socodka shaqo ee dhismaha maxjarkan. waxayna sheegtay in uu hadda marayo meel gabagabo ah. madaxwayne ku xigeenka ayaa masuuliyiintan u sheegtay in dhismaha mashruucan maxjarkan ay dhismihiisa fulinayso wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.
Dhankeeda wasiiru dawlaha wasaarada horumarinta xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI marwo Misraaq Mokonen oo ka mid ah golihii wasiirada ee dhawaan Raysalwasaaraha dalku soo magacaabay islamarkaasna hawl shaqeedkeedii u horeeyay doorbiday inay booqashooyin shaqo ku marto DDSI oo ah deegaanka ugu xoolaha badan dalka ayaa bogaadisay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida caafimaadka iyo tayada xoolaha deegaanka waxayna sheegtay in maxjarkan yahay mid casriya oo ka qaybqaatanaya suuqgaynta xoolaha dalka gaar ahaana DDSI
Waftigan ayaa markii ay dhamaysteen booqashadii maxjarkan waxay booqteen tuulooyink ka agdhaw maxjarka oo laga wada ololaha talaalka xoolaha gaar ahaan adhiga oo laga talaalayay cudurka PPRka talaalkaasi ayaa ah mid lagu tir tiraya lagagana hortagayo cudurka loo yaqaano PPRka oo ku dhaca adhiga iyaga oo wafigu kaga qayb-qaatay ol-olahaasi talaalka tuulooyinkaasi ay soo mareen.