Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Shirwaynihii 9aad Ee XDSHSI Oo Galay Maalintii 2aad.

$
0
0

Maraacaato( cakaaranews), talaado, 1da, November, 2016.  Waxaa maalintii 2aad si qurux badan uga socda tuulada maraacaato ee degmada qabridahar shirwaynihiI 9aad ee XDSHSI.

Sida aad wararkayagii hore kula  socoteen  waxaa maalintii shalay la dhagaystay warbixinta waxqabadka gudiga qaban qaabada shirwaynaha, sidoo kale waxaa maalintii shalay la doortay gudiga hogaaminta shiwaynaha.

Haddaba, waxaa maalintii shalay galinkii danbe lagu dhagaystay  shirwaynahan  warbixinta waxqabadka XDSHSI   gaar ahaan labadii sano ee ugu dambeeyay . Warbixintan waxaa soo jeediyay madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka, hase ahaatee waxa uu madaxwaynuhu si qoto dheer uga warbixiyay sidii uu XDSHSI u meel-mariyay fulinta istaraatajiyadaha iyo  qorshayaashii  uu dajistay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI  gaar ahaan guulaha laga soo hooyay dhinacyada nabadgalyada, horumarka, maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba,xoojinta iyo hirgalinta nidaamka dawladnimo, hirgalinta saraynta sharciga, la dagaalanka iyo tir-tirida qabyaalada, dulsaarnimada, la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa, xoolo xirdoonimada, la dagaalanka  xag-jirnimada, qalajinta aragdida guracan iyo hirgalinta aragtida horumarineed. Warbixinta uu jeediyay madaxwaynaha DDSI oo ahayd mid ku sar-go’an guulaha uu soo  hooyay  XDSHSI intii u dhaxaysay shirwayihii 8aad iyo shirwaynahan 9aad ayaa aad u soo jeedatay  ergooyinka iyo wakiilada ka socday xisbiyada ay bahwadaagta yihiin XDSHSI.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay shirwaynaha dhukumanti filim ka warbixinaya waxqabadka xisbiga, tabihii iyo xeeladihii loo adeegsaday fulinta qorshayaasha horumarineed ee  ah  jawaabaya baahiyaha shacabka  DDSI.

Sidoo kale waxaa maanta galinkii hore  ergooyinka iyo wakiilada ka socday xisbiyad ay bahwadaagta yihiin XDSHSI  ay ka warbixiyeen sida ay u arkaan warbixintii XDSHSI ee sanadihii ugu danbeeyay ka dib waxaa lagu ansaxiyay warbixintan cod buuxa.

Waxaana la filayaa  in hadda  laguda galo dhismaha hogaaminta XDSHSI. Kala soco karaanews wararka ka soo kordha shirwaynahan 9aad ee XDSHSI.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>