Jigjiga(cakaaranews)Isniin,31ka October 2016. Tababar ujeedadiisu tahay Kahortaga iyo jawaab ka bixinta tacadiyada kadhanka ah ee loo gaysto gabdhaha iyo waliba guurka dagdaga ah ayaa si habsami leh uga bilawday hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.
Hadaba. Khabiirka Sinaanta Jinsiga ee Xafiiska Waxbarashada DDSI marwo Ifraax Cali xuseen oo u warantay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegtay in tababarkan ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah macalimiinta dumarka ah oo ka kala socday afartii maamul magaalo ee hore iyo afartooda degmo (jigjiga,dhagaxbuur,qabaridahar,Goday) iyo waliba degmooyinka kala ah xamaro, fiiq, warder, daratoole, shaykoosh iyo dhanaan
Marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in sidookale tababarkani ay kasooqaybgaleen xubno kasocday haaydaha cadaalada ee heer deegaan. Waxayna tilmaantay in tababarku uu ka kooban yahay 2 tababar islamarkaana lgu baranayo casharo laxidhiidha tacadiyadaha kadhanka ah dumarka iyo waliba sidii loo soo afjari lahaa dhamaan caadooyinka xunxun ee lagula kaco dumarka.
Ugudanbayana waxaa iyana dareenkooda kahadlay kasooqaybgalayaashii tababarkan oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kasooqaybgalka tababaran islamarkaana ay qaadanayaan casharo muhiim ah