Jigjiga(cakaaranews)Jimce 21ka, October 2016. Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen Wasaarada Arrimaha Haweeka iyo Caruurta JDFI iyo Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay in sanad dugsiyeedka 2009 T. I lageeyo caruurta dadoodu gaadhay dugsiyada waxbarashada iyo waliba diwaangalinta marxladaha muhiimka ah ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka 2aad ee isla xafiiska.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiir kuxigeenka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI mudane Cabdifataax Axmad Gamaadiid oo sheegay in tababarkan lagu baran doono casharo kusaabsan diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah iyo waliba in caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada lageeyo dugsiyada. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan ay kasooqaybgaleen xubno kasocda xafiisyada kaladuwan, wakaaladaha deegaanka iyo waiba xubno kasocda baarlamaanka caruurta DDSI.
Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in kasoo qaybgalayaasha tababarku ay sifiican uqaatan casharada inta uusocdo tababarku isamarkaana ay usii gudbiyaan haayadihii iyo xaafidihii ay kayimadeen isagoo xusay in tababarkuna uu socon doono mudo 2 maalmood ah.
Ugudanbayna khabiir kasocday wasaarada ayaa hadalo muhiim ah kasoojeediyay goobtaas isagoo sheegay in wasaaradu ay ku hawlantahay sidii caruurta dalka kor loogu qaadi lahaa haday tahay waxbarashadooda iyo haday tahay daryeel labadaba. wuxuuna tilmaamay in tababarkiina kii ugu horeeyay ahayn islamarkaana uusan noqon doonin kii ugu danbeeyay.