Jigjiga ( Cakaaranews ) Jumce 21ka October 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI oo ay kasoo qaybgaleen 6da ismaamul magaalo iyo haweenka federationka gobalka faafan tiradooduna dhanayd 100 xubnood islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii loola dagaalami lahaa tacadiyada ka dhanka ah ee loo gaysto haweenka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
Hadaba wasiir ku xigeenka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta mudane Cabdifataax Axmed Gamaadiid oo ugu horayn ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa sheegay inuu ujeedada tababarkan yahay sidiila la isaga ilaalin lahaa loolana dagaalami lahaa tacadiyada kadhanka ah ee xuquuqda aadamaha ee loogaysto haweenka oo ay kamid tahay gudniinka fircooniga ah, guurka degdega ah, Iyo dhaqmaan cadooyinka xun xunka ah ee loogaysto dumarka. Wuxuuna wasiir kuxigeenku kula dardaarmay kasoo qaygalayaasha in tababarkan laga faaiidaysto lana ilaaliyo saacda cashirka mudada uu tababarku socdo.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarkan oo sheegay inay ka faaiidaysan doonaan mudada uu tababarku socdo islamarkaana ka dhaqan galin doonaan goobiihii ay ka kala yimaadeen.