Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Ol-olaha Qaliinka Indhaha Oo Ka Socda Cusbitalka Wayn ee Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)khamiis, 20ka, October, 2016. Waxaa ka socda cusbitaalka wayn ee meles memorial  Referral  hospital ee magaalada jigjiga ol-olaha qaliinka iyo daawaynta  indhaha oo ay fulinayaan xafiiska caafimadka DDSI oo kaashanaya jaamacada jigjiga iyo hay’ada DIRECT  AID.

Ol olaha qaliinka iyo daawaynta  indhaha oo ah mid  si bilaa lacag ah uga faa-iidaysanayan bulsho dhan 2,800  oo qof oo ah bulshada ku dhaqan Gobolkan faafan ayaa waxaa  maanta warbaahinta deegaanka ka siiyay warbixin dheeriya wasiirka xafiiska caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, wuxuuna sheegay in ol-olahan daawaynta iyo qaliinka indhuhu daba socd fulinta qorshihii xukuumda DDSI  ee ahaa in laga tir tiro deegaanka cudurada cudurda keena indho la aanta iyo waliba fulinta qorshihii ay balan qaadeen hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qaybgalay shirwaynihii cudurada dayacan ee dhawaan lagu qabtay caasimada deegaanka ee jigjiga. Wuxuuna wasiirku intaas ku daray in ol olahan hada socda loogu qalayo indhaha in ka badan  800 oo qof halka daawaynta indhaha loo samaynayo 2,000 oo qof. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in ol-olahan qaliinka iyo daawaynta indhuhu sii socondoona  lagana  fulin doono gobolada kale ee DDSI.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ka faa’iidasanaya qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa aad u soo dhaweeyay ol-olaha qaliinka iyo daawaynta indhaha ee sida bilaa lacagta ah loogaga  faa’iideeyay  waxayna siwayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI ee hirglisay ol-olahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>