Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Degmada Gootaa Biki Oo Shir Balaadhan Ka Dhacay

$
0
0

Goota-biki(cakaaranews)khamiis 20ka October 2016. Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan islamarkaana ku saabsanaa sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa kaqabsoomay degmada Gootabiki ee Gobolka Siti.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiye  kuxigeenka Gobolka Siti mudane Cabdishakuur Aadan Faarax oo sheegay in shirkani yahay mid larabo in lagu kalaqaato jahooyin horumarineed islamarkaana ku qotama kajawaabida baahida shacabka. Wuxuuna gudoomiye kuxigeenka xusay in maanta uu gobolka siti uu maryo meel aad ufiican islamarkaana si balaadhan looga faa'iidaystay horumarka baaxada wayn ee deegaanka ka socda islamrkaana bulshada degmada biki larabo in ay sifiican uga qaybqaataan.

Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay Gudoomiyaha Degmada Goota-Biki Axmed Maxamed Cabdulaahi oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in shirkani kaqabsoomo. Wuxuuna intaa kudaray in bulshada reer biki iyo maamulkuba ay si daacad ah uga wada shaqeeyaan horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban, ee kahanaqaaday dhamaan deegaanka, maadaama  oo siwada jir ah in looga shaqeeyo ay lagama maarmaan tahay.

Wuxuuna  tilmaamay in dhankooda ka maamul ahaan ay rajaynayaan in ay doorkooda kasoobaxayaan iyagana lagarabo in ay doorkooda kaqaataan.

Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah bulshadii kasooqayb gashay shirka oo sheegay in ay siii xoojinayaan wada shaqaynta maamulka iyo ka shaqaynta horumarka, nabadgalyada iyo maamulkasuuban.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>