Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Tababar Loo Qabtay Ururka Dhalinyarta Gobalka Faafan Iyo Kuwa M.M Jigjiga

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Talaado 18ka October 2016.Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay kulan ay si wadajir ah isaga kaashadeen xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamada iyo xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ay kami yihiin wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan iyo gadhwadeenka geedisocodka fidinta warshadaha iyo gudbinta farsamooyinka casriga ah ahna kusimaha xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamada DDSI mudane Muxiyadiin Xuseen, dhalinyarada federationka gobalka faafan iyo dhalinyarada federationka maamulka magaalada jigjiga. Iyadaa ujeedada kulunku uu ahaa sidii dhalinyarada loogu abaabuli lahaa sidii ay ooga qayb qaadan lahaayeen isdiiwaan galinta sanada cusub ee 2009TI kuliyadaha xirfadaha ee deegaanka si markaa loo jabiyo cadowga 1aad ee saboolnimada iyo waliba fikradaha mashaqaystanimada ah.

Hadaba kulankan wacyigalinta ah ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo ugu horayntii umahad celiyay kasoo qaybgalayaasha kulankan sidoo kalana kawar bixiyay in qorshahan kamid yahay sidii loo jabin lahaa cadowgeenka 1aad ee saboolnimadka iyo fikirka ma shaqaysta nimadka si loo gaadho horumar taam ah, Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in wax walba oo lagu dadaalo laqaban karo.

 

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa kawarbixiyay G/G/ fidinta warshadaha iyo farsamooyinka casriga ah ahna kusimaha xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamada mudane Muxiyadiin Xuseen oo sheegay inuu xisbigeenu xooga saaray titiridasaboolnimada sidoo kalana dhalinyarada looga baahan yahay siday ooga qayb qaadan lahaayeen fursadaha kaladuwan ee dhalinyarta loogu samaynayo shaqo abuurka llona baahnayahay inay kafaaiidaystaan nidaamka tvetka.

 Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah urarka dhalinyarta gobalka faafan iyo Ururka dhalinyarta M.M jigjiga  oo sheegay inay ka faa’iidaysanayaan fursada qaaliga ah ee ay maanta Haystaan iyagoo xusay inay diyaar uyihiin inay ka qaybqaataan qorsha yaasha lagu dabargoynayo Cadowgeena 1aad ee saboolnimadka . Waxayna intaa ku dareen inay isdiwaangalin donaan una sii Gudbin doonaan dhalinta kale si ay Ooga faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah ee maanta diyaar ulatahay Xukuumada DDSI inay dhalinteeda la Garab tagaantahay wax walba oo ay heer ku gaadhayaan Dhalinyarada DDSI.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>