Tuliguuleed(cakaaranews)isniin 17ka October 2016.Mas’uuliyiin kasocotay xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI ayaa booqasho indho indhayn ah u tagay noocyada waxsoosaarka beeraha ee Iskaashatada tacab ay kafulisay degmada tuliguuleed.
Hadaba, Gadh/wadeenka G/Socdka Fidinta beeraha iyo farsamooyinka casriga ah ee Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiicga ah mudane Axmednuur Mahad Cali oo u waramay warbaahinta deegaank ayaa sheegay in ay lakulmeen waxsoosaar balaadhan oo dhinaca beeraha oo ay sameeyeen iskaashatada Tacab ee kadhisan degmada tuliguuleed. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in iskaashatadu dadaal balaadhan ay samaysay islamarkaana ka xafiis ahaan uu dadaal kagaystay. Wuxuuna bogaadiyay in wadooyinka horumarka ay ugu muhiimsantahay waxsoosaarka beeraha isku filaanshana lagu gaadhikaro iyadoo siyaasada dalkuna ay tahay bulshada reerguuraaga ahi in ay noqdaan bulsho xoolodhaqato beeralay ah.
Sidookale waxaa iyana dhankooda kahadlay iskaashatada tacab oo sheegtay in wakhti xaadirkan ay goynayaan beeraha usoogoy oo ay kamid yihiin calafka xoolaha ee looyaqaano (sudan grass) waxaakale oo ay xuseen iskaashatadu in dalag yada ay beerteen ay kala yihiin galayda nooca Malkaso 1 iyo malkaaso2 iyo waliba khudaarta noocyadooda kaladuwan. Waxayna caraba kudhufteen in iskaashatado ay gaadhay isku filaansho islamarkaana ay kor usiiqaadayaan waxsoosaarkooda.
Iskusoowada duuboo wax soosaarka beeraha noocyadiisa kaladuwan ayaa ah mid Xukuumada DDSI ay xooga saartay 5tii sano ee udanabaysay iyadoo bulshadii xoolo dhaqatada ahee ee dagan 4ta gobol ee wabiyadu maraan laga dhigay xoolo dhaqato beeralay si looga baxo gaajada islamarkaana looga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay.