Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Jaaliyada DDSI Ee Australia Oo Qabtay Xaflad Lagu Taageerayo Shirwaynihii 9aad ee X.D.SH.S.I.

$
0
0

Melbourne,(cakaaranews), Sabti,10ka,  December, 2016.  Waxaa maanta ka dhacay magaalada  Melbourne ee wadanka Australia  xaflad balaadhan oo lagu tageerayo shirwaynihii 9aad ee  X.D.SH.S.I ee ka dhacay  tuulada maraacaato oo ka tirsan degmada qabridahar.

Xafladan oo ay soo agaasintay jaaliyada DDSI ee wadanka Australia ayaa waxaa ka soo qaybgalay hogaaminta sare ee jaaliyada DDSI ee wadanka Australia, qaybaha kala duwan ee bulshada jaaliyada DDSI  ee wadanka Australia iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladan.

Xafladan ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxay ujeedadu ahayd mid lagu taageerayo qabsoomida shirwaynihii 9aad ee XDSHSI, go’aanadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI iyo taageerada dhismaha hogaaminta XDSHSI. Waxaana furitaankii xafladan ka hadlay gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee wadanka Australia mudane Cabdiqani Faarax Yuusuf oo sheegay in ay xafladani tahay mid lagu taageerayo shirwaynihii 9aad ee XDSHSI. wuxuuna tilmaamay  in ay jaaliyadu si meeqaam sare ah u soo dhawaynayso shirwaynihii 9aad islamarkaan taageersan tahay dhismaha hogaaminta sare ee XDSHSI.

 

dhankooda xubnaha kale ee Hogaaminta sare ee jaaliyada DDSI ee wadanka Australia oo ka hadashay xafladan lagu taageeraya shirwaynaha 9aad ee XDSHSI  ayaa siwayn u bogaadiyay go’aanada ka soo baxay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin una taageerayaan hogaaminta XDSHSI ee lagu soo dhisay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI. Hogaamintan jaaliyada DDSI ee wadanka Australia ayaa tilmaan dheerka bixiyay horumarka muga wayn ee sanadihii ugu danbeeyay ka hirgalay DDSI iyaga oo sheegay in ka jaaliyad ahaana ay sii xoojinayaan ka qaybgalka hawlaha horumarka nabadgalayda, maamulka suuban iyo maalgashiga DDSI.

 

 


Barayaasha Iyo Ardayda Jaamacada Jigjiga Oo Xusay 29ka Hidhaar

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 10ka December 2016. Barayaasha Jaamacada jigjiga iyo ardayda waxkabarta jaamacada jigjiga ayaa siwada jir ah u xusay munaasabada xuska 11aad ee 29ka hidhaar oo ah maalinta qoomiyadaha shucuubaha dalkeena itoobiya ayaa si heer sare ah uga qabsoomay jaamcada jigjiga.

Waxaana xuskan munaasabada 29ka hidhaar ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibraahim oo sheegay inay jaamacadu samaysay darasaad ku saabsan waxa uu nidaamka fedelasimaku ahaan jiray waxa uu maanta yahay tasoo lagu xaqiijiyay in jaamacadaha dalku ku dhisanyihiin nidaam federalism ah islamarkaana ay maalinta xuskani tahay maalin ay kulmaan qoomiyadaha iyo shucuubaha dalka iyagoo halkaasi ka samaysmo is dhexgal dhanka bulshada ah.

Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah ardayda jaamcada jigjiga oo sheegay inay maalintani tahay maalin qaali ku ah guud ahaanba shacab waynaha dalkeena islamarkaana ay soo dhawaynayaan xuska munaasabada 11aad ee 29ka hidhaar.

Munaasabada Xuska Dhalashada Nabigeenna Suuban NNKH Oo Siwayn Looga Xusay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 11ka, December, 2016. Waxaa  maanta guud ahaana caalamka islaamka  looga dabaal dagay munaasabada xuska dhalashada sanad guurada 1491 ee Nabi Muxamed (NNKH) ee 12ka  bisha mowlid oo ah   sanadka hijirada 1438, taasi  oo guud ahaanba dalkeena itoobiya iyo deegaankaba  siwayn looga xusayo  gaar ahaana caasimada deegaanka ee jigjiga.

Hadda, Munaasabadii dabaaldaga dhalashada Nabiga NNKH oo saaka ka dhacay hoolka shirarka ee SMCX ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada  DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiinta sare ee  golaha arimaha islaamka DDSI, Qaybaha kale duwan ee bulshada sida odayaasha garaadada iyo suldaanada. Munaasabadan oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horayntii lagu furay nashiidooyin iyo xaadiisyo ka turjimyada taariikhdii nabigeena suuban NNKH iyo guud ahaanba nolosha macaan ee diinteena islaamka.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo jeediya khudbad dheer oo ku qotonta ahmiyada ay leedatay xusitaanka dhalashada Nabi Muxamed NNKH. Madaxwaynaha DDSI ayaa sharax dheer ka bixiyay in diinta islaamku tahay diin nabadgalyo. Balse ay jiraaan Kooxo gabaad ka dhiganaya diinta islaamka loona baahan yahay in dareen foojigan laga yeesho layskana  ilaaliya xagjirnimada iyo wixii la halmaala. wuxuuna madaxwaynaha DDSI  ka warbixiyay cadaadisyadii yo cabudhiskii ee dalkeena itoobiya ay ku soo hayn jireen boqortooyadii iyo kaligii taliskii dhiigyo cabka ahaa kuwaasi oo shucuubta iyo qoomiyadaha dalka u diiday in ay horumariyaan diintooda dhaqankooda iyo noloshoodaba.

 

Waxaa kale oo ka hadlay ahmiyada ay maalintani u leedatay guud ahaanba caalamka islaamka gudoomiyaha arimaha islaamka DDSI mudane Sheekh Cabdirahmaan Xuseen wuxuuna si qoto dheer uga waramay iftiinta iyo nolosha macaan ee diinta islaamka taariikhtii macaanayd ee noloshii Nabigeena NNKH. waxaa kale oo uu sheekhu hoosta ka xariiqay in deegaanka somalida itoobiya guulo waawayn ka gaadhay dhinaca horumarinta diinta islaamka. Sheekha ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan kooxo iyo shakhsiyaad gabaad ka dhiganaya diinta islaamka laakiin ka fog xaqiiqda dhabta ah ee diinta islaamka isaga oo sheekhu tilmaamay siyaabaha looga foojignaan karo kooxahaasi.

M.M Goday iyo Xubno La Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf

$
0
0

Goday(cakaaranews)Axad 11ka December 2016. Xafiiiska Nabad-galyada Maamulka Magaalada Godey oo kaashanaya Maamulka Magaalada Goday ayaa Shaahado Sharaf Gudoonsiiyay xubanaha sida adag uga shaqeeya Nabad galyada maamulka magaalada.

Hadaba, xafladan shahaado sharafta lagu gudoonsiinayay xubnaha mutaystay ee dadaalka badan ka sameeyay nabadgalayda magaalada ayaa waxaa shahaado sharafta si wada jir ah u gudoonsiiyay maayorka magaalada goday mudane Cabdisamad Aadan cismaan iyo hogaanka nabdagalayada maamulka magaalada goday mudane Cabdikaafi Maxamed cali. Waxayna sheegeen in xafladan maanta ay shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen xubno kamid ah maamulka magaalada goday kadib markay muujiyeen dadaalo badan oo ku aadan nabadgalayada magaalada. Waxayna intaa kudareen masuuliyiintu in ujeedada gudoonsiinta shahaada sharaftani ay tahay dhiirigalin lagu dhiirigalinayo xubnaha mutaystay.

Sidookale xubnihii lagudoonsiiyay shahaado sharafta ayaa sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaan shahaadooyinkan lagudoonsiiyay islamarkaana dhiirigalinbadan ay u tahay. Waxayna xuseen indadaalkooda kuaadaan nabadgalyada horumarka iyo maamulka suuban ay sii labojibaarayaan.

Iskusoowada duuboo xafladanshahaado sharafta lagu gudoonsiinayay shaqsiyaadka dadaalka balaadhan kasameeyay nabadgalayada ayaa si heersare ah kusooodhamaatay.

 

Tababar Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Deegaanka

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews)Isniin 12ka December 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana loo qabtay qaarkamid ah macalimiinta dugsiyada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka oo tiradoodu dhantahay 100 xubnood ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Hadaba, tababarkan oo socday mudo 7 maalmood ah ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibarahim Aadan Mahad oo sheegay in tababarkan ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqoomeed ee macalimiinta dugsiyada hoose islamarkaana kor loogu qaadilahaa tayada ardayda. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in tababarkani yahay mid larabo in kor loogu qaado tayada aradayda. Wuxuuna xusay in macalimiinta looga baahan yahay in sifiican ukala ogaadaan ardaydoodu heerka aqoonta ay kala leeyihiin. Islamarkaana ay yaashaan kuwo kor uqaadi kara heerka aqoonta aradyda liidata.

Sidookale, wasiirka ayaa kubooriyay macalimiintii tababarka qaadanaysay in tababarkan ay qaateen ay sifiican uga dhaqan galiyaan dugsiyadii iyo goobihii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanbayna dhankooda macalimiintii tababarka qaadatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihiin tababarkan ay qaateen islamarkaana ay kafaaiideen casharo muhiim u ah. Waxayna balan qaadeen inay kadhaqan galinayaan dugsiyadii ay kayimaadeen

 

 

 

Tababar Ku Saabsan La Dagaalanka Caadooyinka Xun-xun Oo Ka Dhacay Qabridahar

$
0
0

Qabridahar,(cakaaranews), Isniin, 12ka December. 2016. Tababar uu soo agaasimay Xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee maamulka magaalada qabridahar ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada qabridahar. Tababarkaasi oo  ku saabsan la dagaalanka iyo tir tirida caadooyinka xun xun oo loo  qabtay ururada haweenka, dhalinyarada, culimo awdiinka, ardayda dugsiga sare ee MM iyo odayaal ku dhaqan maamulka magaalada qabridahar.

Waxaana furitaankii  tababarkaasi ka hadashay maayirka maamulka magaalada qabridahar marwo Ifraax Cumar Muuse  oo ka warbisay  ahmiyada uu leeyahay tababarkani iyo jihooyinka guud ee ay xukuumada DDSI ku tir tiraysa  caadooyinka xun xun wuxuuna sheegay in sanadihii ugu danbeeyay siwayn loogu guulaystay dabargoynta caadooyinka xun xun ee waxyeelada ku hayay bulshada, waxayna ku boorisay maayirku  ururada tababarka loo hayay in ay ka faa’iidaystaan cashirada ay ku qaadanayaan mudada uu socto tababarku

 

Sidoo kale waxaa ka hadashay  furitaankii tababarkaa madaxa xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta ee maamulka magaalada qabridahar marwo Sucaad Khadar    oo sharax dheer ka bixisay  dhibaatooyinka ay leeyihiin  caadooyinka xun xun iyo sidii loo dabar goyn lahaa  caadooyinka xun xun  ee ay ka midka yihiin gudniinka fircooniga ah  iyo  guurka deg dega ah

MM Jigjiga Oo Tababar U Qabtay Hogaaminta Hoose

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 13ka December 2016. Tababarkii hogaaminta hoose ee qabeelayada maamulka magaalada jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa mm jigjiga oo ay kamid yihiin maayarka mm jigjiga mudane Axmed maxamuud Axmed, Madaxa arimaha xisbiga mm jigjiga, Madaxa arrimaha siyaasada mm jigjiga mudane cabdi Gaani hogaaminta hoose ee xaafadaha mm jigjiga ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenaka iyo caruurta DDSI,

Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maayirka mm jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed oo sheegay inuu tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee xubnaha xisbiga, Waxuuna masuulku intaa ku daray in mudada uu cashirku socdo la ilaaliyo saacada cashirka maadama uu tababarku yahay mid muhiim ah islamarkaana wax badan ka faaiidi doontaan.

Sidoo kale waxaa isana dhankooda ka hadlay madaxa arrimaha siyaasada mm jigjiga mudane Cabdulaahi Maxamed, oo sheegay inuu tababarkani yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqooneed ee xubnaha xisbiga laguna dardargalinayo qorshayaasha horumarineed, Nbadagalyada iyo maamulka suuban ee udajisan XDSHSI, Wuxuuna masuulku intaa ku daray inuu tababarku socon doono mudo 3 cisho ah islamrkaana loo baahan yahay inay kasoo qaybgalayaashu ay ka faaidaystaan tababarka mudadu uu cashirku socdo.

Hay’ada UNICEF Oo 15 Gaadhi Ku Wareejisay Xukuumada DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 13ka December, 2016. xaflad ay haay’ada UNICEF ku wareejinasay 15  gaabuur oo loogu talagalay adeega caafimaadka ee ay bixiyaan   kooxda   caafimaadka  wareega ee DDSI (mobile health team)   ayaa ka dhacday barxada wayn ee xafiiska caafimaadka DDSI .

xafladan oo uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa  ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo ay ka mid tahay wasiirka xafiiska biyaha DDSI ahna madaxa xarunta dhexe  ee XDSHSI  lehna awooda madaxwayne ku xigeen marwo Fartuun Cabdi Mahdi, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil, masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, masuuliyiinta ugu saraysa hay’ada UNICEF dalkeena itoobiya oo ay ka mid tahay  agaasimaha guud ee hay’ada Unicef u fadhiya dalkeena itoobiya marwo Marisa Ricardio iyo masuuliyiin kale.

Xafladan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadashay wasiirka xafiiska biyaha DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awooda madaxwayne ku xigeen marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo ugu horayntii u mahad celisay masuuliyiinta hay'ada UNICEF ee baabuurtan ugu deeqday in ay ka qayb-qaataan adeegyada caafimaadka DDSI gaar ahaan adeega caafimaadka ay bixiyaan kooxda caafimaadka wareegta. Wasiirka ayaa ka warbixisay ahmiyada ay leeyihiin baabuurtani waxayna sheegtay in ay kaalin balaadhan ka qaadanayaan dadaalada loogu jiro kor u qaadida tayada adeegyada caafimaadka iyo dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee DDSI.

Dhankiisa wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka hadlay xafladan ayaa siwayn ugu mahad celliyay hay'ada UNICEF ee gawaadhidan  ku deeqday xukuumada DDSI gaar ahaan adeegyada caafimaadka in ay ka qayb-qaataan. Wasiirka ayaa sheegay in ay haya’da UNCEF ay siwayn uga qayb qaadato hirgalinta adeegyada caafimaadka ee DDSI wuxuuna sheegay wasiirku in ay gawaadhidani ka qaybqaadanayaan adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada reer-guuraaga ah iyo kuwa ku nool goobaha ka fog fog xarumaha iyo rugaha caafimaadka. Wasiirka ayaa sheegay in ayna ahayn markii ugu horaysay ee ay hay'ada UNCEF soo gaadhsiiso gawaadhi kooxda caafimaadka wareega ee DDSI balse ay  jiraan gawaadhi kale oo ay hore u soo gaadhsiisay.

Dhankeeda agaasimaha guud ee hay'ada UNCEF u dhaliya dalkeena itoobiya marwo Marisa Ricardio  oo ka hadashay xafladan ayaa  ka warbixisay ahmiyada baabuurtan u leedahay adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeega ay bixiyaan  kooxda caafimaadka wareega ee loogu talagalay baabuurtan. waxayna sheegtay in haya’da UNCEF  diyaar u tahay ka qayb-qaadashada dadaalada ay xukuumada DDSI ku hirgalinayso hawlaha horumarka gaar ahaan adeegyada caafimaadka gawaadhidana ay ka mid yihiin ka qayb-qaadashada adeegyada caafimaadka DDSI.

Gabagabadii xafladan ayaa waxay agaasimaha guud ee haayada UNCEF u fadhiya dalkeena itoobiya marwo Marisa Ricardio ku wareejisay furayaashii 15 gaadhi wasiirka xafiiska biyaha ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI  lehna awoodo madaxwayne ku xigeen marwo fartuun cabdi mahdi iyada oo dhanka kale wasiirka xafiiska biyaha iyo wasiirka xafiiska caafimaadku ay siwada jir ah u gudoonsiiyeen haayada UNCEF shahaado sharaf muujinaysa dadaalka ay hay'adu kaga qayb-qaadanayso adeegyada caafimaadka DDSI.


Yaan Lagaa Hor Iibsanin Ee Horay Ugaadh

$
0
0

jigjiga (Cakaaranews) Talaado 13ka December 2016. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan shacabwaynaha DDSI ee kunool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in shirkada horumarinta guriyaynta ee DDSI ay idiin dhistay guryo iyo gibiyo iib ah oo loogu talagalay in looga faa’iideeyo qaranjoogta iyo qurbajoogta DDSI si looga jawaabo baahida hoyga.

Hadaba shirkada horumarinta guryaynta ee DDSI oo guryahan ku iibinaysa qiimo idin raaligalinaya ayaa guryahan iibka ah udhistay labo nooc oo kala ah:

1.     Gibiyo loogu talagalay in laga iibiyo dadka wadanka gudihiisa dagan gaar ahaan shacabka magaalada jigjiga iyo kuwa deegaanka oo kuyaala xaafada 16, aad ee MM jigjiga gaar ahaan jidka laamiga ah ee wajaale ama dayrka danbe ee jaamacada jigjiga. Dhismayaasha Guryahan oo kakooban 30 gibi islamarkaana boqolkiiba boqol ladhamaystiray ayay gibigiiba kakoobantahay fadhi, Jiif musqul gudaha ku leh(master bed room) Qol ciyaal,  Musqul dibada ah, Jikadii, Laydhkii iyo biyihii. Iyadoo 5ta gibi ee dhanka bari, 5ta gibi ee dhanka galbeed, 5ta gibi ee dhanka waqooyi, iyo 5ta gibi ee dhanka koonfureed lagu iibinayo qiimaha darajada 1, aad oo ah 1,600,000(hal milyan iyo lix boqol oo kun oo birr) meesha 10ka gibi ee dhexda kujirana ay isugu jiraan qiimaha darajada 2, aad oo ah 1,550,000 (hal milyan shan boqol iyo kontan kun oo birr) iyo qiimaha darajada 3, aad oo ah 1,500,000 (hal milyan iyo shan boqol oo kun oo birr). Waxaana xusid mudan inay gibiyadani iskumid kayihiin dhanka dhismaha, designka iyo tiradaba balse ay ku kaladuwan yihiin marka laga eego dhanka istaraatiijiyada wadada iyo baaxada dhulka ay kufadhiyaan.

                              i.        Shuruudaha shaqsiga  iib doonka ah looga baahanyahay ayaa noqonaya

ü  Inuu shaqsiga iib-doonka ahi iskadiwaangaliyo shirkada horumarinta guryaynta ee DDSI.

ü  In lacagta guryaha uu kushubo mid kamid ah Accountiyadu ay shirkadu siiso.

                               ii.      Shuruudaha shirkada

ü  waxay shirkadu furayaasha kuwareejin islamarkaana ay warqad cadaynaysa lahaanshaha shaqsigaasi uleeyahay guriga uqori shaqsiga iibsadaha ah

ü  Waxaa kale oo ay shirkadu kacaawin shaqsigaas inay usoo dhamayso xujada guriga iyo adeegyada laxidhiidha dhanka shircyaynta.

2. Iyo Apartmentiyo loogu talagalay in laga iibiyo qurbajoogta deegaanka oo kali ah islamarkaana lagu iibinayo lacagta dollorka ah. Guryahan oo kakooban fadhigii, master bed room-musqusha gudaha ku leh, qol ciyaal, musqul dibada ah, Jikadii, laydhkii iyo biyihii oo qiimahoodu yahay 60,000$ (lixdan kun oo dollor) kana kooban 70 guri kuwaas oo 48 kamid ah 96% ladhamaystiray meesha 22ka kalana ay marayaan 70% ayaa waxay kuyaalaan xaafada 6, aad ee MM jigjiga khaasatan badhtamaha magaalada jigjiga ama inta udhaxaysa xafiiskii hore ee madaxwaynaha iyo dugsiga sare ee magaalada.

                                 iii.      Shuruudaha shaqsiga qurbajoogta ah looga baahan yahay

1.       Waa inuu iskadiwaangaliyo shirkada guriyeynta DDSI.

2.       Waa inuu yahay qurbajoog udhashay DDSI

3.       Waa inuu taageero kahaysto jaaliyadiisa

4.       Waa inuu lacagta dollor kubixiyo hal ama labo mar hadba siduu karo

5.   Waa inuu lacagta kusoo shubo Accountiyada ay shirkadu kuleedahay bankiyada iyo xawaaladaha dalka  ee aan dib idiinka soo sheegi doono

FG: aaminaada udhaxaysa enterpriska  iyo xubinka qurbajoogta ah waxay noqonaysaa in shirkadan oo ah mid dawli ah ay iibinayso dhamaan guryahan islamarkaana ay furaha kuwareejinayso una dhamaynayso iibsadaha xujada iyo sharciyaynta guriga oo dhan kadib markay shirkadu xaqiijiso inuu iibsaduhu lacagta kusoo shubay Accountkii lasiiyay.

  Hadaba maadaama oo uu wakhtigu kuxidhanyahay hadba sida iibsiga guryaha loogu soo kala horeeyo ayaa waxay shirkadu idin leedahay ‘yaan lagaa hor iibsanin ee horay ugaadh’.

Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Jidadka DDSI Oo sheegay in xukuumada DDSI Awooda saartay dhismayaasha jidadka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 14ka December, 2016. Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha jidadka  DDSI mudane Cabaas Xuseen Obsiiye oo waraysi siiyay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo fulinta qorshayaasha u yaala xukuumada DDSI oo awooda saartay sanadkan hirgalinta dhismayaasha jidadka oo halbawle u ah horumarka bulshada deegaanka.

maareeyaha ayaa  sheegay  in ay wakhti xaadirkan  wakaaladu  dardar xoogan galisay fulinta qorshayaasha  ahmiyadoodu yihiin dhismayaasha jidadka oo sahlaya isku socodka bulshada deegaanka taasi oo xoojinaysa hirgalinta   hawlaha  horumarka nabadgalyada iyo koboca dhaqaalaha dalka iyo deegaanka

wuxuuna, intaasi ku daray maareeyuhu in wakaaladu guulo mug wayn ka soo hoysay qorshayaashii u yaalay ee ahaa dhinaca dhismayaasha jidadka iyo buundooyinka kuwaasi oo sahlay isku socodka bulshada deegaanka, dadka, duunyada iyo gaadiidka u kala goosha gobolada DDSI. maareeyaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay dhibaatooyinkii hore uga haysan jiray bulshada deegaanka dhinaca jidadka ee isku socodka degmooyinka deegaanka balse markii ay xukuumada DDSI dajisay ayuu yidhi maareeyuhu qorshayaal cilmiyaysan in  laga guul gaadhay xal u helida jidadka isku xidha gobolada iyo degmooyinka deegaanka.

Ugu danbayntii maareeyaha wakaalada dhismaha jidadka ayaa sheegay in mashaariicaha waawayn ee ay wakaalada hadda gacanta ku haysto fulindooda   oo iskugu jira  mashaariicaha biyo xidheenada looga faa’iidaysanayo wax soo saarka beeraha, mashaariicaha dhismayaasha jidadka iyo buundooyinka ay wakhti kooban wakaaladu ku soo gabagabayntoondo. 

Kulan Ku Saabsan Ka Hortaga Iyo Udiyaargarowga Masiibooyinka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 14ka December 2016. Kulan uu soo agaasimay xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarowga masiibooyinka DDSI ayaa saaka kafurmay hoolka shirarka ee xamda hotel, kulan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan deeq bixiyayaasha kala duwan ee kuhawlan kahortagga iyo udiyaargarawga masiibooyinka dabiiciga ah, dhamaan xafiisyada horumarka ee DDSI iyo xubno ka tirsan komishinka kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka ee heer qaran.

Hadaba Kulankan oo ay hogaaminaysay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah  Marwo Sucaad Axmad Faarax  ayaa lagu dhagaysanayay daraasaadkii laga soo sameeyey dhamaan xaalada guud ee uu deegaanku kusuganyahay haday noqoto dhanka raashinka,biyaha, xoolaha,waxbarashada. Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan oo sheegay inuu kulankan yahay mid loogu diyaargaroobayo goobaha laga baqayo inay samayso abaarta dabiiciga ah ee ay keentay isbadalka cimilada taas oo ay xukuumada dadaal balaadhan ugu jirto siday uga qaban lahaayeen.

Sikastaba ha ahaatee Kulankan ayaa  marka uu soo gabagaboobo  lafilayaa in la isla meel dhigo qorsha lagu taakulayn doono qoysaska sida gaarka ay u saamaysay waxyeelada abaarta dabiiciga ah ay keentay isbadalka cimilada ee elino.

MW CMC Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Gunagada.

$
0
0

Gunagada,(cakaaranews), Arbaca, 14ka December, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay ayaa maanta socdaal dhinaca dhulka ah kaga anbabaxay caasimada DDSI ee jigjiga una kicitimay dhinaca gobolka jarar gaar ahaan degmada gunagada.

Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa markii ay gaadheen magaalada gunagada ee xarunta degmada gunagada  waxaa si meeqaam sare ah  u soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan degmada gunagada sida odayaasha,suldaanada,haweenka iyo dhalinyarada kuwaasi oo masaafo aad u dheer kaga horyimiday waftigan.

 

Haddaba, soo dhawayn ka dib waxaa wakhti xaadirkan furmay shirbalaadhan oo  lagaga hadlayo sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban, shirkan oo ay hogaaminayaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan  shirkan oo hadda socda wixii ka soo kordha waxaad kala socondoontaan wararkayaga danbe cakaaranews. 

Kulan Wadatashiya Oo Lagaga Hadlayay Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Ayaa ka dhacay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),Arbaca, 14ka December, 2016. Waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka  huteelka Nogob ee magaalada jigjiga Kulan wadatashiya  oo diirada lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa adeegyada  caafimaad ka Dumarka, Hooyada, ilmaha hadda dhashay iyo Caruurta (Reproductive, Maternal, Newborn, Child Health).

 Kulankan oo ay soo agaasintay Hay,ada bad'baadada Caruurta ee Save the children) hal ku dhigna looga dhigay "Waxaan u ol'olaynaynaa gaadhida imlaha ugu dambeeya inuu helo adeeg caafimaad" ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer fadaraal iyo masuuliyiinta labada  deegaan ee deegaanka soomalida itoobiya  iyo Canfarta ee xafiisyada; caafimaadka, Haweenka iyo caruurta, maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha,  xafiiska .shaqada iyo arimaha bulshada, Baarlamaanka, Odayaal dhaqameedka, iyo hay'adaha aan dawliga ahayn.

Waxaana furitaankii kulankan wada tashiga ah ka hadlay  la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee  dhanka hay'adaha ahna maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ee DDSI  mudane Cabdifataax Sh.Axmed Ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay kulankani wuxuuna sheegay in ay muhiimtahay in la xaqiijiyo ilme kasta oo ku nool dalka gaar ahaan deegaanka uu  u helilahaa adeeg caafimaad oo tayale.

Dhankiisa Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka hadlay furitaankii kulankan wadatashiga ah  ayaa sheegay  in ay muhiim tahay in la  helo hooyo iyo caruur caafimaad qabta taasina sidii loo hirgalinlahaa ayna u oolin  xafiiska caafimaadka oo kali ah, laakiin ay u taalo dhamaan saktarada kala duwan ee hay’adaha dawlada iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo waliba , odayaasha, culamaau diinka iyo bulshada qayba heeda kala duwan. 

Tababar Loo Hayay Xirfadlayaal Caafimaad Oo Lasoo Gunaanaday

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 2da November 2016.Tababar uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI  laguna tababarayay xirfadlayaasha caafimaadka oo tiradoodu kabadantahay 100 xirfadle   islamarkaana kakala yimid degmooyinka gobolka faafan ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka  DDSI.

Hadaba, xidhitaankii tababarkan yaa waxaa ugu horayn kahadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in tababarkani yahay tababar isku dhaf ah oo lagu dhisayo aqoonta xirfadlayaasha fidinta caafimaadka ee ku aadan ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS, Qaaxada iyo waliba cudurkaa juudaanka. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in tababarkani yahay mid isku xidhaya dhamaan xarumaha iyo ruguha caafimaadka DDSI laguna dardar galinayo shaqooyinka caafimaadka u yaala

Ugudanbayna wuxuu dardaaran usoojeediyay dhamaan shaqaalaha caafimaadka inay kaalin mugleh kaqaataan kamidho dhalinta barnaamijkan lagu xakamaynayo cudurada. Wuxuuna xusay haayadaha bah wadaagta la ah xafiiska in tababarkii sidii larabay uu u hirgalay islamarkaana ay muhiim tahay in doorka kaga aadan ay ka qaataan natiijo ka keenida tababarka.

Iskusoowada duuboo tababarkan ayaa laga wada bilaabay dhamaan gobolada DDSI iyadooy kafaa’iidaysanayaan xirfadlayaal toradoodu dhantahay 1060 xubnood.Waxaana lafilayaa in natiijo wax ku ool ah laga keeno xakamaynta cudurka  HIV AIDS, cudurka juudaanka iyo waliba

Gudiga Fulinta Iyo Komishinka Dabagalka X.D.SH.S.I Oo La Doortay

$
0
0

maraacaato (cakaaranws) Arbaca, 2da, November, 2016.   waxa shirwaynihii 9aad ee XDSHSI maanta lagu doortay golaha  gudiga fulinta XDSHSI oo ka kooban 15 xubood kuwaasi oo 2da sano iyo badhka soo socda hogaamindoona XDSHSI.

 Haddaba, golaha gudiga fulinta XDSHSI ee la doortay maanta waxaa ku cusub oo kaliya 4 xubnood kuwaasi oo kala ah.

1.       Faamudo Cabdilaahi Takhal maareeyaha  wakaalada dhismaha jidadka DDSI.

2.       Cabdiraxmaan Maxamed Xasan  wasiirka xafiiska jidadka.

3.       Maxamed Cabdi Bare gudoomiyaha Gobolka Doolo.

4.     Cabdimahad Maxamed Cabaas maareeyaha wakaalada Iibka iyo adeega gaarka ah DDSI.

Halka 11ka kale ay yihiin masuuliyiintii hore ugu jirtay gudiga fulinta iyada oo ay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka XDSHSI ay sidii hore yihiin. xubnaha gudiga fulinta ayaa markii  la soo hordhigay shirwaynaha  lagu ansaxiyay codbuuxa.

Dhanka kale waxaa  isla maanta lagu doortay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI komoshinka dabagalka iyo baadhista XDSHSI oo ka kooban 15 xubnood kuwaasi oo hadda ka hor ahaan jiray 13 xubnood. Balse shiwaynahan 9aad ee XDSHSI lagu ansaxiyay in ay noqdaan 15 xubnooda. Waxaana gudoomiyaha komishinka dabagalka iyo baadhista loo doortay marwo Ikraan cabdi xasan.  Halka gudoomiye ku xigeenka loo doortay mudane Baashe Cabdi ismaaciil, sidoo kale waxaa xoghayaha komishinka dabagalka iyo baadhista loo doortay mudane cabdishakuur cismaan (dhagawayne) iyo 11 xubno ka ah gudigan kuwaasi oo shirwaynuhu ku ansaxiyay codbuuxa.

Shirwaynahan ayaa caawa xili danbe si qurux badan loogu soo gabagabeeyay tuulada maraacaato  oo uu ka socday mudo sadex maalmood ah.


Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 3da November 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI islamarkaana ay kasoo qaybgaleen bahwadaagta daryeelka caruurta oo ka koobnaa xafiisyada dawliga ah iyo haayadaha aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya deegaanka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka geedisocodka daryeelka caruurta ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI Mudane Mursal Maxamed Askar oo sheegay inuu tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo awooda xubnaha iskuxidhka kalaastarka daryeelka caruurta ee heer deegaan iyo ka gobolka Siti . wuxuuna agaasinku intaa ku daray inuu tababarku socondoono muda 2 maalmood ah islamarkaana  kasoo qaybgalayaasha looga baahan yahay inay ilaaliyaan saacda mudada uu socda tababarka maadaamo kor loogu qaadayo awoodooda farsamo iyo awoodooda fulineed ee dhanka adeega daryeelka caruurta.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarka oo sheegay inuu tababarkan faaiido uleeyahay islamarkaana ay hirgalin doonaan waxa ay ka faaiidaysteen tababarkan si fiicana uga qaybqaadan doonaan kulamada danbe ee bilaha ah ee isku xidhka kalastarka daryeelka caruurta.

MW CMC Iyo Masuuliyiintii Ka Qaybgashay Shirwaynihii 9aad Oo Ku Soo Noqday Xarunta.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 3da, November, 2016 Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii  ka qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ayaa maanta dib ugu soo noqday xarunta deegaanka ee jigjiga.

madaxwaynaha DDSI iyo wafigan ka qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI oo xalay lagu soo gabagabeeyay tuulada maraacaato islamarkaana uu gunaanadkii shirwaynahan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka soo jeediyay warbixin ku qotonta  jihooyinka iyo istaraatajiyadaha xooga uu saaraya XDSHSI  2da sano iyo bandhka soo socda ayaa saaka  ka soo baxay  magaalada qabridahar ee xarunta Gobolka Qoraxay

Haddaba, wafigan oo socdaal dhulka ku soo maray ayaa   intii ay madaxwaynaha DDSI iyo wafigan  ku soo socdeen caasimada DDSI ee jigjiga  waxay soo  booqdeen  mashaariicaha waawayn ee yoolaha horumarka waara oo  qaybta ka ah dadaalka loogu jiro tir tirida saboolnimada dalka iyo deegaanka laguna gaadhayo isku filnaansho  kuwaasi oo laga hirgalinayo  wijiwaaji, Goomaar, Shaykoosh, Birqod Baka.

madaxwaynaha DDSI iyo wafigan  ayaa u kuurgalay geedi soc0dka shaqo ee  mashaariicaha waawayne ee laga hirgalinayo goobahan ay booqdeen waxaana sharax dheerka siiyay heerka ay marayaan mashaariicahan hawl wadeenada  iyo engineerada fulinaya mashaariican waxayna sheegeen in mashruuca waraabka beeraha ee wijiwaaji uu waraabin doono dhulbeereed dhan 3,000 higter halka 3da mashruuc ee  kalana ay mid kasta uu waraabindoono 3,000 oo higter isku gayn mashaariican waawayn ayaa waxay waraabindoonaa dhul beereed dhan  12,000 Higter. Waxaana mashaariican waawayn ee waraabka beeraha loogu faa’iidayndoonaa qoysas dhan 20,000.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo waftigan ayaa galabta ku soo  caraabay  caasimada deegaanka ee jigjiga. 

Koox Isku Dhaf Ah Oo Isugu Jiray Jaamacada Jigjiga Iyo Heer Federal Oo Kormeer Ku Tagay Degmada Tuli

$
0
0

Tuli(Cakaarnews) Jumce 4ta November 2016. Khabiiro ka socday heer federal iyo jaamacada jigjiga islamarkaana takhasus dheeraad ah uleh dalaga beeraha ayaa kormeer indha indhayn ah kusoo maray tuulada feedhacad oo hoostimaada degmada tuliguuleed iyo tuulada shekh siciid oo katirsan degmada gursum ee gobolka faafan. Kuwaas oo ay jaamacda jigjiga Hada ka hor gaadhsiisay abuur tayaysan oo isugu jiray qamadi iyo daafi.

Hadaba  qaarkamid kooxdan isku dhafka ah ee ka kala socday heer federal iyo jaamacada jigjiga oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay la garab taagan yihiin taageerida dhinaca aqoonta ee dhanka beeraha tasoo bulshada ka ilaalinaysa fikirka cidhiidhyoon ee ma shaqaysta nimadka .

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan labada tuule ee ay kooxdu kormeerka ku tageen oo sheegay in abuurka ay jaamacadu siisay aad uga fiicanyahay abuurkii hore ee ay isticmaali jireen, islamarkaan uu kaga fiicanyahay dhanka tayada iyo isagoo wakhti gaaban ku bislaanaya.

 

 

Kulan Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Horumarka Iyo Nabadgalyada Oo Ka Dhacay MM Dhagaxbuur.

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews) jumce, 4ta November, 2016. Waxaa ka dhacay madasha  shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur shir balaadhan oo ay ka soo qayb-galeen qaarka mid ah masuuliyiin heer deegaan ah, masuuliyiinta gobolka jarar, masuuliyiinta MM dhagaxbuur iyo  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada dhagaxbuur.

Kulankan oo uu hogaaminayay wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayna ku wehelinayeen hogaan ku xigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubarak, gudoomiyaha gobolka Jarar mudane cabdi cali mataan   iyo masuuliyiin kale ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa hirgalinta iyo ka midho dhalinta  hawlaha horumarka nabadgalyada iyo ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo abuurka.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii dalka iyo deegaanka looga tir tirilaha saboolnimada iyo camal la aanta. Wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay ka faa’iidaystaan fursadaha dhinacyada badan ee ay xukuumada DDSI u fidinayso shacabka deegaanaka kana qayb-qaataan sii xoojinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada.

Dhinaca kale masuuliyiintii ka hadashay kulankaasi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI gaar ahaan dhinaca abuuritaanka ilaha shaqada iyo la dagaalanka camal la aanta kuwaasi oo kula dar-daarmay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalintooda kaga aadan hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo nabadgalyada ka soo baxaan.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa aad ugu mahad celiyay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimada. Waxayna sheegeen in ay ka soo baxayaan kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada kana faa’iidaysanayaan fursadaha shaqo ee ay xukuumada DDSI u fidinayso shacabka DDSI.

Komishinka Qaabilaada Iyo Cabashooyinka Oo Tababar U Qabtay Maamulka Xaafadaha Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 6da November 2016. Tababar uu soo agaasimay komishinka qaabilaada iyo cabahooyinka DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen maamulka 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si habasami leh uga bilawday hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay komishineerka komishinka qaabilaada iyo cabashooyinka mudane shaafi cashir oo sheegay in tababarkani uu kamid yahay qorshayaasha lagaga midho dhalinayo kabixida saboolnimada. Wuxxuna xusay in tababarkani yahay mid lagu baranayo nidaamka soogudbinta cabashooyinka ay bulshadu kaqabto dhanka adeeg bixinta haayadaha kaladuwan ee dawlada.

Sidookale komishineerka ayaa tilmaamay in tababarkan lagu baranayo isku xidhka bulshada qabta cabashada iyo komishinka islamarkaana maamulka xaafadaha looga baahanyahay in si sharciga waafaqsan ay u soo gudbiyaan dhamaan cabashooyinka ay ka qabaan dhinaca adeeg bixinta.

Ugudanbayna waxaa iyana dareenkooda kahadlay kasooqaybgalayaashii tababarkan oo shegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan loo qabtay ee lagu barayay nidaamka soo gudbinta cabashooyinka. Waxayna xuseen in ay si sharciga waafaqsan usoo gudbinayaan cabashooyinka.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>