![]()
Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 7da December 2016. Sida lawada ogsoonyahay waxaa ururkii nabadiidka ahaa ee Ubbo ee naafeeyay maskaxdii, maalkii iyo muruqii shacabwaynaha DDSI lagaga guulaystay xeelad cilmayaysan iyo maskax caafimaad qabta oo ay kumidoobeen dhalinyaro tiro yar oo kadhiidhiday xasuuqyadii kaladuwanaa ee ubbo ay kagaysatay guud ahaanba deegaanka.
Hadaba ururkii nabadiidka ahaa ee ubbo ee dilka, kufsiga, dhaca iyo Boobka kuhayay maxasta iyo biri- magaydada shacabka deegaanka ayaa wuxuu ku abtirsan jiray inuu kasoo jeedo beesha ogaadeen iyadoo marka hoos loo dhaadhacana kasoo jeeday maxamed subeer gaar ahaan reer isaaq iyo reer cabdile oo ahaa kuwii ay dhibaatadii ugu ba’nayd ugaysteen. Waxaana xusid mudan in hadalkii raisal-wasaarihii hore ee dalka mudane meles zenewi uu horay uyidhi ee ahaa ‘reer isaaq waa ubbo’ uu ahaa mid xaqiiqa ah oo runta kusalaysan waayo ubboda reer isaaq waxay laynaysay dadka beesha reer isaaq kasoo jeeda. Waxaana daliil u ah xasuuqyadii kaladuwanaa ee ay kagaysteen Dhagaxbuur, Gunagada, Cobale, Farmadow, Gosolalay, Awaare, Dig, Bilcil-buur, yoocaale IWM Kuwaas oo aan ahayn wax kaqarsoon indhaha caalamka iyadoo dhanka kalana ay jireen dhalinyaro udhalatay beesha reer isaaq oo ushihiiday sidii ay dhibaatadii ubbo kuhaysay dadka uga dulqaadi lahaayeen dal iyo dibadba.
Sidaasdarteed ayaa kadib markii ay ubbo udhamaatay ee deegaanka laga sifeeyay waxaa maanta soo baxay dad soo huwaday wajiyo qabiil oo argagixisanimo, Nabadiidnimo Iyo soomaali-waynimo wata kuwaas oo kaxun nolosha, nabadgalyada iyo horumarka uu shacabwaynaha deegaanku maanta ku talaabsaday islamarkaana wada nidaam cusub oo qaaraan urursi ah maadaama uu dhamaaday nidaamkii hore ee qaaraan urursiga ubbo dal iyo dibadba.
Hadaba beesha reer isaaq ee kushirtay Nairobi waa beel kamid ah beelaha wada daga wadanka soomaaliya islamarkaana uu asalkooda iyo faracooduba yahay soomaaliya iyadoo dadkii soo abaabulayna ay ahaayeen kuwo isugu jira: jananadii hore ee soomaaliya, Xubno alqushaash ah, Qaar Ubbo ah, Xubno aan ujeedada shirkaba wax ka ogayn, dad qabiil ahaan ugu jiray iyo xubno dhex-dhexaad ah oo loo sheegay inuu shir nabadgalyo yahay balse kadib markay ogaadeen sheegay inaysan shirkan shaqo kulahayn islamarkaana cadeeyay inuu shirkani yahay mid ujeedo leexsan iyo dano gaar ah wata. Waxaana xaqiiqa ah in shirkani ahaa mid gabi dhacayay marka laga eego hadaladii ay saraakiisha dacatiga ahi kuhadlayeen. Waxaana faduul ah inay Ethiopia iyo wadamo kale kahadlaan iyagoo dano gaar ah wata.
Dhanka kale odayaasha beesha reer isaaq ee DDSI kasoo jeeda ayaa cambaareeyay guud ahaanba shirka kadhacay nairobi kuna tilmaamay in magaca ay wataan uu yahay mid soomaaliya matala balse aan shacabka dagan Ethiopia iyo deegaankaba matali Karin islamarkaana cadeeyay in aduunka dawlad, Dad iyo calan lakaleeyahay oo aysan ahayn inay kahadlaan itoobiya. Waxaa kale oo ay odayaashu cambaareeyeen gudigii ay samaysteen oo ahaa gudi uu nabadiid dabada kawaday maadaama beesha reer isaaq leedahay garaad magac iyo maamuus leh oo lawada yaqaano islamarkaana uu dagan yahay gudaha DDSI. Waxayna cid kasta oo gudaha iyo dibada joogta uga digeen inay iska ilaaliyaan dadka ku maxaabsanaya magaca beesha.
Ugudanbayna, odayaasha beesha reer isaaq ee DDSI ayaa sheegay in laga soo gudbay xili ay jananadii bililiqada qaatay utaliyaan iyagoo hoosta kaxariiqay inay talaabo cad kaqaadeen oo ay meel saareen ururkii nabadiidka ahaa ee ubbo iyagoo kaashanaya dawlada iyo xoogaga nabadgalyada deegaanka iyo dalkaba. Waxayna kubaaqeen in cidii ubbo ah ama nabadiid ah ee timaada deegaanka ay soo dhawaynayaan iyadoo cafis loo waydiinayo shacabka iyo dawladaba. Odayaasha ayaana intaa ku daray in deegaanku uu maanta kagudbay fikiradii cidhiidhiga ahaa ee nabadiidka kuwaasoo kusalaysnaa qabyaalad, eex, nin jeclaysi IWM, iyo waliba aragtidii xumayd ee soomaali-waynimada islamarkaana uu maanta marayo horumar aan dib u noqosho lahayn isagoo gaadhay heer biyihii khadhaadhaa lamacaaneeyay. Waxayna hadalkoodii kusoo xidheen mahad-celin balaadhan oo ay usoo jeediyeen XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo kusifoobay aragti shacab, mid horumarineed iyo kajawaabida degdega ah ee baahida bulshada iyagoo xusay in danta beeshani ay utaalo oo kali ah cida dagan gudaha deegaanka ee aysan marnaba u oolin cid dan gaar ah wadata oo kabaxsan deegaanka oo aan udhalanin dalkeena itoobiya.