Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 30ka December 2016. Xuska sanadguuradii 7aad ee hoyiga agoonta jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin heer deegaan ah oo ugu horeeyo Wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Mahad, Mareeyaha Hoyiga agoonta jigjiga, mudane Maxamuud Cumar Nuur,maareeyah kiraynta guryaha, macalimiinta hoyiga agoonta, Shaqaalaha iyo marti sharaf kale ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan.
Hadaba munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Mahad oo sheegay inay maanta tahay maalin qaali ah oo xusid mudan islamarkaana ubaahan marwalba miskaxda lagu hayo, Maadaama maanta ay tahay maalintay xukuumadu usamaysay daryeel iyo meel lagu xanaaneeyo caruurta ay waalidiintood Ubbo laysay, Wuxuuna wasiirku kula dardaarmay ardayda inay fursada qaaliga ah ee ay xukuumadu siisay ka faaiidaystaan islamarkaana aad si fiican wax ubarataan.
Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay mareeyahay hoyiga agoonta jigjiga mudane Maxamuud Cumar Nuur oo sheegay in ay arda dhigata hoyiga agoonta jigjiga ay ay dhan yihiin 583 oo ay 470 wiilal yihiin iyo 113 gabadhaha ah islamrakaana helaan dhamaan adeegyada waxbarasho iyo mida nolaleedba islamarkaana uu hoyigu mar walba diyaar uyahay siduu wax ubarilahaa ulana tacaali lahaa ardayda dhigata hoyiga agoonta ee waalidiintood Ubbo layasay, Wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray inay maanata tahay maalin qaali ah oo mudan in la xuso lana xasuusto,