Melbourne,(cakaaranews), Sabti,10ka, December, 2016. Waxaa maanta ka dhacay magaalada Melbourne ee wadanka Australia xaflad balaadhan oo lagu tageerayo shirwaynihii 9aad ee X.D.SH.S.I ee ka dhacay tuulada maraacaato oo ka tirsan degmada qabridahar.
Xafladan oo ay soo agaasintay jaaliyada DDSI ee wadanka Australia ayaa waxaa ka soo qaybgalay hogaaminta sare ee jaaliyada DDSI ee wadanka Australia, qaybaha kala duwan ee bulshada jaaliyada DDSI ee wadanka Australia iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladan.
Xafladan ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxay ujeedadu ahayd mid lagu taageerayo qabsoomida shirwaynihii 9aad ee XDSHSI, go’aanadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI iyo taageerada dhismaha hogaaminta XDSHSI. Waxaana furitaankii xafladan ka hadlay gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee wadanka Australia mudane Cabdiqani Faarax Yuusuf oo sheegay in ay xafladani tahay mid lagu taageerayo shirwaynihii 9aad ee XDSHSI. wuxuuna tilmaamay in ay jaaliyadu si meeqaam sare ah u soo dhawaynayso shirwaynihii 9aad islamarkaan taageersan tahay dhismaha hogaaminta sare ee XDSHSI.
dhankooda xubnaha kale ee Hogaaminta sare ee jaaliyada DDSI ee wadanka Australia oo ka hadashay xafladan lagu taageeraya shirwaynaha 9aad ee XDSHSI ayaa siwayn u bogaadiyay go’aanada ka soo baxay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin una taageerayaan hogaaminta XDSHSI ee lagu soo dhisay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI. Hogaamintan jaaliyada DDSI ee wadanka Australia ayaa tilmaan dheerka bixiyay horumarka muga wayn ee sanadihii ugu danbeeyay ka hirgalay DDSI iyaga oo sheegay in ka jaaliyad ahaana ay sii xoojinayaan ka qaybgalka hawlaha horumarka nabadgalayda, maamulka suuban iyo maalgashiga DDSI.