Maraacaato(cakaaranews), Isniin, 31ka October, 2016. waxaa hadda si rasmiya uga furmay tuulada maraacaato ee degmada qabridahar shirwaynihii 9aad ee XDSHSI. Shiraynahan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid Isaaq , madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI ergooyinka kala socday dhamaan degmooyinka deegaanka , ergooyinka qurba joogta DDSI uga qaybgalaya shirwaynaha 9aad ee XDSHSI, wakiilada ka socda xisbiyada ay bahwadaagta yihiin XDSHSI iyo marti sharaf kale.
Waxaana shiran si raxmiya hadda u furay gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq oo si kooban uga warbixiyay waxqabadka XDSHSI taaba galinta qorshayaasha siyaasadeed, dhaqaale, nabadgalyo iyo horumarineed ee uu fuliyay sanadihii ugu danbeeyay XDSHSI.
Haddaba shirwaynaha oo hadda ti toos ah uga furmay madal aad u qurux badan oo loogu talagalay shirwaynahan kala soco xogaha muhiimka ah ee ka soo kordha shabakada wararka ee cakaaranews.