Harar,(cakaaranews)Arbaca, 7da December, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo galabta ka anbabaxay xarunta DDSI ee jigjiga ayaa u kicitimay magaalada qadiimiga ah ee Harar.
Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo oo galay magaalada harar ayaa ka qaybgalaya munaasabada xuska 11 aad ee 29ka Hidaar oo maalinta barito ah si meeqaam sare loogu xusayo caasimada harar ee deegaanka hararida oo ah magaalo qadiimiya taasi oo sanadka ku jirtay diyaar garow dhinaca kasta leh sidii ay u martigalin lahayd xuska 11 aad ee 29ka hidaar oo ah maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya oo sanadkasta la xuso 29ka hidaar.
Waxaana maalmihii ugu danbeeyay ku soo qul-qulayay magaalada harar martida ka socoda qoomiyadaha iyo shucuubta deegaanada dalka iyada oo ay xuskan ka soo qaybgalayaan masuuliyiinta ugu saraysa JDFI iyo masuuliyiinta ugu saraysa dawlad deegaanada dalka iyo 2da ismaamul magaalo, madaxwaynayaasha wadamada aan dariska nahay iyo marti sharaf kale oo heer caalam ah.
Madaxwaynaaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa wakhti xaadirkan ku sugan magaalada harar.