Jigjiga(Cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Arday tiradoodu kabadantahay 419 oo waxkabaranaysay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ayaa saaka xafladii qalin jabintoodu si heer sare ah uga dhacday hoolka wayn ee isla kuliyada maaraynta.
Hadaba, xafladan qalinjabinta ah oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo marti sharaf kaladuwan ayaa waxaa khudbad muhiim ah kasoojeediyay Maareeyaha Guud Ee Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI mudane Cabdirashiid Shekh Cumar oo sheegay in maanta ay farxadwayn utahay isagoo ugu horayn ardayda qalinjabisay usoo jeediyay hambalyo. Wuxuuna intaa kudaray in ardayda maanta qalinjabisay ay tahay dufcadii 11aad islamarkaana tiradoodu dhantahay 419 arday oo 226 arday yihiin dumar meesha 193 ardayna ay yihiin Rag.
Maareeyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ardaydan qalin jabisay heerkoodu yahay Diploma islamarkaana culuumta ay barteena kalatahay Accounting, HRM, iyo waliba culuumta Secretarial Office Purchasing.
Sidookale, ardayda qalinjabisay oo dareenooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qalin jabintooda islamarkaana aysan farxadooda soo koobi Karin. Iyagoo sheegay in ay u mahad celinayaan dhamaan macalimiintii waxsoobartay iyo maamulkoodii. Waxayna xuseen inay waxbarashadooda sii wadan doonaan ilaa heer PHD.
Sikastaba ha ahaatee xafladan ayaa waxaa meesha kamaqnayn heesaha iyo dhantooyinka oo halkaas ay kusoobandhigayeen kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.