Jigjiga(Cakaaranews)Jumce 25ka November 2016. Sida lawada ogsoon yahay waxaa jirtay abaar kadhalatay sanadkii hore roob la’aanta ama ay keentay isbadalka cimilada aduunka ee Elinino. Taas oo saamaysay gobolka sitti iyadoo xukuumada federalka iyo ta deegaankuba ay si joogta ah taageero nooc walba ah ula garab taagnaayeen shacabka iyo duunyada gobolka hadh iyo habeenba. La’aantoodna ay abaartaasi dhibaato ba’an keensan lahayd.
Hadaba, hogaaminta XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo kagaashaamanaya isbadalka cimilada aduunka ayaa qiimeeyay xaalada roob la’aanta ee deegaanka islamarkaana diyaargaraw balaadhan kasameeyay dhibaatada ka iman karta ugu yaraan 25 degmo oo deegaanka kamid ah. Maadaama uu xiligii gu’ga ee lasoo dhaafay aan lahelin roob badan islamarkaana dayrta aan hadda kujiro oo wax bil kayar ay kahadhan tahay aysan jirin ilaa hadda roobkii loo baahnaa inkastoo aan ilaahay karajaynayno in 25ka cisho ee kahadhay dayrtan uu inasiiyo roob aad ubadan oo kaafiya noolaha.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumada deegaanka iyo XDSHSI ayaa sameeyay heegan iyo diyaargaraw lagaga jawaabayo dhibaatada kadhalan karta roob yaraanta islamarkaana saamayn karta dadka iyo xoolahaba. Waxayna guud ahaan bulshada geeska africa ilaahay uga baryayaan inuu siiyo roob khayr qaba maadaama uusan nooluhu roob la’aan noolaan Karin iyagoo gaar ahaan xusay meelaha ugu sii daran khaasatan Somaliland iyo puntland oo wakhti xaadirkan kusugan abaar ay keentay roob la’aan.