Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka Iyo Guriyaynta JDFI Oo Booqday Mashaariico Horumarineed.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews)Axad, 20ka, November,2016. Masuuliyiintii ka soo qaybgashay shirwaynihii 12aad ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta dalkeena itoobiya ee uu hogaaminayay wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr ambachaw mokonnen oo ay horkacayaan   madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud  ayaa maanta booqday mashaariicaha horumarineed ee laga hirgalinayo caasimada DDSI.

waxayna, maanta ay booqdeen masuuliyiintani jidadka waawayn ee laga wado magaalada jigjiga kuwa laga dhigay laamay iyo kuwa la dhigay dhagaxa qoray ee loo yaqaano (cobblestone)   gaar ahaan wadada wayn ee hormarta dhakharka kaaraamardha  oo ah wado afar haad ah oo laamay ah, taasi oo samaynteedu meel fiican marayso.

Waxaa kale oo ay masuuliyiintani maanta booqdeen dhismayaasha guryo wadareedka  loogu talagalay in ay galaan dadka dan yarta ah, oo ay xukuumada DDSI ka dhisay magaalada jigjiga kuwaasi oo dhismahooda la soo gabagabeeyay hadda. Meelaha kale oo ay booqdeen waxaa ka mid ahaa guryihii ay xukuumada DDSI u dhistay dadkii ay guryahooda gaadhay wadooyinka laga hirgaliyay caasiamda DDSI ee jigjiga. dhinaca kale waxay booqdeen masuuliyiintani xarumaha iskaashatooyinka shaqo abuurka looga sameeyay magaalada jigjiga waxaana ka mid ahaa iskaashato  samaysa jaajuurka oo ay  leeyihiin dhalinyaradii hore uga tirsanaan jiray ururkii UBBO ee wakhiyadii hore ka dhaq-dhaqaaqi jiray DDSI. Balse markii ka tooban keeneen fikiradii xumaa ee ay hore u aaminsanaayeen ay xukuumada DDSI u samaysay fursadaha shaqo abuurka.

 

Wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane  Dr Ambachaw Mekonnen oo maanta isaga iyo masuuliyiintii uu hogaaminayay dib ugu noqdeen caasimada dalkeena ee addisababa ayaa ka hor intii aanu  ka duulin garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal Airporti  waxa uu warbaahinta uga warbixiyay booqashadii mashaariicaha DDSI ee magaalada jigjiga. Wuxuuna siwayn u bogaadiyay kaalinta balaadhan ee ay xukuumada DDSI siisay horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in ay deegaanada  kale dalkeena itoobiya  ka tusaale qaataan DDSI sida ka go,aanshaha leh  ee ay xooga u saareen  horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>