Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Xaflad Casho Sharaf Oo Lagu Soo Xidhay Shirwaynihii 12aad Ee Horumarinta Magaalooyinka Ayaa Ka Dhacday Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Axad, 20ka, November, 2016.Waxaa xalay  ka dhacday magaalada jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee qaryaan dhoodaan xaflad casho sharaf ah oo lagu soo xidhay shirwaynihii  12aad ee heer qaran ee  saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta ee dalkeena itoobiya.

Xaflada casho sharafta ah oo si qurux badan loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI  ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid Isaaq, wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Dr  Ambachaw Mekonnen, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, masuuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay shirwaynihii 12aad  saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta dalkeena itoobiya.

Waxaana xafladan casho sharafta ah ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo  ugu horayntii u mahad celiyay masuuliinta iyo marti sharafta ka soo qaybgashay shirwaynahan ay martigalisay DDSI. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto ka midho dhalinta horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. isaga oo tilmaamay madaxwaynaha DDSI  in xukuumada DDSI qorshaha koboca  iyo  isbadalka dhaqaalaha qaybtiisa 2aad  xooga saartay  kobcinta awooda horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta DDSI.

Dhankiisa  wasiirka wasaarada  horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta mudane Dr  Ambachaw Mekonnen oo ka hadlay xafladan casho sharafta ah ayaa aad ugu mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada DDSI sida quruxda badan ee ay u martigalisay shirwaynaha 12aad ee saktarka horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta. Wasiirka ayaa aad u amaanay guulaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka gaadhay dhinaca horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta.

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar gudoon siiyay hadiyado ka tirjimaya dhaqanka dawlada deegaanka soomalida itoobiya masuuliyiinta ka soo qaybgashay shirkan oo uu ugu horeeyay wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI  mudane Dr  Ambachaw mekonnen


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>