Jigjiga(cakaaranews)Talaado 15ka November 2016. Wafti kasocday federationka ciyaaraha JDFI islamarkaana uu waheliyo wasiir kuxigeenka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI ayaa kormeer indho-indhayn ah kusoomaray garoonka casriga ah ee dhismihiisu kasocdo xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga.
Hadaba, wafigan kasocday JDFI ee indho indhaynta u yimid deegaanka ayaa sheegay in si quruxbadan oo kudayasho mudan loo wado dhismaha garoonka ciyaaraha. Waxayna tilmaameen inuu meel gabo gabo ah marayo iyagoo carabka kudhuftay in garoonkani uu yahay mid lagu qaban karo tartanka ciyaaraha kubada cagta ee deegaamada dalka.
Dhanka kale wasiir kuxigeenka Xafiiska Dhalinyarta iyo Ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan ayaa sheegay in garoonkani yahay mid wax wayn katari doona dhanka ciyaraaha kaladuwan ee dhalinyarada islamarkaana lagu qaban doono tartanada ciyaaraha ee gobolada iyo deegaankaba.
Ugudanbayna wuxuu tilmaamay in garoomo isaga lamid ah laga hirgalin doono gobolada deegaanka.