Jigjiga(cakaaranews) Isniin 5ta, December 2016. Shir lagu qiimaynayo kooxaha caafimaadka wareega ee loogu talagalay bulshada reerguuraaga ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan kooxaha Mobile Health ayaa si heer sare ah uga qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga.
Hadaba, qiimayntan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay agaasimaha waaxda Emergencyga ee xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Cali Cabdi Saalax oo sheegay in qiimayntani tahay qiimayntii 23aad ee looqabto kooxaha caafimaadka wareega islamarkaana ay tahay qiimaynta waxqabadka lixdii bilood ee lasooodhaafay. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in kooxahan caafimaadka wareega ee looyaqaano (Mobile Health teams) loogu talagalay bulshada reer guuraaga ah ee adeega caafimaadku ka fog yahay Wuxuuna xusay in qiimayntani ahyd mid aad u fiican islamarkaana ay lagama maarmaantahay in lasoaxo galdalooladii yaryaraa ee ka jiaray dhanka adeeg bixinta kooxaha.
Dhankooda kasooqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin qiimaynatan islamarkaana ay saxayaan galdalooladii lasoo darsay lixdii bilood ee lasoodhaafay. Iyagoo tilmaamay in qiimayntu tahay shaqo sii adkaynta iyo kamidho dhalinta qorshayaasha u yaala Mobile Health Team ee Xafiiska Caafimaadka DDSI.