Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 22ka, November, 2016. Waxaa magaalada jigjiga si balaadhan looga xusay munaasabada xuska maalinta adeega faradhaqashada iyo musqulaha aduunka oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya xafiska waxbarashada DDSI iyo haay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI
Image may be NSFW.
Clik here to view.Munaasabadan oo ka dhacday madasha shirarka ee xafiiska arimaha haweenka DDSI ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad, masuuliyiin ka socday hay’ada UNICEF iyo arday laga soo kala xulay dugsiyada waxbarashada maamulka magaalada jigjiga.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Waxaana ugu horayntii furitaankii munaasabada xuska ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil cali oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada iyo musqulaha. Isaga oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI xooga saaray kor u qaadida adeega caafimaadka iyada oo ahmiyada la saaray kor u qaadida dhinaca nadaafada, iyo sidii looga hortagi lahaa cudurada loona xakamayn lahaa. Wasiirka ayaa tilmaamay in iyada oo laga duulayo taam yeelida adeegyada caafimaada in la hirgalinayo sidii ay dhamaan bulshada deegaanka qoys waliba u helo musqul/suuli u gaar ah.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Dhankiisa waxaa munaasabadan ka hadlay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab) oo tilmaamay ahmiyada ay leedahay xuska maalinta faraxalka aduunka oo caalamka, dalka iyo deegaankaba si meeqaam sare ah looga xusayo maanta. Wuxuuna sheegay ahmiyada ay leedahay nadaafadu, isaga oo tilmaamay in marka la hello bulsho caafimaad qabta la heli karo bulsho waxbarata, bulsho wax soo saarleh sidaasi darteedna uu caafimaadka lafdhabar u yahay bulsho kasta
Image may be NSFW.
Clik here to view.Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida, ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo warbaahinta deegaanka la hadlayay ayaa ka si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay fayo dhawrka caafimaadka iyo maalinta adeega faraxalka iyo musqulaha aduunka . wuxuna sheegay masuulku in ujeedada laga leeyahay xuska maalintani tahay sidii kor loogu qaadilahaa fahanka bulshada ee ku salaysan ahmiyada ay leedahay adeegsiga faradhaqashada iyo musqulaha kuna booriyay bulshada deegaanka in ay siwayn ugu baraarugsanaadaan ahmiyada ay leedahay istimaalka faradhaqashada iyo isticmaalka musqusha si looga hortaga cudurada ka dhalan kara fayo dhawr la’aanta.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Munaasabadan xuska maalinta adeega faradhaqashada iyo muqulaha aduunka ayaa intii ay socoday waxaa lagu soo bandhigay tartan u dhexeeyay ardayda ka socotay isguulada maamulka magaalada jigjiga, kaasi oo ay ku soo bandhigayay ciyaaro dhaqameedka, riwaayada, iyo gabayo ka turjimayay ahmiyada ay leedahay maalinta faraxalka aduunku.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Gabagabadii munaasabadaasi ayaa waxaa masuuliyiintii ka soo qaybgashay xuska oo ay ugu horeeyaan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI iyo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI ay si wada jir ugu faraxasheen goob loo diyaaray in lagu muujiyo maalinta adeega faradhaqashada iyo musqulaha aduunka.