Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

MW CMC Oo U Amba Baxay Gobalka Erer

$
0
0

Waangey (Cakaaranews ) Axad 23ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya  wafti balaadhan ayaa saaka xarunta deegaanka uga amba baxay dhinaca gobolka erer, Isagoo sii mari doona degmooyin kamid ah gobalka faafan .

Hadaba ujeedada socdaalkan madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa ah mid xadhiga lagaga soo jarayo buundada wayn ee sida casriga ah loo dhisay ee waangey , Oo ah mid ay taariikhdu xusi doonto islmarkaana isku xidhaysa dhul aad ukala fog oo hada ka hor loogasoo wareegi jiray masaafo dheer oo kabadan 6000 km oo GO and Back ah iyadoo marka laga eego dhinaca tooska ah uu fogaanta dhulkaa intaa la eg isujirto 6o km balse ay caqabadu ahayd buunda la aanta wabiga shabeele oo baah sanayd islamarkaana caqabadini ay kala  go’doomisay degmooyinka iyo gobalo aynan fogaan badan u dhexaynin.

Waxaana xusud mudan in shacabka kunool degmooyinka Lagahida, Salaxaad, Xamaro, Qubi, Gobalka Liibaan iyo gobalaka Afdheerba, ay caqabado badan oo waliba dhimasho leh ka haystay buunda la aanta  dhanka wabiga shabeele, balse ay xukuumadu dadaal dheer ugashay islamarkaana maal muruq iyo miskaxba galisay sidey isgu xidhi lahayd bulshada labada dhinac kadibna ku guulaysatay inay u samayso buundo kumeel gaadh ah oo intii si cilmiyaysan  looga  qaaday faafan la geeyay waangeey iyadoo inta wabigii la laleexiyay meel cidla ah lagu rakibay buundada . Kadibna inta hoos loo qoday meeshii buundada lagu rakibay lagusoo leexiyay wabigii maadaama uu dheerarka  buundadu ka gaabnaa baaxada wabiga islamarkaana ay si kumeel gaadh ah ay xal ugu noqotay isugudubka gaadiidka iyo bulshada mudo dhowr sano ah.

Sikasataba ha ahaatee xukuumada DDSI ayaa si xal waara looga gaadho  dhibaatada ka haysatay bulshada dhinaca isu gudubka buundada  ayaa waxay  xukuumadu kubixisay boqolaal milyan oo birr dhismaha buundadan. Iyagoo u adkaystay kuna dhabar adaygay caqabad kasta oo ku yimaaday mudada ay wadeen dhismaha buundada eegayayna danta guud ee shacabka.

Iskusoo wada duuboo buunadada waangey ee sida casriga ah loo dhisay ayaa ah taariikhda abid buundo dhisma heedu ka yaabisay shacab waynaha deegaanka, Dalka iyo Dunidaba oo aysan jirin cid aaminsanayd in waligeed buundo laga gudbo aan halkaas laga hirgalin Karin. Balse ay xukuumada DDSI oo ah mid uu qorshaheedu ku salaysan fulinta iyo ka jawaabida baahida shacabka ay noqotay mid xal waara ka gaadhay dhibaatadii bulshdaas haysatay isla markaana furtay record cusub oo taariikhda dunida baal dahab ah ka galay oo aan marnaba la ilaawi doonin.

Faafaahinta xadhig ka jarka buundadaas kalasoco shabakada wararka ee www.cakaaranews.com . 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles