Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Shaqaalaha iyo Macalimiinta Kuliyada Jigjiga Polytechnic Oo Yeeshay Kulan Wadatashi Ah

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)sabti 22ka, October 2016. Kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee jigjiga polytechnic ayaa yeeshay kulan wadatshi ah oo ku aadan sii dardargalinta iyo kamidho dhalinta  qorshayaasha u yaala sanadkan 2009 T.I  

Hadaba, Maareeye kuxigeenka kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee jigjiga mudane xuseen maxamed ayaa sheegay in kulankani yahay kulan wada tashi ah oo lagu sii adkaynayo dhinacyada tababarada si looga midho dhaliyo qorshaha u yaala kuliyada islamrkaana loo soo saaro dhaliyar tayo leh oo kutababartay xirfadaha kaladuwan ee ay kuliyadu bixiso door wayna kaqaata koboca dhaqaalaha dalka. Wuxuuna intaa kudaray in geedisocodkasta lagula xisaabtami hawlihiisa shaqo.

Sidookale, Gadhwadeenka G/S tababarada natiijada kusalaysan mudane Maxamed Axmed Cabdulaahi oo isna kahadlay kulankan ayaa sheegay in macalimiint ay soo diyaarsadaan jadwalkooda ku aadan casharada sanadkan 2009.T.I  Wuxuuna tilmaamay in tababarada xirfaduhu ay yihiin dhiig joojinta dagdaga ah ee lagaga baxayo saboolnimada.

Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah agaasimayaasha kuliyada iyo waliba macalimiinta oo sheegay in sanadkan ay sii dardargalinayaan hawlaha shaqo ee uqorshaysan islamarkaana ay kamidho dhaliyaan si loo suura galiyo hadafka iyo himilooyinka uyaala kuliyada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 123141

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>