Dhagaxbuur(cakaaranews),Talaado, 18ka October, 2016. Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur.
Kulankaas oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan mm dhagaxbuur ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin hogaan ku xigeenka nabadgalayda, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.
Waxaana kulankaasi ka hadlay hogaan kuxigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak oo sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha horumarineed nabadgalyo iyo maamul wanaaga u dajisan xukuumada DDSI. wuxuuna u sheegay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay yihiin mulkiila yaasha hawlaha horumarka iyo nabadgalyada, hirgaliyayaasha iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. Wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay sii xoojiyaan hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Waxaa kale oo ka hadlay kulankaa gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xasan suufi kuwaasi oo ka warbixiyay guulaha ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ka soo hooyeen qorshayaasha horumarka ee u dajisanaa loona baahan yahay in la sii xoojiyo si loo loo tir tiro saboolnimada looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed.
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo nabadgalyada.