Jijiga(CakaaraNews) Arbaca, 24ka February, 2016, Waxaa maalintii shanaad ka socda madasha shirarka kulanwaynihii wada tashiga shacabwaynaha iyo xukuumada DDSI ee lagaga tashanayay sii xoojinta hawlaha horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo la dagaalanka argagixisada.
Kulan waynahan oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa maanta ka soo qaybgalay kulanwaynahan Taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya General Abraham Wolde Mariam.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka warbixiyay tabihii lagu hantay nabadgalaayda horumarka iyo maamulka saxarka tiran ee ka hirgalay DDSI iyo jihooyinka lagu hiigsanayo gaadhida horumar waara oo aan soo noqod lahayn. wuxuuna madaxwaynuhu ka warbixiyya taageerada horumarineed nabadgalyo ee ay dawlada fadaraalku markasta la garab tagan tahay DDSI.
taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya General Abraham Wolde Mariam ayaa khudad dheer ka soo jeeiyay kulan waynahan wuxuuna sheegay in ujeedada uu ugala soo qaybgalay sidii uu qaybahan kala duwan ee bulshada ula wadaagilahaa tabaha iyo waayo aragnimada lagu xakameeyo argagixisada maamaamo oo kulan waynahan lagaga hadlayo sidii looga hortagi lahaa loolana dagaalami lahaa argagixisada.
Wuxuuna sheegay gereralku in Nabadgalyadan iyo horumarkan quruxda badan ee maanta ka muuqda DDSI loo soo maray dhibaatooyin badan iyo isla halgan adag isaga oo sheegay in markii ay xukuumada DDSI, shacabwayanaha DDSI iyo ciidanka booliska gaarka ah DDSI ay siwada jir ah salka ugu dhigeen xasilinta nabadgalayda deegaanka ay taasi tahay tan suurta galisay in la helo hawlihii kale oo horumarka loona baahan yahay in la sii joogteeyo si wada jir ahna layskaga ilaaliyo wax kasta oo ha kad galin kara hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamul wanaaga . Generalka ayaa tilmaamay in DDSI nabadgalyada ay sugtay tahay guul u soo hoyatay guud ahaanba dalka itoobiya.
Generalka oo hadalkiisa sii wada ayaa carabka ku adkeeyay in maanta DDSI isku filnaansho dhinac kasta leh gaadhay isalmarkaana uu deegaanada kale ee dalka caawinayo isaga oo tusaale u soo qaatay deeqdii caawimada ahayd ee ay xukuumada DDSI gaadhsiiya deegaanka canfarta ee ay abaartu saamaysay taasina ay tusaale ku dayasha mudan u tahay dhamaanba deegaanada dalkeena itoobiya.
Kulan waynahan oo wali ka sii socda madasha shirarka ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ka soo baxaan go’aano gashi horumarineed u noqda guud ahaanba DDSI haka dheeraan ee isha ku hayn afaafka hore ee shabakada wararka cakaaranews.