Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Shir Loo Qabtay Shaqaalaha MM Jigjiga

$
0
0


Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 3da December 2016. Kulan ay kasoo qaybgaleen masuuliinta MM jigjiga oo uu ugu horeeyo maayorka mm jigjiga mudane Axmed maxamed, Madaxa arimaha xisbiga mm jigjiga mudane cabdulaahi maxamed , maareeyaha, mm jigjiga mudane fadxi shugri, Shaqaalaha mm jigjiga,iyo waliba teamka dabagalka iyo taakulaynta xafiiska maamulka DDSI ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.


Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maayorka mm jigjiga mudane Axmed muxumed oo sheegay in ujeedada kulankan yahay sidii loosii dardargalin lahaa shaqooyinka kala duwan ee mm jigjiga iyo waliba in qof walba lagula xisaabtimi doona halka uu shaqada uu hayo kaga aadan yahay islamarkaana qofwalba lagu abaalmarin doona sida ay shaqadiisa noqoto. Wuxuuna masuulku intaa ku daray in shaqaalaha mm jigjiga loo bahanyahay inay si hagar la aan ah ay bulshada adeeg usiiyaan.

Dhanka kale waxaa iyana fikirkooda ka hadlay qaar kamid ah shaqaalaha mm jigjiga oo sheegay inay sidii loogu talagalay ay bulshada ugu adeegi doonaan islamarkaana halkaa kasii wadi doonaan dadaalka shaqo ay bulshada adeega kusiinayaan.

 

 


Raysil-wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Goday Ka Soo Dagay.

$
0
0

Goday,(cakaaranews),sabti, 3da December, 2016. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Raysil-wasaare ku xigeenka JDFI mudane Demaqe Mukonnon oo ay  ku wehilinayaan wasiirka arimaha fadaraalka iyo xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase  Tegle Burhaan, Maareeyaha guud  kuliyada tababarada  hogaaminta sare  ee Males mudane Adisu Lagase iyo masuuliyiin ka socday dawlad deegaanada dalka  ayaa galabta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday.

Waxana,si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid isaaq, masuuliyiin heer deegaan ah , masuuliyiinta maamulka gobolka shabeele, maamulka magaalada goday, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada goday, dhankooda  kooxaha fanka iyo suugaanta ee  maamulka magaalad goday ay ku soo dhaweeyeen waftigan, ciyaaraha dhaqanka  DDSI.

Soo dhawayn ka dib, waxay waftigan si wada jir ah u booqdeen iskaashatooyinka beeralayda ah ee ku hawlan wax soo saarka dalaga kala duwan, beerahaasi la booqday ayaa laga hirgaliyay  tuulada  kunka oo ka tirsan degmada goday  taasi oo ay waftigani u kuurgaleen geedi socodka wax soo saarka iskaashatooyinkan iyaga oo  warbixinana ka dhagaystay  xubnaha beeralayda ah.

Waxayna waftigan xili danbe oo habeen ah ka soo baxeen magaalada goday iyaga oo caawa 8:00 fiidnimo soo galay magaaladda qabridahar wakhti xaadirkana ku sugan magaalada qabridhar.

Socdaalka waftigan kala soco wararkayaga danbe

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiiis

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 4ta December 2016. Waxay dhamaan wakaalada warbaahinta DDSI ogaysiinaysaa bulshada qaybaheeda kaladuwan ee ku nool dalka iyo daafaha caalamka islamarkaana ku xidhan daawashada muuq baahineedka ESTV in saacadihii wararka ee ESTV kabixi jiray lagu soo biiriyay 1:30 duhurnimo. Oo ay si toosa wakaaladu u bilabayso maalinka isniinta ah.

Hadaba, waxaa dhamaan bulshada danaysa daawashada muuq baahineedka  ESTV loogu bishaaraynayaa in 7:30 ama 1:30 duhurnimo  maalinka isniinta ah ee taariikhdu tahay 5-12-2016 G.C taariikhda dalkeenuna tahay 25-3-2009 T.I ay ka daawadaan wararka deegaanka, dalka iyo caalamka. Iyadoo laga bilaabo maalinkaasna uu saacad wareedkaasi joogto noqon doono maalin kasta.

    

Wakaalada Warbaahinta DDSI

Waftigii Isku Dhafka Ahaa Oo Booqday Mashaariico Horumarineed.

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews), Axad, 4ta, December, 2016. waftigii isku dhafka ahaa ee uu hogaaminayay Raysil-wasaare ku xigeenka JDFI mudane Demaqe Mukonnon Xuseen  oo ay horkacayaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta booqday mashaariico horumarineed oo waawayn.

Waxaana ka mid ahaa mashaariicaha ay booqdeen maanta waftigani mashruuca waraabka wax- soo saarka beeraha ee laga hirgaliyay tuulada  maraacaato  oo ka tirsan degmada qabridahar,  waxayna waftigani si wada jir ah u soo  indha indheeyeen geedi socodka shaqo ee mashruucan oo ka mid ah mashaariicaha horumarka waara( SDG)  ee laga hirgalinaya DDSI.

Waftigan  ayaa markii ay soo dhamaysteen booqashada mashuucan maraacaato waxay dib ugu soo noqdeen magaalada qabridahar. Waxana halkaasi ka bilaabeen booqashada mashaariicaha laga hirgaliyay magaalada qabridahar iyaga oo ugu horayntii booqday kuliyada tababarada macalimiinta ee qabridahar oo ah kuliyada ay hirgaliyay xukuumada DDS,  sidoo kale waxay booqdeen cisbitaalka guud  magaalada qaridahar oo ah cisbitaal lagu hirgaliyay dhismihiisa muddo halsano  ah iyo dugsiga sare ee ee magaalada qabrihadar oo ah mid hadda la dhamays tiray dhismihiisa

Waftigan isku dhafka ah oo u kuurgalayay guud ahaanba mashaariicaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI hirgalisay  sanadihii  ugu danbeeyay ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa meelaha ay booqteen maanta kuliyada tababarka, xirfadaha iyo farsamada qabridahar, kuliyada caafimaadka magaalad qabridahar iyo garoonka  diyaaradaha  magaalada qabridahar kaasi oo ah garoon caalami ah ay xukuumada DDSI ku dhistay awoodeed islamarkaana ah garoonkii ugu horeeyay ee uu dhisto dawlad deegaan ka mid ah deegaanada dalkeena itoobiya.

Gabagabadii booqashadan  ayaa waxaa la hadlay warbaahinta dalka Raysilwasaare ku xigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon Xuseen oo sheegay in ay booqashadan indho indhaynta ah ay  ku soo arkeen  waxqabad mugwayn oo dhinacyo badan leh oo  mudo kooban ay xukuumada DDSI ku hirgalisay.  wuxuuna sheegay in ay mashaariicahan  qayb ka yihiin  qorshayaasha lagu  tir-tirda saboolnimada islamarkaana ay yihiin tiirarka lagaga midho dhalinayo gaadhida horumar waara oo joogtaysan.

 

 

MW CMC Oo Furay Shirkii heer qaran ee Qiimaynta Mashaariicaha Horumarka Waara

$
0
0

Qabridahar,(cakaaranews), Axad, 4ta, December, 2016. Waxaa maanta galinkii danbe si rasmiya uga furmay magaalada qabridahar gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka  qabridahar shirkii  qiimaynta waxqabadkii rubucii 1aad ee mashaariicaha horumarka waara ee afka qalaad loo soo gaabiyo  (SDG) ee deegaanada taageerada gaarka ah ay siiso dawlad faderaalku ee sanad miisaaniyeedka 2009TI.

Shirkan qiimaynta ah ayaa  waxa ka  soo qaybgaleen Raysil wasaare ku xigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon  Xuseen, wasiiro iyo wasiiro ku xigeen ka socday wasaaradaha heer  faderaal, qaarka mid ah madaxwayne yaasha iyo madaxwayne ku xigeenada deegaanada dalka iyo masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,

Waxaana shirkan si rasmiya u furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu  horayntii ku soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo marti sharaftan ka soo qayb-gashay shirkan deegaanka iyo magaalada qabridahar ee martigalisay shirkan qiimaynta ah ee heer qaran madaxwaynaha DDSI ayaa si kooban uga warbixiyay dalaalada ay xukuumada DDSI u gashay hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee waawayn gaar ahaan mashaariicaha horumarka waara ee SDG  iyo waliba tabihii iyo xeeladihii loo adeegsatay hirgalinta qorshayaasi. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in ay xukuumada DDSI sii xoojinayso dalaadala lagaga midho dhalinayo hirgalinta guud ahaanba qorshayaasha horumarineed

Raysi-wasaare ku xigeenka  JDFI mudane damaqe mukonnon xuseen oo furitaankii shirkan ka hadlay ayaa  ugu horaynii u mahad celiyay hogaaminta xukuumada DDSI  kuna amaanay fulinta  qorshayaasha horumarineed wuxuuna sheegay raysal wasaare ku xigeenku  JDFI in  mashaariicaha horumarineed ee ay booqdeen maanta kuwo muujinaya xaqiijinta awooda fulineed ee hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee  xukuumada DDSI, isaga oo intaasi ku daray in  mashaariicahan  horurineed yihiin kuwo  lagu  tir tirayo saboolnimada islamarkaana lagu gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay isaga oo sheegay in uu shirkan qiimayntu yahay mid diirada lagu saarayo fulinta mashaariicaha horumarka waara ee deegaanada ay taageerada gaarka ah siiso dawlada faderaalku 

Dhankiisa wasiirka wasaarada  arimaha faderaalka iyo horumarinta  xoolo dhaqatada ah JDFI Kase  Tegle Burhaan ayaa sheegay in DDSI ay  ku caanbaxay ka midho dhalinta qorshayaasha ku qotoma hirgalinta mashaariicaha taabo galka ah waxaa kale oo uu tilmaamay in guud ahaanba deegaanku iska badalay xaaladihii uu hadda ka hor soomaray islamarkaana u jahaystay jihooyinka lagu gaadhayo ka mid Noqoshaha  wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

 

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay  dhagaysiga warbixinta  waxqabadka rubucii 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI  ee mashaariicaha horumarka waara ee deegaanada taageerada gaarka ah ay siiso  dawlada faderaalku   

Waftigii Isku Dhafka Ahaa Oo Soo Gaadhay Magaalada Dhagaxbuur

$
0
0

Dhagaxbuur(Cakaaranews) Isniin 5ta December 2016. Waftigii isku dhafkaa ee uu hogaaminayay  Raysil wasaare ku xigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon  Xuseen Iyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markii xalay saqdii dhaxe  soo gabagabeeyeen shirkii  qiimaynta waxqabadkii rubucii 1aad ee mashaariicaha horumarka waara ee afka qalaad loo soo gaabiyo  (SDG) ee deegaanada taageerada gaarka ah ay siiso dawlad faderaalku ee sanad miisaaniyeedka 2009TI, ayaa waxay u soo kicitimeen dhanka magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar

Waxayna waftigan isku dhafka ah intay dhexda soo socdeen soo kormeereen geedi socodka shaqo ee mashaariicaha waawayn  ee laga hirgaliyay  deegaanka gaar  ahaan inta u dhaxaysa qabridahar iyo dhagaxbuur, waxaana ka mid ahaa mashaariicaha ay soo booqteen maanta mashruuca waraabka beeraha ee wijiwaaji, mashruuca waraabka beeraha ee goomaar iyo mashruuca waraabka beeraha ee baka kuwaasi oo dhamaantood ah mashaariicaha horumarka waara ee lagu tirtirayo xandaabka saboolnimada, waxaana waftigan mashruuc kasta oo ay booqdaan laga siinayay sharaxaad dheer oo ah nidaamka shaqo ee mashruucan iyo faa'iidooyinka ay  leeyahay. 

waftigan ayaa waxay intii ayna soo gaadhin xarunta gobolka jarar ee dhagaxbuur  soo booqdeen mashruuca biyo galinta Birqod, Gunagado iyo Danood kaasi oo wajigiisii 1aad la soo gabagabeeyay iyaga oo waftigani ka dhagaystay warbixinta mashruucan masuuliyiinta iyo enjineerada gacanta ku yahay mashruucan. ayaa aad ugu bogay guud ahaanba mashaariicdan ay maanta soo booqdeen waxayna duhurnimadii maanta soo hadhgaleen islamarkaana loogu sameeyay hadhimo sharafeed magaalada dhagaxbuur.

 

Qiimayntii 23aad Ee Kooxaha Caafimaadka Wareega

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Isniin 5ta, December 2016. Shir lagu qiimaynayo kooxaha caafimaadka wareega ee loogu talagalay bulshada reerguuraaga ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan kooxaha Mobile Health ayaa si heer sare ah uga qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga.

Hadaba, qiimayntan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay agaasimaha waaxda Emergencyga ee xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Cali Cabdi Saalax oo sheegay in qiimayntani tahay qiimayntii 23aad ee looqabto kooxaha caafimaadka wareega islamarkaana ay tahay qiimaynta waxqabadka lixdii bilood ee lasooodhaafay. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in kooxahan caafimaadka wareega ee looyaqaano (Mobile Health teams) loogu talagalay bulshada reer guuraaga ah ee adeega caafimaadku ka fog yahay Wuxuuna xusay in qiimayntani ahyd mid aad u fiican islamarkaana ay lagama maarmaantahay in lasoaxo galdalooladii yaryaraa ee ka jiaray dhanka adeeg bixinta kooxaha.

Dhankooda kasooqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin qiimaynatan islamarkaana ay saxayaan galdalooladii lasoo darsay lixdii bilood ee lasoodhaafay. Iyagoo tilmaamay in qiimayntu tahay shaqo sii adkaynta iyo kamidho dhalinta qorshayaasha u yaala Mobile Health Team ee Xafiiska Caafimaadka DDSI.

Tababar Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Shirkadaha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 5ta, December 2016.Tababar uu soo agaasimay wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar ee DDSI islamarkaana looqabtay qaar kamid ah shirkadaha heer deegaan kadhisan iyo waliba shirkadaha cusub, kana soo qaybgaleen xubno tiradoodu kor u dhaafayso 50 xubnood ayaa ka qabsoomay Hoolka tababarada ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Maareeyaha Guud ee Wakaalada Horumarinta Shirkadaha Yaryar mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo sheegay in tababarkani kusaabsanyahay  nidaamka kaydsiga casriga ah iyo waliba maamulka iyo maaraynta ganacsiga shirkadaha. Wuxuuna intaa kudaray maareeyuhu in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee xubnaha kasocda shirkadaha. Isagoo tilmaamay in tababarkani qayb kayahay dadaalada loogu jiro tirtirida saboolnimada islamarkaana deegaanku ku higsanayo sidii bulshada deegaanku saboolnimada uga bixi lahayd loogana mid noqon lahaa wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay.

Wuxuuna maareeyuhu kuladardaarmay kaqaybgalayaasha in inta uu tababarku socda sifiican looga faaiidaysto casharada labixinayo islamarkaana fahan buuxa ay kaqaataan casharada una sii gudbiyaan xubnaha kale ee nasiibka u helin tababarkan inay qaataan.

Ugudanabayna, waxaa iyana dhankoodaqar kamid ah xubnihii kasooqaybgalay tababarka oo sheegay in ay aad ugufaraxsanyihiin in looqabto tababar noocan ah oo aqoontooda kor loogu qaadayo. Iyagoo u mahadceliyay wakaalada Horumarinta shirkadaha yarayar dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay lagarabtaagantahay kobcinta iyo horumarinta shirkadaha.


Raysil Wasaare Ku Xigeenka Iyo MW CMC Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 5ta December 2016. Waftigii balaadhnaa ee ay hogaaminayeen raysilwasaae ku xigeenka JDFI mudane Damaqe mukonnon xuseen iyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud Cumar ayaa galabta soo galay caasimda DDSI ee jigjiga, Waftigan oo tan iyo intii ay saaka ka soo baxeen xarunta gobolka qoraxay ee magaalada qabridahar kormeer indho indhayn ah oo ay ay si mug leh ugu kuurgalayeen mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka gaar ahaan mashaariicaha waawayn ee horumarka waara.

Sidaad wararkanagii hore kula socoteen waxay waftigani maanta duhurkii hadhgaleen caasimada gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur Waxayn  galinkii danbe u soo kicitimeen dhanka caasimada deegaanka jigjiga iyaga oo soo maray mashaariico horumarineed oo waawayn islamarkaana markii ay dhagaxbuur kasoo baxeen soo booqday mashruuca laydhgalinta magaalada dhagaxbuur kaasi oo looga faa’iidayndoono dhamaan degmooyinka hoosyimaada gobolka jarar.

 sido kale waxay waftigu booqdeen mashruuca biyo galinta galiile, sandhoore, cobole, higlalay iyo geedi-aar ,mashruucaasi oo dherarkiisu yahay 59KM, Waxayna iyagoo kormeerkoodii indha indhaynta ahaa sii wada booqdeen Mashruuca biyo galinta qabribayax iyo hartasheekha oo dhawaan xadhiga uu ka jiray madaxwaynaha DDSI, Waxaa kale oo ay booqteen macjarka naaxinta, gowraca iyo dhoofinta xoolaha DDSI oo dhismihiisa hadda la soo gagababeeyay islamarkaana wakhti xaadirkan bilaabaya shaqadii loogu talagalay.

ugu danbayna waxay waftigu booqdeen mashruuca dhismaha guryaha xaafada dulqabow ee magaalada jigjiga iyo dhismaha xarunta madaxtooyada cusub ee DDSI gaar ahaan hoolkashirar sida casriga loo dhisay ee Kaali, Sikastaba ha ahaatee waftiga ayaa intii ay kormeerka ku jireen si qota dheer ugu fiirsanayay mashriicaha waawayn ee xukuumadu kawado deegaanka iyagoo injineerada iyo howlwadeenada mashaariicaha ka xog qaadanayay, Waxayna waftigamadaxwaynuhu wakhti xaadirkan ku suganyihiin xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

 

 

Qiimayntii Mashaariicaha SDGga Heer Qaran Oo Wali Sii Socota.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 6da December 2016. Shirkan qiimaynta mashaariicaha horumarka waare ee afka qalaad loo yaqaano sustainable development goals (SDG) ee heer qaran ee sanad miisaaniyeedka 2009TI oo qaybtiisii hore shirkan qiimaynta ah lagu qabtay magaalada qabridahar ayaa maanta ka sii socda xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba shirkan oo ay hogaaminayaan  Raysil-wasaare kuxigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon Xuseen, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka arimaha faderaalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase Tekle Burhaan, waxaana maanta la dhagaystay soo bandhiga warbixinta waxqabadka mashaariicaha SDG,ga ee deegaanada canfarta, bunishaangulka, ganbele iyo deegaanka oromada taasi oo diirada lagu saarayay fulinta iyo hirgalinta mashaariicihii qorshaysnaa iyo waliba sida uu deegaan walba u hirgaliyay.

Waxaana shirkan qiimaynta  aad loogu amaanay guulaha waawayn ee ay DDSI ka soo hoyisay hirgalinta qorshayaashii mashaariicaha waawayn ee horumarka waara isagoo deegaanku ku caanbaxay wakhtiga gaaban ee uu ku fuliyo mashaariicaha waawayn ee (SDG) waxaa kale oo siwayn looga dooday jihooyinka horumarineed ee lagu soo xoojinlahaa mashaariicaha SDGga iyada oo laga waayo aragnimo qaadanayo qorshihii rubucyadii hore ee la soo dhaafay sikastaba ah ahaatee DDSI ayaa laysla qaatay in ay tahay hormuudka dhinacyada hirgalinta mashaariicaha SDGga.

Kulan Aqoon Iswadaarsi ah Oo Kadhcay Hoolka XAF-Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 6da December 2016. Kulan Aqoon iswaydaarsi ah oo kusaabsan xuska shucuubta iyo qoomiyadaha dalka ee 29ka hidhaar islamarkaana uu soo diyaariyay xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta oo ay kasooqaybgaleen ururada haweenka, dhalinyarada, qaarkamid ah ciidamada qaranka iyo marti sharaf kale ayaa si habsami leh uga furmay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, shirkan aqoon iswaydaarsiga ah ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii kahadlay wasiir kuxigeenka arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI mudane Cabdifataax Axmed Gamadiid oo sheegay in shirkan ujeediisu tahay aqoon iswadaarsi kusaabsan maalinka qaaliga ah ee 29ka hidhaar oo ah maalinkii lasameeyay tastuurka dalka ee simay dhamaan xaquuqihii qoomiyadaha iyo shucuubaha dalka. Wuxuuna intaa kudaray wasiir-kuxigeenku in xuska 29ka Hidhaar ay tahay maalin wayn oo hal-mid kadhigtay 83 qoomiyadood ee JDFI iyagoo kala diin ah kala dhaqan ah oo kala af ah.  

Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in xuskani uu yahay xuskii 11aad islamarkaana lagu xusayo deegaanka dariska la’ah Deegaankeena ee Hererida (magaalada herer) xuskuna uu dhici doono maalmo yar kadib.

Ugudanbayna, kasooqaybgalayaashii oo dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay in faa’iidooyinka maalinkan aan lasoo koobi Karin islamarkaana ay atahay maalinkii ay dhalatay itoobiyada cusub gacmo furana ay kusoodhawaynayaan.

Shirkii Qiimaynta Mashaariicaha SDG Heer Qaran Oo Soo Gabagaboobey

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 7da December 2016. Shirkii qiimaynta mashaariicaha horumarka waare ee afka qalaad loo yaqaano sustainable development goals (SDG) ee heer qaran ee sanad miisaaniyeedka 2009TI oo soo gabagaboobay islamarkaana casho sharaf loogu sameeyay xarunta ee deegaanka ee magaalada jigjiga iyagoo waftigu isku dhafka ee ay hogaaminayaan Raysil-wasaare kuxigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon Xuseen,madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka arimaha faderaalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase Tekle Burhaan. Ay Booqdeen mashriicaha horumarineed ee laga wado xarunta deegaanka gaar ahaan guryaha dhismaha loo dhisayo dadka danyarta ah ee ka socda xarunta kilalkii hore iyo waliba garoonka kubada cagta ee caalimaga ah kasoo si casri ah loo dhisay roogiina la dhigay.

Hadaba raysil-wasaare kuxigeenka JDFI mudane Damaqe Mukonnon Xuseen, oo waraysi siiyay warbaahinta dalka iyo ta deegaanka iyaa bogaadiyay horumarka dhan walba ah ee ka hanaqaaday deegaanka, Wuxuuna raysil-wasaaruhu aad u amaanay dhamaan mashaariicaha SDG ga ee uu deegaanku sida quruxda badan u hirgalaiyay,sidoo kalana wuxuu amaanay goroonka caalamiga ah ee kubada cagta isagoo sheegay in rooga garoonkan la dhigay uusan jiran garoon la dhigay oo dalka ah.

Ugu danbayna madaxwayne CMC ayaa waftigii isku dhafka ahaa u sagootiyay dhinaca deegaanka hararida halkaas oo uu ka qabsoomi doono xuska 11aad ee 29 hidhaar ee maalinta qoomiyadaha dalkeena.

MW CMC Oo Galay Harar.

$
0
0

Harar,(cakaaranews)Arbaca, 7da December, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo galabta ka anbabaxay xarunta DDSI ee jigjiga ayaa  u kicitimay magaalada qadiimiga ah ee Harar.

Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo oo galay magaalada harar  ayaa ka qaybgalaya munaasabada xuska 11 aad ee 29ka Hidaar oo maalinta barito ah si meeqaam sare  loogu xusayo caasimada harar ee deegaanka  hararida oo ah magaalo qadiimiya taasi oo  sanadka ku jirtay  diyaar garow dhinaca kasta leh  sidii ay u martigalin lahayd xuska 11 aad ee 29ka hidaar oo ah maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya oo sanadkasta la xuso 29ka hidaar.

Waxaana maalmihii ugu danbeeyay ku soo qul-qulayay magaalada harar martida ka socoda qoomiyadaha iyo shucuubta deegaanada dalka iyada oo ay xuskan ka soo qaybgalayaan masuuliyiinta ugu saraysa JDFI iyo  masuuliyiinta ugu saraysa dawlad deegaanada dalka iyo 2da ismaamul magaalo, madaxwaynayaasha wadamada aan dariska nahay iyo marti sharaf kale oo heer caalam ah.

Madaxwaynaaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa wakhti xaadirkan ku sugan magaalada harar.

MW CMC Oo Kulan La Yeeshay Waxgaradka Fiiq.

$
0
0

Fiiq ( Cakaaranews ) Arbaco 26ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo xalay u hoyday baadiyaha qariira oo katirsan senterka sac la ‘eg ee degmada qubi ayaa saaka ugasoo dhaqaaqay dhanka xarunta gobolka erer ee magaalada fiiq.

Hadaba madaxwayne  Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kulan la yeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada Ku dhaqan magaalada fiiq isagoo madaxwaynuhu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kulankan uu la Yeeshay bulshada kuna baraarujiyay shacabka inay ka fa iidaystaan horumarka ka hana qaaday Deegaanka islamarkaan usheegay inay la dagalamaan fikirka ma shaqaysta nimadka kasoo sabab u ah Cadowgeena kobaad ee saboolnimadka. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in shacabku ka Qaybqaato horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka,Taas oo ay Kaga qaybqaadanyaan inay iyagu wax qabsadaan, Shaqo abuur la yimaadaan dhulka ku foorarsadaan, Taasoo kamid noqonaysa horumarka deegaanka .

Dhanka kale qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer ayaa Balan qaaday inay ka faaiidaysanayaan fursada qaaliga ah ee ay maanta haystaan islamarkaan sheegay Inay diyaar uyihiin inay la dagaalmayaan fikirada cidhiidhyoon ee mashaqaysta nimadka kuwaasoo sabab Ah cadowgeena koobaad ee saboolnimadka

Sikastaba ha ahaatee madaxwayne CMC iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta gobalka erer ee magaalada fiiq..

MW CMC Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco 26ka October, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, Kadib markuu xadhiga kasoo jaray buundada rasmiga ah ee sida casriga ah loo dhisay ee waangey, Iyo Socdaalkii indha indhaynta ahaa ee ay kusoo mareen  qaar kamid ah degmooyinka gobalka erer ee Qubi, Xamaro iyo Fiiq, Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.


Kulan Lagaga Hadlayay Kor u Qaadida Nidaamka Dakhliga Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),arbaca, 26ka October, 2016. Kulan lagaga hadlayay  nidaamka kor u qaadida dakhliga oo ay soo diyaarisay wakaalada dakhliga DDSI loona qabtay  ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

Waxaana kulankaasi ka hadlay maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab) oo k warbixiyay nidaamka lagu xoojinayo kor u qaadida dakhliga guud ahaanba deegaanka. Wuxuuna sheegay maareeyuhu in ganacsatada iyo muwaadin kasta cashuurta ku waajibka ah ee uu bixiyaa tahay mid ka qayb-qaadanaysa hawlaha horumarka gaar ahaa adeegyada aasi aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadk iyo biyaha. wuxuuna maareeyuhu sharax dheerka bixiyay shuruucaha   nidaamka cashuuraha bixinta. Maareeyaha ayaa ku booriyay ganacsatada in ay kaalintooda ka soo baxaan maadaamo oo ay  hawlaha horumarka laf dhabar u tahay bixinta cashuuraha ku waajibka ah muwaadiniinta.

Dhankooda ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay ka soo baxayaan kaalinta kaga aadan dhinaca bixinta cashuuraha waajibka ku ah si ay uga qayb=qaataan sii xoojinta iyo kor u qaadida guud ahaanba dakhliga deegaanka.

 

 

 

Kulan lagu Qiimaynayay Diyaargarawga Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 27ka, October, 2016. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI kulan lagu  Qiimaynta Diyaar garawga  Barnaamijka shabakada damaanad qaadka cuntada magaalooyinka. Urban Productive Safety Net Program (UPSNP).

Kulanka oo uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ah wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudiga isku dhafka oo ka kala socday bangiga aduunka, wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI, wasaarada  shaqada iyo arimaha bulshada JDFI, wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI iyo xafiisyada ay bahwadaagta yihiin.

Waxana, kulankan lagu soo bandhigayay warbixin  daraasaad  ay sameeyeen gudigan isku dhafka ah kaasi oo ku salaysan  heerka fulineed ee diyaar garawga  Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka  (UPSNP) ee magaalada jigjiga.barnaamijkan  uu maalgaliyo bangiga aduunka, ayaa waxaa laga hirgalinayaa  11 magaalo oo dalkeena ah taasi oo ay ka mid tahay magaalada jigjiga. Warbixinta ay soo badhigeen gudigani ayaa waxay ku sheegeen in  Magaalada Jigjiga Buuxisay Dhaman Shuruudahii Looga Baahnaa hirgalinta barmaamijkan.

madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar  oo ka hadlay kulankaasi ayaa  aad u bogaadiyay natiijada  fiican ee ka soo baxday qiimayntii ay gudiga isku dhafku soo saareen  daraasaadkii ay ku sameeyeen magaalada jigjiga. madaxwayne ku xigeenka ayaa si wayn  ugu mahad celiyay Dadaal Is ku xidhan iyo Ka go'nansho ay Sameeyen Hay’adaha bahwadaagta barnaamijkan. waxaa kale oo uu intaasi ku daray madaxwayne ku xigeenku in baraamijkani yahay mid diirada saaraya sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadilahaa  heerka nolosha bulshada ku dhaqan magaalooyinka DDSI.

Jigjiga iyo Warshada Saabuunta Samaysa Oo Xadhiga Laga jaray

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 27ka, October 2016. Warshada saabuunta oo  soo saaraysa 3000 oo litter oo isugu jirta saabuun qabays iyo saabuunta dharka maalinkasta ayaa si rasmi ah ay xadhiga uga jareen wasiir-kuxigeenka xafiiska jidadka yo maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga.

Hadaba, Wasiir kuxigeenka xafiiska jidadka DDSI mudane cabdulaahi maxamuud cabdi oo dareenkiisa kahadlay warshadan saabuunta ee ay xadhiga kajareen ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in munaasabadan xadhig kajarka ah uu kala soo qaybgalo maalgashadayaasha maalgaliyay warshadan saabuunta casriga ah oo ah tii ugu horaysay ee magaalada jigjiga laga sameeyo. Wuxuuna wasiir kuxigeenku xusay in mulkii layaasha warshadu ay yihiin muwaadimiin dhab ah oo deegaankooda jecel.

Sidookale, waxaa isna kahadlay Maareeyaha Maamulka Magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed oo sheegay in uu aad ugu farxaxsanyahay warshada saabuunta ee laga dhisay MM Jigjiga islamarkaana uu mahadcelin balaadhan u soo jeedinayo muwaadimiinta fikirka iyo maalingalintaba latimid. Wuxuun intaa kudaray maareeyuhu in kamaamul magaalo ahaan dhinacooda ay soo dhawaynayaan islamarkaana ay garbtaaganyihiin muwaadimiintan samaysay warshada saabuunta. Wuxuuna xusay n warshadani magaalada ay ku soo kordhin doonto faa iido badan. Wuxuuna hantiilayaasha deegaanka ugu baaqay dal iyo dibad in ay maal gashadaan deegankooda maadaama oo xukuumada DDSI iyo shacabkeeduba lagarab taaganyihiin soo dhawayn balaadhan iyo taageero labadaba.

Dhanka kale, waxaa isna kahadlay xubin kamid ah mulkiilayaasha warshada samaysay oo sheegay in daraasaad kadib ay ogaadeen baahida loo qabo warshad saabuun maadaama oo ay saabuuntu inteeda badan deegaanka uga iman jirtay dalka dibadiisa. Kadib ay go’aansadeen inay iyagu sameeyaan warshad saabuun hadana ay ku guulaysteen.

Wuxuuna tilmaamay in warshadu ay maalinkiiba soo saarikarto 3000 oo liter oo saabuun ah oo isugu jirta saabuunta qabayska iyo ta dharka labadaba. Waxaana rajaynaynaa in ay warshadu xaruma kuyeelan doonta gobolada deegaanka,

Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in samaynta iyo maalgashiga warshadaha ay deegaanka kusii badanayaan 2 sano ee u danbaysay iyadoo ay ahayd bilo kahor markii xadhiga lagajarayay warshada hilibka, warshada saliid macsarta, warshada caanaha geela iyo waliba warshada furaashyada oo intaba ay maalgashadeen muwaadimiin deegaanka u dhashay.

Maareeyaha Wakaalada Diwaaangalinta Marxaladaha Muhiimka ah Oo Ka Warbixisay Shaqooyinka Wakaalda

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)khamiis 27ka October 2016. Wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah oo ah wakaalad dhawaan laga aas aasay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya islamarkaana u taagan shaqooyin muhiim ah ayaa maareeyaha wakaalada marwo Aamina Ibraahim ismaaciil ay ka warbixisay waxqabadka wakaalada.

Hadaba, Maareeyaha wakaalada diwaaangalinta marxaladaha muhiimka ah marwo Aamina Ibraahim Ismaaciil oo uwarantay warbaahinta deegaanka ayaa sheegtay in wakaaladu ay dadaal balaadhan ugu jirto sidii bulshada deeganka soomaalida itoobiya uga faaiidaysanlahayd shaqooyinka loo idmay wakaalada. Waxayna intaa kudartay marwadu in diwaagalinta marxaladaha muhiimka ahi ay yihiin qaybo kaladuwan oo isugu jira diwaangalinta dhimashada, guurka, dhalashada iyo waliba diwaangalinya kalataga ama furitaanka xaasaska isqaba iyadoo dhamaan qoysaska ay lasoodarsaan xaaladahaasi la siinayo aqoonsiyadii cadynayay.

Waxayna marwadu tilmaantay In wakaaladu ay wacyi galin kaladuwan kasamaysay heer deegaan iyo waliba gobolada dhagaxbuur, Qabridahar iyo qaybo kamid ah Gobolka Siti.

Ugudanbayna mareeyaha ayaa xustay in sanadkan 2009 ay u qorshaysantahay in wacyigalin balaadhan lagu sameeyo bulshada islamarkaana shaqooyin badan laga qabto dhanka diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah.

Tababar Loo Qaybtay Shaqaalihii Cusbaa Ee Qaybta Taageerada Habnololeedka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Jumce 28ka October 2016. Tababar si heer sare loosoo agaasimay oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  waaxdiisa damaanad qaadka cuntada islamarkaana loo hayay shaqaalaha cusub ee waaxda shabakada badbaadada waxsoo saarka qaybtiisa taageerada habnololeedka qoyska cuntayaraanta joogtada ah ee waxqabadka 4aad ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Agaasinka waaxda damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI  mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in tababarka yahay  tababar lasiinayo shaqaalaha cusub ee qaybta taageerada hab nololeedka qoyska cuna yaraanta joogtada ah  ee waxqabadka 4aad, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in shaqaalaha tababarka qaadanaya ay ka faaiidaystaan tababarka ilaaliyaana saacada mudada uu tababarku socdo maadaba tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana yahay nidaamka ay ku shaqayn doonaan.

Dhanka kale waxaa isana qaybtiisa ka hadlay isku xidha waaxda shabakada badbaadada waxsoosaarka  mudane axmednuur Cabdi oo sheegay inuu tababarku socondoona mudo 4 cisho ah islamarkaana shaqaalahan cusub lasiinayo nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen si iyagoo fahan buuxa ka haysta waxa ay qabanayaan u bilaabaan shaqadooda , Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay isku xidhaha qaybta taageerada habnololeedka qoyska cunta yaraanta joogtada ah ( Lively hood component) mudane Badri Maxamuud Liibaan oo sheegay inay shaqaalahan ka howlgali doonaan 14 degmo taasoo si tijaabo ah uga sii shaqayn doona 14kaas degmo islamarkaana sanada danbe lagusoo biirin doona 14 degmo oo kale taas oo noqon doonta inay ka hawlgalaan 28 degmo oo deegaanka ah.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live