Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 24ka, October, 2016. Waxaa maanta lagu qabtay huteelka GREAN ee magaalada jigjiga xaflad balaadhan oo ay ku qalin jabiyeen Ardaydii baratay Habka qurxinta haweenka Casriga Ah (Beauty Salon) Iyo Cunto Karinta Casriga Ah.
Xafladan qalin jabinta oo ahayd mid si meeqaam sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane cabdirisaaq xasane cilmiga iyo masuuliyiin kale.
Waxaana xaflada qalin jabinta ugu horaynii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in xukuumada DDSI dadaalo balaadhan ugu sidii loo jirto tir tirida sabaalinimada taasina sal looga dhigay in la xoojiya xirfadaha iyo farsamada kala duwan taasi oo abuuraysa ilaha shaqada madaxwayne ku xigeenka ayaa tilmaantay in xukuumada DDSI fiiro gaar ah siisay kobcinta awooda xirfadeed ee dhinaca haweenka si ay u maareeyaan noloshooda iyo ta qoyskooda. Waxayna ku boorisay gabdhahan bartay xirfadaha oo dhamaantood ahaa haween in ay ka faa’iidaystaan cimigaasi ay xukuumada DDSI uga faa’iidaysay.
Waxaa kale oo ka hadlay xafladan qalin jabinta madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar isaga oo sheegay in siyaasadaha kala duwan ee horumarineed ee ay xukuumada DDSI dajisay tahay kuwo istaageeray. wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeyayna ay magaalooyinka DDSI ahaayeen kuwo si xawliya u koraya taasi oo xirfadaha kala duwan ee cunto karinta iyo qurxinta dumarkuna tahay kuwo siwayn looga baahan yahay magaalooyinka deegaanka. Wuxuuna ku booriyay madaxwayne ku xigeenku in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira magaalooyinka deeegaanka.