Quantcast
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Kulan La Yeeshay Waxgaradka Fiiq.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Fiiq ( Cakaaranews ) Arbaco 26ka October 2016.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo xalay u hoyday baadiyaha qariira oo katirsan senterka sac la ‘eg ee degmada qubi ayaa saaka ugasoo dhaqaaqay dhanka xarunta gobolka erer ee magaalada fiiq.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba madaxwayne  Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kulan la yeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada Ku dhaqan magaalada fiiq isagoo madaxwaynuhu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kulankan uu la Yeeshay bulshada kuna baraarujiyay shacabka inay ka fa iidaystaan horumarka ka hana qaaday Deegaanka islamarkaan usheegay inay la dagalamaan fikirka ma shaqaysta nimadka kasoo sabab u ah Cadowgeena kobaad ee saboolnimadka. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in shacabku ka Qaybqaato horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka,Taas oo ay Kaga qaybqaadanyaan inay iyagu wax qabsadaan, Shaqo abuur la yimaadaan dhulka ku foorarsadaan, Taasoo kamid noqonaysa horumarka deegaanka .

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhanka kale qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer ayaa Balan qaaday inay ka faaiidaysanayaan fursada qaaliga ah ee ay maanta haystaan islamarkaan sheegay Inay diyaar uyihiin inay la dagaalmayaan fikirada cidhiidhyoon ee mashaqaysta nimadka kuwaasoo sabab Ah cadowgeena koobaad ee saboolnimadka

Sikastaba ha ahaatee madaxwayne CMC iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta gobalka erer ee magaalada fiiq..


MW CMC Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco 26ka October, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, Kadib markuu xadhiga kasoo jaray buundada rasmiga ah ee sida casriga ah loo dhisay ee waangey, Iyo Socdaalkii indha indhaynta ahaa ee ay kusoo mareen  qaar kamid ah degmooyinka gobalka erer ee Qubi, Xamaro iyo Fiiq, Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kulan Lagaga Hadlayay Kor u Qaadida Nidaamka Dakhliga Oo Ka Dhacay Jigjiga.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews),arbaca, 26ka October, 2016. Kulan lagaga hadlayay  nidaamka kor u qaadida dakhliga oo ay soo diyaarisay wakaalada dakhliga DDSI loona qabtay  ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Waxaana kulankaasi ka hadlay maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab) oo k warbixiyay nidaamka lagu xoojinayo kor u qaadida dakhliga guud ahaanba deegaanka. Wuxuuna sheegay maareeyuhu in ganacsatada iyo muwaadin kasta cashuurta ku waajibka ah ee uu bixiyaa tahay mid ka qayb-qaadanaysa hawlaha horumarka gaar ahaa adeegyada aasi aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadk iyo biyaha. wuxuuna maareeyuhu sharax dheerka bixiyay shuruucaha   nidaamka cashuuraha bixinta. Maareeyaha ayaa ku booriyay ganacsatada in ay kaalintooda ka soo baxaan maadaamo oo ay  hawlaha horumarka laf dhabar u tahay bixinta cashuuraha ku waajibka ah muwaadiniinta.

Dhankooda ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay ka soo baxayaan kaalinta kaga aadan dhinaca bixinta cashuuraha waajibka ku ah si ay uga qayb=qaataan sii xoojinta iyo kor u qaadida guud ahaanba dakhliga deegaanka.

 

 

 

Kulan lagu Qiimaynayay Diyaargarawga Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka Oo Ka Dhacay Jigjiga.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 27ka, October, 2016. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI kulan lagu  Qiimaynta Diyaar garawga  Barnaamijka shabakada damaanad qaadka cuntada magaalooyinka. Urban Productive Safety Net Program (UPSNP).

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Kulanka oo uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ah wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudiga isku dhafka oo ka kala socday bangiga aduunka, wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI, wasaarada  shaqada iyo arimaha bulshada JDFI, wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI iyo xafiisyada ay bahwadaagta yihiin.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Waxana, kulankan lagu soo bandhigayay warbixin  daraasaad  ay sameeyeen gudigan isku dhafka ah kaasi oo ku salaysan  heerka fulineed ee diyaar garawga  Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka  (UPSNP) ee magaalada jigjiga.barnaamijkan  uu maalgaliyo bangiga aduunka, ayaa waxaa laga hirgalinayaa  11 magaalo oo dalkeena ah taasi oo ay ka mid tahay magaalada jigjiga. Warbixinta ay soo badhigeen gudigani ayaa waxay ku sheegeen in  Magaalada Jigjiga Buuxisay Dhaman Shuruudahii Looga Baahnaa hirgalinta barmaamijkan.

madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar  oo ka hadlay kulankaasi ayaa  aad u bogaadiyay natiijada  fiican ee ka soo baxday qiimayntii ay gudiga isku dhafku soo saareen  daraasaadkii ay ku sameeyeen magaalada jigjiga. madaxwayne ku xigeenka ayaa si wayn  ugu mahad celiyay Dadaal Is ku xidhan iyo Ka go'nansho ay Sameeyen Hay’adaha bahwadaagta barnaamijkan. waxaa kale oo uu intaasi ku daray madaxwayne ku xigeenku in baraamijkani yahay mid diirada saaraya sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadilahaa  heerka nolosha bulshada ku dhaqan magaalooyinka DDSI.

Jigjiga iyo Warshada Saabuunta Samaysa Oo Xadhiga Laga jaray

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 27ka, October 2016. Warshada saabuunta oo  soo saaraysa 3000 oo litter oo isugu jirta saabuun qabays iyo saabuunta dharka maalinkasta ayaa si rasmi ah ay xadhiga uga jareen wasiir-kuxigeenka xafiiska jidadka yo maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba, Wasiir kuxigeenka xafiiska jidadka DDSI mudane cabdulaahi maxamuud cabdi oo dareenkiisa kahadlay warshadan saabuunta ee ay xadhiga kajareen ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in munaasabadan xadhig kajarka ah uu kala soo qaybgalo maalgashadayaasha maalgaliyay warshadan saabuunta casriga ah oo ah tii ugu horaysay ee magaalada jigjiga laga sameeyo. Wuxuuna wasiir kuxigeenku xusay in mulkii layaasha warshadu ay yihiin muwaadimiin dhab ah oo deegaankooda jecel.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Sidookale, waxaa isna kahadlay Maareeyaha Maamulka Magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed oo sheegay in uu aad ugu farxaxsanyahay warshada saabuunta ee laga dhisay MM Jigjiga islamarkaana uu mahadcelin balaadhan u soo jeedinayo muwaadimiinta fikirka iyo maalingalintaba latimid. Wuxuun intaa kudaray maareeyuhu in kamaamul magaalo ahaan dhinacooda ay soo dhawaynayaan islamarkaana ay garbtaaganyihiin muwaadimiintan samaysay warshada saabuunta. Wuxuuna xusay n warshadani magaalada ay ku soo kordhin doonto faa iido badan. Wuxuuna hantiilayaasha deegaanka ugu baaqay dal iyo dibad in ay maal gashadaan deegankooda maadaama oo xukuumada DDSI iyo shacabkeeduba lagarab taaganyihiin soo dhawayn balaadhan iyo taageero labadaba.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhanka kale, waxaa isna kahadlay xubin kamid ah mulkiilayaasha warshada samaysay oo sheegay in daraasaad kadib ay ogaadeen baahida loo qabo warshad saabuun maadaama oo ay saabuuntu inteeda badan deegaanka uga iman jirtay dalka dibadiisa. Kadib ay go’aansadeen inay iyagu sameeyaan warshad saabuun hadana ay ku guulaysteen.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Wuxuuna tilmaamay in warshadu ay maalinkiiba soo saarikarto 3000 oo liter oo saabuun ah oo isugu jirta saabuunta qabayska iyo ta dharka labadaba. Waxaana rajaynaynaa in ay warshadu xaruma kuyeelan doonta gobolada deegaanka,

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in samaynta iyo maalgashiga warshadaha ay deegaanka kusii badanayaan 2 sano ee u danbaysay iyadoo ay ahayd bilo kahor markii xadhiga lagajarayay warshada hilibka, warshada saliid macsarta, warshada caanaha geela iyo waliba warshada furaashyada oo intaba ay maalgashadeen muwaadimiin deegaanka u dhashay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Maareeyaha Wakaalada Diwaaangalinta Marxaladaha Muhiimka ah Oo Ka Warbixisay Shaqooyinka Wakaalda

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews)khamiis 27ka October 2016. Wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah oo ah wakaalad dhawaan laga aas aasay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya islamarkaana u taagan shaqooyin muhiim ah ayaa maareeyaha wakaalada marwo Aamina Ibraahim ismaaciil ay ka warbixisay waxqabadka wakaalada.

Hadaba, Maareeyaha wakaalada diwaaangalinta marxaladaha muhiimka ah marwo Aamina Ibraahim Ismaaciil oo uwarantay warbaahinta deegaanka ayaa sheegtay in wakaaladu ay dadaal balaadhan ugu jirto sidii bulshada deeganka soomaalida itoobiya uga faaiidaysanlahayd shaqooyinka loo idmay wakaalada. Waxayna intaa kudartay marwadu in diwaagalinta marxaladaha muhiimka ahi ay yihiin qaybo kaladuwan oo isugu jira diwaangalinta dhimashada, guurka, dhalashada iyo waliba diwaangalinya kalataga ama furitaanka xaasaska isqaba iyadoo dhamaan qoysaska ay lasoodarsaan xaaladahaasi la siinayo aqoonsiyadii cadynayay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Waxayna marwadu tilmaantay In wakaaladu ay wacyi galin kaladuwan kasamaysay heer deegaan iyo waliba gobolada dhagaxbuur, Qabridahar iyo qaybo kamid ah Gobolka Siti.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanbayna mareeyaha ayaa xustay in sanadkan 2009 ay u qorshaysantahay in wacyigalin balaadhan lagu sameeyo bulshada islamarkaana shaqooyin badan laga qabto dhanka diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah.

Tababar Loo Qaybtay Shaqaalihii Cusbaa Ee Qaybta Taageerada Habnololeedka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga (Cakaaranews) Jumce 28ka October 2016. Tababar si heer sare loosoo agaasimay oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  waaxdiisa damaanad qaadka cuntada islamarkaana loo hayay shaqaalaha cusub ee waaxda shabakada badbaadada waxsoo saarka qaybtiisa taageerada habnololeedka qoyska cuntayaraanta joogtada ah ee waxqabadka 4aad ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Agaasinka waaxda damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI  mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in tababarka yahay  tababar lasiinayo shaqaalaha cusub ee qaybta taageerada hab nololeedka qoyska cuna yaraanta joogtada ah  ee waxqabadka 4aad, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in shaqaalaha tababarka qaadanaya ay ka faaiidaystaan tababarka ilaaliyaana saacada mudada uu tababarku socdo maadaba tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana yahay nidaamka ay ku shaqayn doonaan.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhanka kale waxaa isana qaybtiisa ka hadlay isku xidha waaxda shabakada badbaadada waxsoosaarka  mudane axmednuur Cabdi oo sheegay inuu tababarku socondoona mudo 4 cisho ah islamarkaana shaqaalahan cusub lasiinayo nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen si iyagoo fahan buuxa ka haysta waxa ay qabanayaan u bilaabaan shaqadooda , Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay isku xidhaha qaybta taageerada habnololeedka qoyska cunta yaraanta joogtada ah ( Lively hood component) mudane Badri Maxamuud Liibaan oo sheegay inay shaqaalahan ka howlgali doonaan 14 degmo taasoo si tijaabo ah uga sii shaqayn doona 14kaas degmo islamarkaana sanada danbe lagusoo biirin doona 14 degmo oo kale taas oo noqon doonta inay ka hawlgalaan 28 degmo oo deegaanka ah.

MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Galinta Senterka Kaaha

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Qabribayax( Cakaaranews) Jumce 28ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka xarunta deegaanka uga amba baxay dhanka degmada qabribayax isagoo xadhiga ka jaray mashruuca wayn ee biyo galinta kaaha, durwaale, qabribayax, Hartashekha ee laga fuliyay senterka Kaaha ee degmada qabribayax ee gobalka faafan.

Hadaba mashruucan biyo galinta ah ee senterka kaaha oo uu fuliyay wakaalada howlaha biyaha ee DDSI ayaa ah mid in muda ah socday islamarkaana lagu guulaystay. Iyadoo shacabka ku dhaqan senterka kaaha ay aad usoo dhaweyeen biyo galintan uu madaxwaynuhu xadhiga ka jarayo islamarkaana ay shegeen inay dhib badan ka haysan jirtay dhanka biyaha balse maanta ay ka baxeen baahidii ka jirtay dhanka biyaha.


MW CMC Oo ka Dagay Qabridahar

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Qabridahar(cakaaranews) Axad, 30ka, October, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar international  airport.  

Waftigan uu hogaaminaya madaxwaynaha DDSI ayaa waxay  ujeedada socdaalkoodu tahay, in ay ka  qayb-galaan shirwaynaha 9aad ee XDSHSI  oo maalinta barito ah ka furmaya tuulada maraacaato  oo  ka tirsan degmada qabridahar ee Qobolka Qoraxay. Waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI  ayaa wakhti xaadirkan ku sugan caasimada gobolka Qoraxay ee Qabridahar.

Wararka ku saabsan shirwaynahana 9aad ee XDSHSI kala  soco shabakada wararka cakaaranews. 

Komishinka Xaquuqul Insaanka Oo Tababar U Qabtay Xubno Kasocday degmooyinka Gobolka Faafan

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews) Axad,30ka October 2016. Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen  komishinka xaquuqul insaanka Dalka iyo komishinka xaquuqul insaanka laantiisa DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno kasocday degmooyinka Gobolka faafan iyo Maamulka Magaalada jigjiga ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay Xarunta deegaanka ee jigjiga.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba, Komishinka xaquuqul insaanka qaybtiisa ilaalinta xaaquuqda Haweenka iyo Caruurta JDFI Marwo Ubax Maxamed Xuseen Giire oo kahadashay xidhitaankii tababarkan ayaa sheegtay in tababarkan ujeedadiisu ahayd ilaalinta xaquuqul insaanka gaar ahaan caruurta iyo haweenka. Waxayna intaa kudartay in sidookale tababarku kusaabsaabsana kahortaga iyo ladagaalanka caadooyinka xunxun sida gudniinka fircawniga ah iyo guurka dagdaga ah.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanbayna waxay sheegtay marwadu  in tababarkan uu socday mudo 2 maal mood ah islamarkaana ay lagama maarmaantahay in kaqaybgalayaashu ay u gudbiyaan dadka aan nasiibka uhelin inay qaataan tababarkan.

Shirwaynaha 9aad Ee XDSHSI Iyo Qabridahar.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Qabridahar,(cakaaranews), Axad, 30, October, 2016. Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay siwayn ugu soo qul-qulaya  xarunta gobolka qoraxay  ee magaalada qabridahar masuuliyiinta xukuumada DDSI heerarkooda kala duwan, hogaaminta XDSHSI, ergooyinka ka qaybgalaya shirwaynaha 9aad ee XDSHSI oo ka kala socda dhamaan degmooyinka deegaanka, gobolada, maamul magaalooyinka DDSI, ergooyinka qurba joogta DDSI  uga qaybgalaya shirwaynaha 9aad ee XDSHSI, wakiilada ka socda ururada ay bahwadaagta yihiin XDSHSI iyo marti sharaf lagu casuumay shirayan

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Haddaba shirwaynaha   9aad ee XDSHSI  ayaa ah, shiraynihii 3aad ee lagu qabto goob ka  baxsan xarunta deegaanka ee jigjiga taasi oo ayaa cadaynaysa in ka dib markii ay xukuumada DDSI haatan ka arimisa ay guulo waawayn ka soo hoysan dhinacyada horumarka iyo  nabadglyada taasi ayaa sal u ah in  gobolada deegaanka iyo degmooyinkuba martigaliyaan shirwaynaha XDSHSI.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Magaalada qabridahar ayaa si meeqaam sare ah ugu diyaar garowday martigalinta shirwaynahan iyada oo goobta lagu qabanayo shirwaynahan 9aad tahay tuulada maraacaato oo 15KM ka xigta dhinaca bari xarunta gobolka qoraxay ee qabridahar. Hase ahaatee masuuliyiinta iyo ergooyinkan ka soo qaybgalay shirwaynahan 9aad ayaa waxaa martigalinaysa caasimada gobolka qoraxay ee qabridahar, maadaama oo ay isku dhawyihiin goobta shirka ka qobsoomayo iyo magaalada qabridahar.

Magaalada qabridahar ayaa waxaad si wayn uga dareemaysaa sida meeqaamka sare ah ee ay ugu diyaargarowday martigalinta shirkan iyada oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada  ku dhaqan magaalada qabridahar siwayn  u soo dhaweeyeen marigalinta shirkan.

Shirwaynahan 9aad ee XDSHSI oo maalinta barito ah ka furmaya tuulada maraacaato  ayaa waxaa lagu dhagaysan   doonaa warbixinta waxqabadka 2 sano ee ugu danbeeyay ee XDSHSI, warbixinta gudiga dabagalka XDSHSI iyada oo lagu soo dhisitoona hogaaminta XDSHSI

kala soco shirwaynahan 9aad ee XDSHSI shabakada wararka ee cakaaranews

War Deg deg Ah Shirwaynihii 9aad Ee XDSHSI Oo Ka Furmay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Maraacaato(cakaaranews), Isniin, 31ka October, 2016. waxaa hadda si rasmiya uga furmay tuulada maraacaato ee degmada qabridahar shirwaynihii 9aad ee XDSHSI. Shiraynahan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid Isaaq , madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI ergooyinka kala socday dhamaan degmooyinka deegaanka , ergooyinka qurba joogta DDSI uga qaybgalaya shirwaynaha 9aad ee XDSHSI, wakiilada ka socda xisbiyada ay bahwadaagta yihiin XDSHSI iyo marti sharaf kale.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Waxaana shiran si raxmiya hadda u furay gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq oo si kooban uga warbixiyay waxqabadka XDSHSI taaba galinta qorshayaasha siyaasadeed, dhaqaale, nabadgalyo  iyo horumarineed ee uu fuliyay sanadihii ugu danbeeyay XDSHSI.

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Haddaba shirwaynaha oo hadda ti toos ah uga furmay  madal aad u qurux badan oo loogu talagalay shirwaynahan  kala soco xogaha muhiimka ah ee ka soo kordha shabakada wararka ee cakaaranews.

Deg deg Gudiga Shirgudoonka Shirwaynaha 9aad ee XDSHSI oo la doortay.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Maraacaato(cakaaranews) isniin, 31ka, October, 2016.Waxaa hadda lagu doortay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI xubnaha shir gudoonka shirwaynaha oo ka kooban shan xubnood oo hagi doona shirwaynaha 9aad ee XDSHS, kuwaasi oo iyaguna iska sii dhex doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga shir gudoonka ah.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Xubhan loo doortay shirgudoonka shirwaynaha 9aad ee XDSHSI  ayaa kala ah sidan,

1.        madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar xubin

2.       Gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq xubin

3.       Marwo Fartuun cabdi mahdi gudoomiye ku xigeen

4.       Marwo Sucaad Axmed Faarax Gudoomiye

5.       Mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar xubin

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dhinace kale waxaa shirkan lagu dhagaystay warbixinta waxqabadka gudiga qaban qaabada shirwaynaha 9aad XDSHSI oo ay soo jeediyay wasiirka horumarinta khayraadka biyaha ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI  marwo furtuun cabdi mahdi.

Shirkan ayaa si qurux badan uga socda tuulada maraacaato kala soco warar xiisa leh shabakada wararka ee cakaaranews.

 

 

Tababar Loo Qabtay Qaar Kamid Ah Macalimiinta Dumarka Ah Ee Degmooyinka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews)Isniin,31ka October 2016. Tababar ujeedadiisu tahay  Kahortaga iyo jawaab ka bixinta tacadiyada kadhanka ah ee loo gaysto gabdhaha iyo waliba  guurka dagdaga ah ayaa si habsami leh uga bilawday hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba. Khabiirka Sinaanta Jinsiga ee Xafiiska Waxbarashada DDSI marwo Ifraax Cali xuseen oo u warantay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegtay in tababarkan ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah macalimiinta dumarka ah oo ka kala socday afartii maamul magaalo  ee hore iyo afartooda degmo (jigjiga,dhagaxbuur,qabaridahar,Goday) iyo waliba degmooyinka kala ah xamaro, fiiq, warder, daratoole, shaykoosh iyo dhanaan   

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in sidookale tababarkani ay kasooqaybgaleen xubno kasocday haaydaha cadaalada ee heer deegaan. Waxayna tilmaantay in tababarku uu ka kooban yahay 2 tababar islamarkaana lgu baranayo casharo laxidhiidha tacadiyadaha kadhanka ah dumarka iyo waliba sidii loo soo afjari lahaa dhamaan caadooyinka xunxun ee lagula kaco dumarka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanbayana waxaa iyana dareenkooda kahadlay kasooqaybgalayaashii tababarkan oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kasooqaybgalka tababaran islamarkaana ay qaadanayaan casharo muhiim ah

Shirwaynihii 9aad Ee XDSHSI Oo Galay Maalintii 2aad.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Maraacaato( cakaaranews), talaado, 1da, November, 2016.  Waxaa maalintii 2aad si qurux badan uga socda tuulada maraacaato ee degmada qabridahar shirwaynihiI 9aad ee XDSHSI.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Sida aad wararkayagii hore kula  socoteen  waxaa maalintii shalay la dhagaystay warbixinta waxqabadka gudiga qaban qaabada shirwaynaha, sidoo kale waxaa maalintii shalay la doortay gudiga hogaaminta shiwaynaha.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Haddaba, waxaa maalintii shalay galinkii danbe lagu dhagaystay  shirwaynahan  warbixinta waxqabadka XDSHSI   gaar ahaan labadii sano ee ugu dambeeyay . Warbixintan waxaa soo jeediyay madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka, hase ahaatee waxa uu madaxwaynuhu si qoto dheer uga warbixiyay sidii uu XDSHSI u meel-mariyay fulinta istaraatajiyadaha iyo  qorshayaashii  uu dajistay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI  gaar ahaan guulaha laga soo hooyay dhinacyada nabadgalyada, horumarka, maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba,xoojinta iyo hirgalinta nidaamka dawladnimo, hirgalinta saraynta sharciga, la dagaalanka iyo tir-tirida qabyaalada, dulsaarnimada, la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa, xoolo xirdoonimada, la dagaalanka  xag-jirnimada, qalajinta aragdida guracan iyo hirgalinta aragtida horumarineed. Warbixinta uu jeediyay madaxwaynaha DDSI oo ahayd mid ku sar-go’an guulaha uu soo  hooyay  XDSHSI intii u dhaxaysay shirwayihii 8aad iyo shirwaynahan 9aad ayaa aad u soo jeedatay  ergooyinka iyo wakiilada ka socday xisbiyada ay bahwadaagta yihiin XDSHSI.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay shirwaynaha dhukumanti filim ka warbixinaya waxqabadka xisbiga, tabihii iyo xeeladihii loo adeegsaday fulinta qorshayaasha horumarineed ee  ah  jawaabaya baahiyaha shacabka  DDSI.

Sidoo kale waxaa maanta galinkii hore  ergooyinka iyo wakiilada ka socday xisbiyad ay bahwadaagta yihiin XDSHSI  ay ka warbixiyeen sida ay u arkaan warbixintii XDSHSI ee sanadihii ugu danbeeyay ka dib waxaa lagu ansaxiyay warbixintan cod buuxa.

Waxaana la filayaa  in hadda  laguda galo dhismaha hogaaminta XDSHSI. Kala soco karaanews wararka ka soo kordha shirwaynahan 9aad ee XDSHSI.

 

 


Deg deg: Raysal Wasaaraha Dalka Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Addiss ababa(Cakaaranews) Talaado 1da November 2016. Raysal wasaaraha dalka mudane  Hailemariam Desalegn ayaa baarlamaanka hortooda kaga  dhawaaqay xubno kabaneega  ama wasiiro cusub. Islamarkaana baarlamaanka ayaa ansixiyay xubnahan kabaneega ama wasiiro isugu jira.

Haddaba waa kuwan magacayadii wasiirada cusbaa ee lagu dhawaaqay:

1. Dr. Workineh Gebayehu-                   Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada

2. Mr. Tagesse Chafo                          Wasiirka Wasaarada Adeega Shacabka Iyo Cududa Shaqaalaha       

3. Dr. Abraham Tekasta    -                   Wasiirka Wasaarada Maaliyada Iyo Dhaqaalaha

4. Dr. Bekele Muladu       -                   Wasiirka Wasaarada Ganacsiga

5. Prof. Fikadu Beyene      -                 Wasiirka Wasaarada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga

6. Dr. Eyasu Abraha   -                         Wasiirka Wasaarada Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga

7. Dr. Eng. Getahun Makuria    -           Wasiirka Wasaarada Science Iyo Technologyada

8. Mr. Ahmed Shide                -          Wasiirka Wasaarada Gaadiidka

9. Dr. Ambachaw Mekonnen  -          Wasiirka Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka Iyo Guriyeynta

10. Eng. Ayisha Mohammed      -        Wasiirka Wasaarada Dhismaha

11. Dr. Eng. Sileshi Bekele        -         Wasiirka Wasaarada Biyaha,Waraabka Iyo Quwada Korontada

12. Mr. Motuma Mekassa        -        Wasiirka Wasaarada Macdanta, Petroleumka Iyo Shidaalka Dabiiciga

13. Dr. Gemado Dale              -          Wasiirka Wasaarada Arrimaha Deegaanka,Kaymaha Iyo Isbadalka Cimilada

14. Dr. Shiferaw T/Mariam       -          Wasiirka Wasaarada Waxbarashada

15. Prof. Yifru Birhana              -         Wasiirka Wasaarada  Caafimaadka

16. Dr. Girma Amante               -        Wasiirka Wakaaladaha

17. Dr. Hirut W/Mariam           -          Wasiirka Wasaarada Dhaqanka Iyo Dalxiiska

18. Mrs. Demitu Hambisa         -         Wasiirka Wasaarada Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta

19. Mr. Ristu Yirdaw                 -        Wasiirka Wasaarada Dhaliyarada Iyo Ciyaaraha

20. Mr. Kebede Chane              -        Wasiirka Wasaarada Dakhliga Iyo Jibriyada

21. Dr. Negari Lencho                -      Wasiirka Wasaarada xidhhidhka Arrimaha Dawlada

Sidoo Kale Waxa Uu Raysal Wasaaaruhu Ku Dhawaaqay Wasiirada Aan Laga Badalin Wasaaradihii Ay Horey Ugu Qornaayeen.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Haddaba Xubnaha Kaabineega  Aan Laga Badalin Xilalkii Ay Hayeen Waa Kuwan Soo Socda

1. Demeke Mekonnen   -                   Raysal Wasaare Kuxigeenka

2. Siraj Fegessa             -                   Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga

3. Kassa Tekleberhan      -                 Wasiirka Wasaarada Arrimaha Fedaraalka Horumarimnta Reer Guuraaga

4. Dr Debretsion Gebremichael-        Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Iyo Technologiyada

5. Ahmed Abitew        -                   Wasiirka Wasaarada warshadaha

6. Getachew Ambaye      -                Xeer Ilaaliyaha Guud

7. Abdulfetah Abdulah     -               Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada Iyo Shaqaalaha

8. Dr Yinager Desse         -               Komushineerka Komoshinka Qorshaynta Qaranka

9. Asmelash Woldesilasie   -             Golaha Sare Lehna Awood Wasiir

 

 

47 Xubnood Oo Loo Doortay Golaha Dhexe Ee X.D.SH.S.I

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Maraacaato( Cakaaranews) Talaado, 1da November 2016. Shirwaynihii 9, aad ee XDSHSI ee kasocday tuulada maraacaato ee degmada qabridahar hoos timaada ayaa maanta lagu doortay 47da xubnood ee golaha dhexe ee XDSHSI noqonaysa 2da sano iyo badhka soo socota iyadoo tirada golaha dhexe oo horay u ahayd 51 xubnoodna cod-buuxa la iskulaqaatay inay noqoto 47 xubnood.

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Tababar Loo Hayay Xirfadlayaal Caafimaad Oo Lasoo Gunaanaday

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 2da November 2016.Tababar uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI  laguna tababarayay xirfadlayaasha caafimaadka oo tiradoodu kabadantahay 100 xirfadle   islamarkaana kakala yimid degmooyinka gobolka faafan ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka  DDSI.

Hadaba, xidhitaankii tababarkan yaa waxaa ugu horayn kahadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in tababarkani yahay tababar isku dhaf ah oo lagu dhisayo aqoonta xirfadlayaasha fidinta caafimaadka ee ku aadan ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS, Qaaxada iyo waliba cudurkaa juudaanka. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in tababarkani yahay mid isku xidhaya dhamaan xarumaha iyo ruguha caafimaadka DDSI laguna dardar galinayo shaqooyinka caafimaadka u yaala

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanbayna wuxuu dardaaran usoojeediyay dhamaan shaqaalaha caafimaadka inay kaalin mugleh kaqaataan kamidho dhalinta barnaamijkan lagu xakamaynayo cudurada. Wuxuuna xusay haayadaha bah wadaagta la ah xafiiska in tababarkii sidii larabay uu u hirgalay islamarkaana ay muhiim tahay in doorka kaga aadan ay ka qaataan natiijo ka keenida tababarka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Iskusoowada duuboo tababarkan ayaa laga wada bilaabay dhamaan gobolada DDSI iyadooy kafaa’iidaysanayaan xirfadlayaal toradoodu dhantahay 1060 xubnood.Waxaana lafilayaa in natiijo wax ku ool ah laga keeno xakamaynta cudurka  HIV AIDS, cudurka juudaanka iyo waliba

Gudiga Fulinta Iyo Komishinka Dabagalka X.D.SH.S.I Oo La Doortay

Image may be NSFW.
Clik here to view.
maraacaato (cakaaranws) Arbaca, 2da, November, 2016.   waxa shirwaynihii 9aad ee XDSHSI maanta lagu doortay golaha  gudiga fulinta XDSHSI oo ka kooban 15 xubood kuwaasi oo 2da sano iyo badhka soo socda hogaamindoona XDSHSI.

 Image may be NSFW.
Clik here to view.
Haddaba, golaha gudiga fulinta XDSHSI ee la doortay maanta waxaa ku cusub oo kaliya 4 xubnood kuwaasi oo kala ah.

1.       Faamudo Cabdilaahi Takhal maareeyaha  wakaalada dhismaha jidadka DDSI.

2.       Cabdiraxmaan Maxamed Xasan  wasiirka xafiiska jidadka.

3.       Maxamed Cabdi Bare gudoomiyaha Gobolka Doolo.

4.     Cabdimahad Maxamed Cabaas maareeyaha wakaalada Iibka iyo adeega gaarka ah DDSI.

Halka 11ka kale ay yihiin masuuliyiintii hore ugu jirtay gudiga fulinta iyada oo ay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka XDSHSI ay sidii hore yihiin. xubnaha gudiga fulinta ayaa markii  la soo hordhigay shirwaynaha  lagu ansaxiyay codbuuxa.

Dhanka kale waxaa  isla maanta lagu doortay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI komoshinka dabagalka iyo baadhista XDSHSI oo ka kooban 15 xubnood kuwaasi oo hadda ka hor ahaan jiray 13 xubnood. Balse shiwaynahan 9aad ee XDSHSI lagu ansaxiyay in ay noqdaan 15 xubnooda. Waxaana gudoomiyaha komishinka dabagalka iyo baadhista loo doortay marwo Ikraan cabdi xasan.  Halka gudoomiye ku xigeenka loo doortay mudane Baashe Cabdi ismaaciil, sidoo kale waxaa xoghayaha komishinka dabagalka iyo baadhista loo doortay mudane cabdishakuur cismaan (dhagawayne) iyo 11 xubno ka ah gudigan kuwaasi oo shirwaynuhu ku ansaxiyay codbuuxa.

Shirwaynahan ayaa caawa xili danbe si qurux badan loogu soo gabagabeeyay tuulada maraacaato  oo uu ka socday mudo sadex maalmood ah.

Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 3da November 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI islamarkaana ay kasoo qaybgaleen bahwadaagta daryeelka caruurta oo ka koobnaa xafiisyada dawliga ah iyo haayadaha aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya deegaanka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka geedisocodka daryeelka caruurta ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI Mudane Mursal Maxamed Askar oo sheegay inuu tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo awooda xubnaha iskuxidhka kalaastarka daryeelka caruurta ee heer deegaan iyo ka gobolka Siti . wuxuuna agaasinku intaa ku daray inuu tababarku socondoono muda 2 maalmood ah islamarkaana  kasoo qaybgalayaasha looga baahan yahay inay ilaaliyaan saacda mudada uu socda tababarka maadaamo kor loogu qaadayo awoodooda farsamo iyo awoodooda fulineed ee dhanka adeega daryeelka caruurta.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarka oo sheegay inuu tababarkan faaiido uleeyahay islamarkaana ay hirgalin doonaan waxa ay ka faaiidaysteen tababarkan si fiicana uga qaybqaadan doonaan kulamada danbe ee bilaha ah ee isku xidhka kalastarka daryeelka caruurta.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>