Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Hormuudkii Degmooyinka DDSI Oo Gacantooda Isku Magacaabay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 23ka, November, 2016. Waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI kulan loo qabtay hormuudkii laga soo kala xulay  degmooyinka deegaanka kuwaasi oo ay tiradoodu dhantahay 255 xubnood oo  hore  nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah ugu  soo qaatay warqadii   ay hogaaminta degmooyinka kaga mid noqdeen.

Haddaba kulankaasi oo ay hogaaminayee wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaas, wasiirka maaliyada iyo horumarita dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed iyo wasir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudan Deeq Cabdilaahi Buraale ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii ay nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah gacantooda  ugu qaadan lahaayeen warqadaha magacaabista, hormuudkan hogaaminta degmooyinka ka mid noqday.

Waxaana loo dhigay warqadaha bakhtiyaa nasiibka ah si uu shaqsi waliba u qaado warqadiisa magacaabista ah  iyada oo xubin kasta  ku qaatay gacantiisa warqada magacaabista ah oo  ay ku qorantahay degmada uu ku qora yahay iyo xafiiska uu masuulka ka noqday. Xubanaha maanta bakhtiyaa nasiibka  gacantooda ku qaatay warqada magacaabista ah ayaa waxay mudo 6 bilood ah tababar uga socday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI iyada oo mudadaasi la barayay nidaamka xigmada hogaamineed ee degmooyika nidaamka dajinta iyo fulinta qorshayaasha horumarineed iyo guud ahaanba nidaamka shaqo ee degmooyinka deegaanka.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay xubnahan  nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah/gacantaada isku magacawga ku qaatay maanta warqada magaacaabista ah ayaa waxay ka mid ahaayeen  ardaydii   ay xukuumada DDSI  hal mar ku shaqaalaysiisay nidaamka bakhtiyaa nasiibka laguna qoray degmooyinka deegaanka kuwaasi oo ka soo shaqeeyay goobtii shaqo ee nasiibka ku qaateen, ka dib markii ay muujiyeen shaqo wanaag ayaa hormuud ahaan looga soo xulay degmooyinka deegaanka iyada oo marlabaadna nidaamka bakhiyaanasiibka ah ku noqday hogmaaminta degmooyinka halka  markii 3aad maanta ay ku qaateen gacantooda warqada magacaabista ah iyada oo ay maanta 255 xubnood ay ka mid noqdeen madax xafiiseedyada xafiisyada degmooyinka deegaanka gaar ahaan degmooyinkii iyo maamul magaalooyinkii cusbaa.

Ugu danbayna waxaa dareen kooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii hogaaminta degmooyinka ee bakhtiyaa nasiibka ku qaatay warqada magacaabista ah waxayna  oo sheegay inay aad iyo aad ugu farxasanyihiin bakhtiyaa nasiibka loo  dhigay  taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan kana reebantahay eex iyo nin jeclaysi. Waxayna intaa ku dareen in ay masuuliyadan maata loo igmaday ay si xilkasnimo iyo fir-fircooni ku dheehantahay uga soo baxayaan.

 

 

 


Shirwaynihii 9aad Ee Ha’yadaha Lacagaha yaryar Ee Dalka Oo Galay Maalinkii 2aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 24ka November 2016. Shirwaynihii 9aad ha’yada adeega lacagaha yaryar ee dowlad deegaanada dalka ayaa galay maalintii 2aad, Iyadoo lagusoo jeediyay daraasaadyo kor loogu qaadayo nidaamka dhaqaale ee ha’yadaha adeega lacagaha yaryar dalka.

Waxaana kamid ahaa masuuliyiintii ka hadlay shirwaynaha 9aad ee ha’yadaha adeega lacagaha yaryar mareeyaha wakaalada ha’yada adeega lacagaha yaryar DDSI mudane Maxamed Cabdiraxmaan Macalin oo sheegay inuu micro finance ga deegaanka uu aad kor oogu qaaday isbadalana ku sameeyay hab nololeedka bulshada DDSI ee ku sugan goobaha uu ka howlgalo, Wuxuuna masuulku inaa ku daray in ka deegaan ahaan aad loogu amaanay kulanwaynahan 9aad qaab shaqeedka uu u shaqeeyo iyo waliba mudada yare ee uu ku gaadhay heerka ku dayashada mudan ee uu maanta taaganyahay.

Sidoo kalana Waxaa iyana dhankooda kasoo jeedinayay waxqabadkooda masuuliyiintii ka socday deegaanada dalkeena itoobiya, Sikastaba ha ahaatee shirwaynahan 9aad ee ha’yadaha lacagaha yaryar ayaa lagu wadaa inuu halkaa kasii socon doono.

Tartanka Su’aal iyo Jawaab Oo kadhacay Xarunta DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 24ka November 2016. Tartan dood Cilmiyeed ah Oo ku qotama Su aal iyo jawaab kuna saabsan dastuurka JDFI dalka iyo cilmiga sayniska islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaar kamid ah mas’uuliyiinta heer deegaan iyo waliba ardayda waxkabarata kuliyadaha TVET iyo shaqaalahooda ayaa maanta si heer sare ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiicga ah ee DDSI.

Hadaba, tartankan dood cilmiyeedka ah oo laga soo diyaariyay heer dal ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada Ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed-rashiid Isaaq oo sheegay in taratankani yahay tartan heer dal ah islamarkaana ku qotama dood cilmiyeed kaasoo ah suaalo iyo jawaabo u badan dastuurka dalka JDFI. Wuxuuna intaa kudaray afhayeenku in tartankan ardayda kasoo qaybgashay ay cilmi badan kafaaiidayaan.

Sidookale, wasiirka xafiiska xirfadaha iyo farsamada gacanta (TVET) mudane Naasir Axmed oo isna kahadlay taratankan ayaa sheegay in tartankani yahay mid aad muhiim ugu ah jiilasha dhalinyarta ah ee soo kacaya islamarkaana kor uqaadaya heerkooda aqoomeed.

Ugudanbayna tartankan su’aal iyo jawaabta ah ee kusaabsanaa dastuurka dalka oo kudhaliyay farxad balaadhan kasooqaybgalayaasha ayaa jawi wanaagsan ku soo dhamaaday.

Xafiiska Caafimaadka DDSI Iyo Xafiiska Ka Hortaga Iyo Xakaymaynta HIV AIDS Oo Qabtay. Kulan Wada Tashi Ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 25ka November 2016. Kulan si heer sare ah uu usoo agaasimay xafiiska cafiimaadka DDSI Iyo X afiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka xafiiska caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil, Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS DDSI  marwo kaamilo Axmed Nuur, Dhamaan xafiisyada bahwadaagta xafiiska caafimaadka iyo ha’yadaha aan dowliga ahayn ee  bahwadaagta la ah islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada  baadhitaan balaadhan oo HIV AIDS ka ah  loogu samayn laha ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xamda Hotel.

Waxaana kulankan ugu horayn  ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil oo sheegay inuu kulan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa in dhamaan bulshada deegaanka lagu sameeyo baadhitaan si looga hortago cudurkan dilaaga ah ee HIV AIDS islamarkaana looga hortagi lahaa ama lagu dawayn lahaa dadka uu saameeyo xanuunkan, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kulankan laga soo dhexsaari doona qaabka ugu fiican ee baadhitaan guud loogu samayn karo bulshada deegaanka islamarkaana xalwaara looga keeni lahaa cudurkan dilaaga ah.

Sidoo kale waxaa iyana kulanka ka hadashay Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV AIDS DDSi marwo kaamilo Axmad Nuur oo sheegtay inuu kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in lala halgamo cudurkan dilaaga maadaamo uu soo dhawyahay xuskii maalinta HIV AIDS ee Dalka.

Daraasaad Kusaabsan Cudurada Iyo Cayayaanka Waxyeeleeya Dalaga Oo Laga Wado Gobolada Shabeele Iyo Qoraxeey

$
0
0

Musatxiil(Cakaaranews)Jumce, 25ka November 2016. Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI oo ka  duulaya qorshayaasha horumarineed ee ku aadan horumarinta beeraha iyo waliba sidii bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah ay ugaadhi lahaayen isku filaansho cunto ayaa xafiisku labo gobol oo deegaanka ah udiray koox daraasaad ka samaynaysa waxyeelada cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya Dalaga islamarkaana si rasmi ah uga wada goboladaas shaqooyinkii daraasaadka.

Hadaba, madaxa kooxda daraasaadka kawada gobolada shabeele iyo qoraxeey ahna Madax- Kooxeedka Waxsoosaarka Dalaga iyo Kahortaga Cudurada kudhaca dalaga ee Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Cabdifataax Makhtal ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay kusuganyihiin tuulada jiic ee hoostimaada degmada mustaiil islamarkana ay badhtanka ugu jiraan daraasaad kusaabsan cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya dalaga. Wuxuuna intaa kudaray in daraasaadkan ay kasamaynayaan degmooyinka hoosyimaada gobolka shabeele.

Wuxuuna tilmaamay in si wanaagsan ay ugu socoto shaqadii daraasaadku islamarkaana ay rajaynayaan in natiijada shaqadoodu noqon doonto mid wax ku ool ah, faa’iido balaadhana u leh bulshada xoolodhaqato-beeralayda ah ee ku dhaqan gobolada Shabeele iyo Qoraxey. wuxuuna carabka kudhuftay in xafiiska ay qorshaha ugu jirto in dhamaan Gobolada laga sameeyn doono daraasaadka noocan ah.

Ugudanbayna qaarkamid ah kooxda daraasaadka wada ayaa xusay in shaqadani ay tahay shaqo muhiim ah oo ay u baahanyihiin bulshada xooladhaqato-beeralayda ah ee kunool gobolka shabeele

 

 

 

 

 

 

 

Natiijooyinkii Taadhasooga Ururada Bah’wadaagta Ah Ee Dalka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 25ka November 2016. Sida lawada ogsoonyahay raysalwasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn ayaa qiimayn sal iyo baar ah oo dhaliil iyo isdhaliil ah islamarkaana shaqsi kasta waxqabadkiisa lagu salaynayay ku sameeyay hogaaminta sare  ee xukuumada federalka ah, Tasoo lagu eegayay cabashada dadwaynaha iyo caqabadaha jira  si xal looga gaadho loogana midha dhaliyo qorshayaasha horumarineed. Iyadoo qiimayntan qotoda dheer lagaga talaaba qaaday masuuliyiin sare kadibna si isku shaandhayn ah loo dhisay kabanee dhamaystiran oo ay kamid yihiin xubno cusub.

Hadaba ururada bah’wadaagta ah ee haya talada wadanka gaar ahaan ururka EPRDF ee ay ku bahoobeen afarta urur ee kala ah TPLF, ANDMO, OPDO, SEPDM, Iyo ururka bahwadaagta la ah ee XDSHSI oo ka duulaya jihooyinka iyo nidaamka qiimaynta uu raysal wasaraha dalku sameeyay, Ayaa sameeyay qiimayn kor ilaa hoos ah oo dhaliil iyo isdhaliil ah islamarkaana shaqsi kasta lagu salaynayay waxqabadkiisa taas  oo ay kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah oo lagusii dardargalinayo qorsha yaasha horumarineed ee u yaala guud ahaan dalka.

Si taa lamid ah  ururka TPLF ayaa maraya qiimayn ilaa heer tuula ah iyo dardar cusub oo lamid ah xilagay duurka galeen islamarkaana ay ka muuqato inay wacad ku galeen sidii ay ula halgameen dhergigii xooga isbidayay inay ula halgamaan saboolnimada oo ay tirtirayaan wixii caqabad ku ah horumarka guud ee dalka, ee ay kamid yihiin xoolo cirdoonimada, Xagjirnimada, Nabadiidnimada, iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale ururka ANDMO ee deegaanka axmaarada oo qiimayn  isasifayn ah oo sal iyo baar ah sameeyay ayaa sida uu sheegay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar balan qaaday inay xalin doonaan cabashada shacabka isalamarkaana ay sii dardar galindoonaan qorsha yaasha horumarineed ee guud ahaan dalka iyo deegaankaba.

Dhanka kale madaxwaynaha cusub ee dowlada deegaanka Oromiya mudane Lemma Megersa ayaa isasifayn kadib dhankooda xaqiijiyay inay xalin doonaan cabashooyinka shacabka gaar ahaan dhinaca dhalinyarta, Iskusoo wada duuboo XDSHSI ayaa isna sameeyay qiimayn gudiga fulinta, Golaha dhexe, Hogaaminta dhexe, Ilaa heerarka hoose ee hogaaminta, Isagoo ku salaynaya dhinacyada xoola dhaqatada, Biyaha,Beeraha, jidadka Caafimaadka, Waxbarashada, Iyo shaqooyinkiisii caadiga ahaa soona saaray caqabado jiray. Wuxuuna xisbigu qiimaynihii ugu danbeeyay ku cilaamiyay shirwayne loo dhanyahay islamarkaana sameeyay u diyaargarow balaadhan sameeyay iyo waliba gudiyadii kala duwanaa ee shirwaynaha si lamid ah Taadhasoogii EPRDF, Waxaana shirwaynahan qiimaynta XDSHSI lagaga talaaba qaaday masuuliyiin heer deegaan, Heer gobal, Heer maamul magaalo, Heer degmo ilaa heer tuulo ah iyadoo lagu dhisay golo kabanee ah oo ay ku jiraan xubno cusub sidaas ayuuna kusoo dhamaaday taadhasoogii XDSHSI iyo waliba kuwii ururada bahwadaagta ah ee EPRDF.

Xaalada Isbadalka Cimilada Iyo Kadiyaargarawga Xukuumada

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Jumce 25ka November 2016. Sida lawada ogsoon yahay waxaa jirtay abaar kadhalatay sanadkii hore roob la’aanta ama ay keentay isbadalka cimilada aduunka ee Elinino. Taas oo saamaysay gobolka sitti iyadoo xukuumada federalka iyo ta deegaankuba ay si joogta ah taageero nooc walba ah ula garab taagnaayeen shacabka iyo duunyada gobolka hadh iyo habeenba. La’aantoodna ay abaartaasi dhibaato ba’an keensan lahayd.

Hadaba, hogaaminta XDSHSI iyo xukuumada DDSI oo kagaashaamanaya isbadalka cimilada aduunka ayaa qiimeeyay xaalada roob la’aanta ee deegaanka islamarkaana diyaargaraw balaadhan kasameeyay dhibaatada ka iman karta ugu yaraan 25 degmo oo deegaanka kamid ah. Maadaama uu xiligii gu’ga ee lasoo dhaafay aan lahelin roob badan islamarkaana dayrta aan hadda kujiro oo wax bil kayar ay kahadhan tahay aysan jirin ilaa hadda roobkii loo baahnaa inkastoo aan ilaahay karajaynayno in 25ka cisho ee kahadhay dayrtan uu inasiiyo roob aad ubadan oo kaafiya noolaha.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumada deegaanka iyo XDSHSI ayaa sameeyay heegan iyo diyaargaraw lagaga jawaabayo dhibaatada kadhalan karta roob yaraanta islamarkaana saamayn karta dadka iyo xoolahaba. Waxayna guud ahaan bulshada geeska africa ilaahay uga baryayaan inuu siiyo roob khayr qaba maadaama uusan nooluhu roob la’aan noolaan Karin iyagoo gaar ahaan xusay meelaha ugu sii daran khaasatan Somaliland iyo puntland oo wakhti xaadirkan kusugan abaar ay keentay roob la’aan.

Tababar Kusaabsan Cudurka Trachoma

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Tababar ujeedadiisu tahay kahortaga iyo dabargoynta cudurka kudhaca indhaha ee loo yaqaano (Trachoma) islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah wariyayaasha warbaahinta kaladuwan ee deegaanka iyo khabiiro kasocday xafiiska caafimaadka DDSI ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka tababarada ee huteelka City Crown.

Hadaba, tababarkan oo ay wada fulinayeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo hay’ada ITI (international Trachoma Initiative) ayaa lagu barayay kasooqaybgalayaasha casharo laxidhiidha dhibaatooyinka cudurka trachomaha, marxaladaha uu maro iyo waliba sida looga hortago. Waxaana casharada bixinayay khabiiro kasocda hay’ada, iyo xafiiska caafimaadka heerdeegaan. Waxayna casharadu ku qotameen in cudurku si dhibyar uu ufido kadibna uu leeyahay saamayn xun oo dadka uu ku dhoco dhaxalsiisa indho la’aan.

Sikastaba ha ahaatee, tababarkan oo casharbixintiisu ahayd mid toos ah iyo mid dood loo samaynayay koox koox  islamarkaana socday mudo sedex maal mood ah ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.


Munaasabad Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) Sabti 26ka November 2016. Munaasabad uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka socday wasaarda beeraha JDFI, Masuuliyiin ka socday xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI islamarkaana lagu furiyay mashruuca horumarinta iyo ka jawaabida saamaynta uu ku reebay bulshadii qaabishay qoxootiga ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba furitaankii munaasabada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Guuleed Ow Cali Kaahin oo sheegay inuu mashruucani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana lagu xaqiijinayo saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshadii qaabishay kuwaas oo kala ah, Afarta degmo ee Boqomayo, Awbare, Qabribayax, iyo Dolo adow, Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa ku daray inuu xafiisku diyaariyay shaqaalihii degmooyinka ka howl gali lahaa mashruuca islamarkaana wixii maanta ka danbeeya uu shaqadiisa bilaabi doono.

Sidoo kale waxaa isana munaasabada ka hadlay agaasinka taageerada gaarka ah ee wasaarada beeraha JDFI ahna iskuxidhaha mashruuca federalka ee 5ta deegaan uu ka howlgalo mashruucu mudane Nagatu Bugale oo sheegay in mashruucan bishii julay lagu ansixiyay kulinkii magaalada Adama kaasoo lagu dooranayay deegaamada uu ka howlgali doono mashruucu, Iyadoo bishii October ee isla sanadkana la dhaqangaliyay mashruuca, Waxaana deegaanka 1aad laga dhigay deegaanka soomalida itoobiya aadna waan oogu farxay inuu mashruucu ka howlgalo deegaanka soomalida itoobiya maadama deegaanku ka hanaqaaday isbadal horumarineed oo dhan walba ah, wuxuuna masuulku intaa ku daray inuu mashruucan ka qaybqaadan doono horumarka dalka iyo ka deegaankaba

Xaflad Qalinjabin Ah Oo Kadhacday Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDSI J

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Arday tiradoodu kabadantahay 419 oo waxkabaranaysay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ayaa  saaka xafladii qalin jabintoodu si heer sare ah uga dhacday  hoolka wayn ee isla kuliyada maaraynta.

Hadaba, xafladan qalinjabinta ah oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo marti sharaf kaladuwan ayaa waxaa khudbad muhiim ah kasoojeediyay Maareeyaha Guud Ee Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI mudane Cabdirashiid Shekh Cumar oo sheegay in maanta ay farxadwayn utahay isagoo ugu horayn ardayda qalinjabisay usoo jeediyay hambalyo. Wuxuuna intaa kudaray in ardayda maanta qalinjabisay ay tahay dufcadii 11aad islamarkaana tiradoodu dhantahay 419 arday oo 226 arday yihiin dumar meesha 193 ardayna ay yihiin Rag.

Maareeyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ardaydan qalin jabisay heerkoodu yahay Diploma islamarkaana culuumta ay barteena kalatahay Accounting, HRM, iyo waliba culuumta Secretarial Office Purchasing.

Sidookale, ardayda qalinjabisay oo dareenooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qalin jabintooda islamarkaana aysan farxadooda soo koobi Karin. Iyagoo sheegay in ay u mahad celinayaan dhamaan macalimiintii waxsoobartay iyo maamulkoodii. Waxayna xuseen inay waxbarashadooda sii wadan doonaan ilaa heer PHD.

Sikastaba ha ahaatee xafladan ayaa waxaa meesha kamaqnayn heesaha iyo dhantooyinka oo halkaas ay kusoobandhigayeen kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.

MW CMC Oo Dhagax Dhigay Mashruuca Dhismaha wayn Ee Kaali Mall

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 26ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, odayaal dhaqameedka deegaanka, iyo marti sharaf kale ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca wayn ee dhismaha kaali mall oo ah G+5 oo ay ku baxayso miisaaniyad lacageed oo dhan 160,000000 Birr (boqol iyo lixdan milyan oo birr) islamarkaana loogu talagalay in lagu dhameeyo wakhti ka yar 6 bilood, iyadoo oo uu dhismahani fulinayo  wakaalada horumarinta iyo guriyaynta DDSI.

Hadaba madaxwayne CMC oo dhagax dhigay dhismaha mashruucan ayaa sheegay in mashruucani uu faaiido wayn uleeyahay guud ahaan bulshada dalka gaar ahaan kuwa  deegaanka islamarkaana uu dhismahani noqonayo mid ganacsi ah oo dhismihiisu taariikhda baal dahab ah ka gali doono isagoo tusaalana u noqon doona wadamada geeska Africa, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in dhismahani uu ku fadhiyo dhul baaxad wayn oo dhan 4400 karaamitir oo ay san ku jiran goobta parking baabuurta loogu talagalay.

Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu xusay inuu dhismahani kaqayb qaadan doono bilicda magaalada jigjiga islamarkaana uu qayb ka yahay horumarka balaadhan ee guud ahaanba ka hana qaaday deegaanka. Sikastaba ha ahaatee dhismahan Kaali mall ayaa wuxuu yeelan doonaa  169 goobood oo loogu talagalay ganacsiga noocyadiisa kaladuwan iyo waliba  72 tukaan oo ah tukaamada yarayar.

Shir Ay Kasoo Qaybgalayaan 2kun Oo Qof Oo Degmada Gunagado Kadhacaya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 26ka November 2016. Shir balaadhan oo kadhacaya degmada gunagada 2da todobaad ee fooda inagu soo haysa gudahood ayaa waxaa kasoo qaybgalaya 2kun oo qof oo isugu jira mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI, Odayaasha Deegaanka, Qurbajoogta Gobolka Jarareed, Waxgaradka,  aqoonyahanka, culimo-awdiinka, haweenka iyo dhalinyarada islamarkaana kakalasocda degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar.

Hadaba, ujeedooyinka shirkan ayaa waxaa kamid ah sidii xadhiga looga jari lahaa mashruuca biyo galinta dheer ee Birqod-Gunagada ilaa Danood-Gaashaamo iyadoo mashruucan oo isugu jira sadex waji oo waawayn uu 100% dhamaaday wajigiisii koobaad. Kaasoo ah birqod ilaa gunagado islamarkaana ahaa wajigii ugu muhiimsanaa ee mashruucan kanadhigan in hadii lagu guulaystay hirgalinta wajigan koobaad ay aad udhib yartahay hirgalinta wajiga 2aad, 3aad ilaa wajiga 4aad maadaama oo marka ay biyuhu gaadhaan gunagado ay ilaa iyo danood qulqulka biyuhu kusoconayaan kalasaraynta dhulka, iyadoo dhamaystirka wajigan 1,aad ee birqod ilaa iyo gunagado ay mashruucan baaxadiisu dhan tahay 40km oo waraabinaya tuulooyinka udhexeeya 2da degmo, meesha 5tii KM ee kasta loo sameeyay goob-biyood ay dadka iyo xooluhuba kacabi karaan.

Sidoo kale, waxaa xadhiga lagajari doonaa mashruuca kale ee laga hirgaliyay degmada gunagada kaasoo lagu macaaneeyay ceelkii dhanaha noqday ee gunagado laga qoday. Taasoo ah taariikhda abid markii ugu horaysay ee mashruuc noocan ah laga hirgaliyo guud ahaanba dalkeena itoobiya. Waxaa intaa dheer mashruuca dhismaha guryaynta(qodobaha) oo iyana ladhagax dhigi doono.

Ujeedada 2,aad ee kulan-waynahan ayaa noqonaysa in lagu soo bandhigo shirka waxyeeladii ay UBBO ugaysatay shacabka reer jarareed  iyadoo labooqan doono xabaalo-wadareedka ay ku-aasan yihiin 120 qof oo reer jarareed ah oo ay hal maalin ah gudihii UBBO kuxasuuqday Degmadaasi, iyadoo ay goobtaas kahadli doonaan odayaasha, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, eheladii iyo qaraabadii ay dishay gacanta kaxaq daran ee UBBO.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo bandhigi doonaa dadkii reer jarareed ee ay laxaadkooda UBBO kanaafaysay, agoontii reer jarareed ee waalidkood UBBO laysay, gabdhihii ay kufsadeen iyo dhamaan waxyeeladii ay UBBO ugaysatay shacabka reer jarareed oo dhan sida xasuuqii cobale iwm. Waxaana kahadli doona qaar kamid ah xubnihii UBBO ee xasuuqa gaystay islamarkaana udhashay gobolka jarar.

Waxaan iyana meesha kamadhnayn in la isbarbardhigi doono waxqabadka iyo horumarka kajira guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan degmada gunagado oo kamid ah meelaha ay xasuuqa ba’an kagaysatay UBBO.

Dhanka kale waxaa lasoo bandhigi doonaa waxyeeladii iyo kufsigii ay itixaadku ugaysteen shacabka reer jarareed.

Iskusoo wadaduuboo, xadhig-kajarka mashruucan biyo-galinta ayaa kusoo hagaagay xili uu roobkii dayrtu daahay oo ay roob yaraani kajirto deegaanka islamarkaana bulshada deegaanku ay kujiraan roob-doon iyo alla bari isagoo lafilayo inuu wax badan katari doono xaalada isbadalka cimilada Elino ee roob yaraanta keenta.

MW CMW Oo U Amba Baxay Magaalada Dire Dawa

$
0
0

Diredawa(Cakaaranews) Axad 27ka November 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan oo heer deegaan ah ayaa dhinaca xarunta deegaanka ooga amba baxay dhanka magaalada dire dawa halkaas oo uu kaga qayb gali doono shir ku saabsan sii dardar galinta qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo sii xoojinta arimaha nabadgalayada iyo xuduudaha.

Wixii faahfaahin danbe kalasoco warkaanaga www.cakaaranews.com

Munaasabad Lagula Kala Wareegayay Agab Caafimaad Oo Ka Dhacday jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Axad, 27da November, 2016. Marwo Maariya Cumar Cali oo ah muwaadinad u dhalatay DDSI  kana mid ah qurba joogta DDSI ee ku   dhaqan wadanka Sweden ayaa deegaanka soo gaadhsiiyay agab kala duwan oo ay ugu talagashay  adeegyada caafimaadka DDSI waxayna munaasabad lagula kala wareegayay agabka caafimaad ka  dhacday magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city Crown.

Waxaana ka soo qaygalay munaasabadii lagula kala wareegayay agabkan caafimaad masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, maareeyaha wakaalada xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf, maareeye ku xigeenka Ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi maxamed cabdi (dhagalaab)  iyo masuuliyiin kale oo iskugu jirta qurba joog iyo qaran joogba.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo  uga mahad caliyay marwo maariya cumar dareenka wadaninimo ee ay muujisay kuna keentay  agabkan caafimaadka ee ay ka soo iibisay wadanka dibadiisa waxaa kale oo uu wasiirku u mahad celiyay ururka horumarinta soomalida itoobiya oo hirgalisay soo qaaditaanka agabkan caafimaad  oo  soo mariyay masaafo aad u dheer maadaama oo laga keenay wadanka dibadiisa, wasiirka ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay agabkan caafimaad. Isaga oo tilmaamay in uu qayb-wayn ka qaadanayo dadaalada ay xukuumada DDSI  kor ugu  qaadayso tayada iyo fidinta  adeega caafimaadka DDSI.

Dhankeeda marwo Maariya Cumar Cali oo ah qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku nool wadanka Sweden oo ka hadashay munaasabadaasi ayaa ugu horayntii u mahad celisay masuuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegtay in ay tahay xukuumadii hirgalisay is fahanka, wada shaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya qurba joogta iyo deegaanka. Waxaa kale oo ay u mahad celiyay marwo maariya masuuliyiinta ururka horumarinta somalida itoobiya oo suurta galiyay ayay tidhi soo qaaditaankii agabkan. Iyada oo sheegtay in agabkan caafimaad ee ay ku deeqtay deegaanka gaar ahaan xafiiska caafimaadka DDSI uu yahay agab ka  qayb-qaadanaya dadaalada lagu fidinayo adeegyada caafimaadka DDSI.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxay marwo  maariy ku wareejisay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI furayaal iyo  liis ay ku qoran yihiin noocyada kala duwan ee agabka caafimaadka ee ay ku  deeqtay xafiiska caafimaadka DDSI. dhankooda ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska caafimaadka DDSI ayaa iyaguna shahaado sharafyo  gudoonsiiyay marwo maariya cumar, iyada oo  dhinaca kale xafiiska caafimaadka DDSI uu hadhimo sharafeed u sameeyay marwo maariya cumar cali iyo xubno kale oo qurba joog ah.

Kulan Lagaga Hadlayay Horumarka Iyo Nabadgalyada Oo Ka Dhacay MM Dhagaxbuur.

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews),Talaado, 18ka October, 2016. Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur.

Kulankaas oo loo qabtay  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan mm dhagaxbuur ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin hogaan ku xigeenka nabadgalayda, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.

Waxaana kulankaasi ka hadlay hogaan kuxigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak oo sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha horumarineed nabadgalyo iyo maamul wanaaga u dajisan xukuumada DDSI. wuxuuna u sheegay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay yihiin mulkiila yaasha hawlaha horumarka iyo nabadgalyada, hirgaliyayaasha iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. Wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay sii xoojiyaan hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Waxaa kale oo ka hadlay kulankaa gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xasan suufi kuwaasi oo ka warbixiyay  guulaha ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ka soo hooyeen qorshayaasha horumarka ee u dajisanaa  loona baahan yahay in la sii xoojiyo si loo  loo tir tiro saboolnimada looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay sii  xoojinayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka  iyo nabadgalyada.


Ogaysiis: UHSI Ee Waqooyiga America

$
0
0

America ( Cakaaranews ) Talaado 18ka October 2016. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada DDSI ee ku dhaqan waqooyiga America inay kasoo qaybgalaan xaflad lagu daah furayo ururka horumarinta somaalida itoobiya laanteeda magaalada  St. Cloud MN oo 23ka bishan ka dhici doona NY GYRO @ 3rd AND 33rd St NORTH St Cloud .

Wixii faahfaahin ah kalaxidhiidh; Gudoomiye kuxigeenka ururka horumarinta somaalida itoobiya ee waqooyiga America Mudne Faarax Xuseen Fure;3203105918 Iyo Gudoomiyaha haayada laanteeda St. Cloud mudane Bacalaad; 6122423453.

Degmada Qabridahar Oo Geedka Garanwaaga ah Si Balaadhan Loo Gubay

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco 19ka October 2016. Bulshada kudhaqan centerka buundada qoraxay oo ay waheliyaan qaar kamid ah  maamulka degmada qabridahar iyo waliba qaar kami ah saraakiisha ciidanka booliska heer gobol iyo heer degmo ayaa siwada jir ah hal si balaadhan ugubay geedka garanwaaga ah ee sida wayn uga baxay dhulka kaasoo aan wax nacfi ah ulahayn dad iyo duunyaba islamakaana dhibaato ba’an ku haya dhulka iyo waxsoosaarkiisa.

Hadaba, ol’olahan lagu gubayay geedka garanwaaga ah ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay gudoomiyaha degmada qabridahar mudane Cabdulaahi shekh Axmed oo sheegay in geedkani dhibaato kuhayo waxsoosaarka dhulka islamarkaana uu yahay geed dhulkii qaatay oo meeshuu kabaxo aan wax kale kazoo baxaynin. Wuxuuna xusay in bulshada, maamulka, iyo ciidamada booliska gobolku ay siwada jir ah ugubeen geedo farabadan oo ah geed ka garanwaaga ee sida ba’an uga baxay centerka buundada qoraxay.

Gudoomiyaha ayaana tilmaamay in kadib markay xukuumadu kudhawaaqday ay wacyigalin balaadhan kabixiyeen dabargooynta geedkan garawaaga iyagoo kamaamul ahaan iyo bulshaduba ay olole kalduwan oo kala wakhti ah ay kuqaadeen tirtirida geedkan.

Sikastaba ha ahaatee geedkan ayaa ah mid kabaxay meelo badan oo deegaanka ah islamarkaana dhibaato ku ah dadka iyo duunyada labadaba.

Xidhitaanka Xafladii Ururka Ardayda Midowga DDSI

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco 19ka October 2016. Xaflad balaadhan oo loosoo xidhayay ururka ardayda midowga DDSI ee ku midoobay tabuuracaadka ardayda kala duwan ee deegaanka iyo siduu kor ugusoo qaadi lahaa dugsiyada kaladuwan ee DDSI islamarkaana baryihii ugu danbeeyay ku howlanaa dhanka waxbarashada, wacyigalinta bulshada,iyo isku xidhka dhalinyarta iyo sidoo kale ilaalinta bilicda deegaanka. Ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan, Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI, Mudane Xasan Ismaaciil, Wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta marwo Raxma Maxamuud Haybe, Wasiirka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha mudane Maxamed Bile iyo ururka ardayda midowga DDSI.

Hadaba xiritaankii xafladan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan oo ugu horayn u mahad celiyay ururka ardayda midowga DDSI oo sanad walba ardayda deegaanka ku caawiya labada bilood ee fasaxa ah sidoo kalana kor uqaaday tayadii ardayda mudadii uu ururku aasaasnaa. Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku intaa ku daray inay ururku waxqabad buuxa ka qabtay waxbarashada mudadii uu aasaasnaa. Isagoo sidoo kale xusay inay balantii ay kasoo baxeen,

Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii kale ee kasoo qaybgalay xaflada xidhitaanka oo sheegay in uu ururuku ay ka qaybqaateen waxqabadyo kale duwan oo dhanka horumarka ah iyo ka qaybqaadashada bulshada iyagoo ururka mudadii ugu danbaysay kasoo hoyiyay dhanka waxbarashada guulo wax ka ool ah.  

 

Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal ku wajahan dhinaca Wax Soo Saarka Beeraha.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Arbaca, 19ka October, 2016. Wasiir ku xigeenka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay  in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay fulinta qorshihii  dhinaca wax soo saarka beeraha.

Wuxuuna, sheegay wasiir ku xigeenku in isteraatijiyada iyo yoolasha horumarineed ee lagu hirgalinayo nidaamka warshadaha ay tahay mid lagu hagayo ama lagu gaadhayo kobcinta awooda dhinaca wax soo saarka beeraha.isaga oo  tilmaamay wasiir ku xigeenku in deegaankeenu xaqiijiyay dhisita iyo xoojinta awooda fulineed ee dhinaca wax soo saarka beeraha oo ah tubta kaliya ee lagu gaadhayo horumar waara, joogtaysan oo dhinaca kasta leh islamarkaana ay tahay nidaamka lagu tir tirayo  saboolnimada.  

Waxaa kale oo uu sheegay wasiir ku xigeenku in xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  in uu dhamays tiray diyaarinta nidaamkii ay bulshada uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka dalaga kala duwan ee dhinaca beeraha gaar ahaan dhinaca qabadinka taasi oo looga faa’iidaysanayo  waraabka wabiyada deegaanka, kaydinta biyaha cirka iyo soo saarista biyaha dhulka hoostooda. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray wasiir ku xigeenku in wax soo saarkii dhinaca calafka xoolaha ee sanadkii hore ka soo go’ay Gobolka Shabeele  uu wax wayn ka qaybtay abaarihii ay keentay cimilada isbadashay ee saameeyay qaarka mid ah gobolada deegaanka iyo deegaanada dariska.

Ugu danbayntii waxa uu wasiir ku xigeenku sharax ka  bixiyay in xudunta istaraatijiyadeed ee qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaaluhu tahay, fulinta kobcinta awooda wax soo saarka beeraha iyada oo looga faa’iidaysanayo tabaha casriga ah. 

Mashruuca PCDP Oo Gawaadhi Gudoonsiiyay 16 Degmo

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis 20ka October 2016. Mashruuca horumarinta bulshada heer guuraaga DDSI ee loosoo gaabiyo PCDP ayaa 16 gaadhi gudoonsiiyay 16 degmo oo kamid ah 54 degmo ee mashruucani ka howlgalo. Waxayna 16 gaadhi kamid yihiin 47 gaadhi oo uu xafiisku soo iibiyay islamarkaana 16 kamid ah soo gadheen deegaanka.

Hadaba masuuliyiinta PCDP ayaa si rasmi  oogu wareejiyay furayaashii gawaadhida wakiiladii ka socday 16 degmo oo kamid ah 54 degmo ee uu ka howlgalo mashruucu, Waxaana ugu horayn ka hadlay wareejinta gaadiidkan kusimaha maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada heer guuraga ee PSDP ahna agaasinka habnololeedka mashruuca PCDP ee DSSI mudane cabdiraxmaan siyaad ibraahim oo sheegay inay ku wareejinayaan 16 gaadhi oo kamid ah 47 gaadhi ee uu xafiisku soo gaday si loo fuliyo 561 mashruuc oo kaladuwan oo isugu jira biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, jidadka  iyo adeegyada kale ee bulshada aasaasiga u ah, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in 16 gawaadhi eega lasiiyay degmooyinka ugu darnaa dhanka adeeg bixinta ee bilaa gaadiidka ahaa iyadoo todobaadka danbe ay soo gaadhi doonaan 16kii gaadhi ee wajiga 2aad.

Ugu danbayna wuxuu agaasinka kula dardaarmay wakiilada kasocday degmooyinkan lagu wareejinayay gawaadhida inay ugu adeegaan sidii loogu talagalay islamarkaan ay ilaaliyaan gaadiidka.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>