November 25, 2016, 6:18 am
Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 25ka November 2016. Kulan si heer sare ah uu usoo agaasimay xafiiska cafiimaadka DDSI oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka xafiiska caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil, Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV AIDS DDSI marwo kaamilo Axmed Nuur, Dhamaan xafiisyada bahwadaagta xafiiska caafimaadka iyo ha’yadaha aan dowliga ahayn ee bahwadaagta la ah islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada baadhitaan balaadhan oo HIV AIDS ka ah loogu samayn laha ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xamda Hotel.
Waxaana kulankan ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil oo sheegay inuu kulan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa in dhamaan bulshada deegaanka lagu sameeyo baadhitaan si looga hortago cudurkan dilaaga ah ee HIV AIDS islamarkaana looga hortagi lahaa ama lagu dawayn lahaa dadka uu saameeyo xanuunkan, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kulankan laga soo dhexsaari doona qaabka ugu fiican ee baadhitaan guud loogu samayn karo bulshada deegaanka islamarkaana xalwaara looga keeni lahaa cudurkan dilaaga ah.
Sidoo kale waxaa iyana kulanka ka hadashay Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV AIDS DDSi marwo kaamilo Axmad Nuur oo sheegtay inuu kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in lala halgamo cudurkan dilaaga maadaamo uu soo dhawyahay xuskii maalinta HIV AIDS ee Dalka.
↧
November 25, 2016, 6:59 am
Musatxiil(Cakaaranews)Jumce, 25ka November 2016. Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI oo ka duulaya qorshayaasha horumarineed ee ku aadan horumarinta beeraha iyo waliba sidii bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah ay ugaadhi lahaayen isku filaansho cunto ayaa xafiisku labo gobol oo deegaanka ah udiray koox daraasaad ka samaynaysa waxyeelada cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya Dalaga islamarkaana si rasmi ah uga wada goboladaas shaqooyinkii daraasaadka.
![]()
Hadaba, madaxa kooxda daraasaadka kawada gobolada shabeele iyo qoraxeey ahna Madax- Kooxeedka Waxsoosaarka Dalaga iyo Kahortaga Cudurada kudhaca dalaga ee Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Cabdifataax Makhtal ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay kusuganyihiin tuulada jiic ee hoostimaada degmada mustaiil islamarkana ay badhtanka ugu jiraan daraasaad kusaabsan cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya dalaga. Wuxuuna intaa kudaray in daraasaadkan ay kasamaynayaan degmooyinka hoosyimaada gobolka shabeele.
Wuxuuna tilmaamay in si wanaagsan ay ugu socoto shaqadii daraasaadku islamarkaana ay rajaynayaan in natiijada shaqadoodu noqon doonto mid wax ku ool ah, faa’iido balaadhana u leh bulshada xoolodhaqato-beeralayda ah ee ku dhaqan gobolada Shabeele iyo Qoraxey. wuxuuna carabka kudhuftay in xafiiska ay qorshaha ugu jirto in dhamaan Gobolada laga sameeyn doono daraasaadka noocan ah.
![]()
Ugudanbayna qaarkamid ah kooxda daraasaadka wada ayaa xusay in shaqadani ay tahay shaqo muhiim ah oo ay u baahanyihiin bulshada xooladhaqato-beeralayda ah ee kunool gobolka shabeele
↧
↧
October 16, 2016, 7:14 am
Jigjiga(cakaaranews)axad 16ka October 2016.Tababar ujeedadiisu tahay wacyi galinta iyo kahortagida cudurka HIV AIDS ka ayaa loo qabtay qaar kamid ah ardayda dhigata dugsiga udiyaargarawga jaamacadaha dalka ee maamulka magaalada jigjiga.
Hadaba, Tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaarananews uga warbixiyay sargaalka xakamaynta HIV AIDS ee xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV AIDS mudane yaasiin subcis oo sheegay in tababarkani uu yahay mid sanadkasta oo cusub ardayda looqabto islamarkaana aradayda lagaga wacyigaliyo cudurka dilaaga ah ee aan dawada lahayn ee HIV AIDS si ardaydu uga digtoonaato.
Wuxuuna khabiirku intaa kudaray in tababrkan looqabtay ardayda dhigata preparotoy schoolka ee maamulka magaalada jigjiga oo ay waheliyaan (Anti HIV Club) kuwaasoo kadhisan dugsiga.
Ugudanbayna sargaalka ayaa xusay in tababarkan ay uqabteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 120 arday islamarkaana dhamaan dugsiyada ay kaqanban doonaan tababar noocan ah.
↧
October 16, 2016, 7:50 am
Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 16ka October, 2016. Waxaa guud ahaanba maalinta Bari laga xusayaa dalkeena itoobiya gaar ahaan deegaanka somaalida itoobiya munaasabada sanad guurada 9aad ee xuska maalinta calanka jamuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya.
Munaasabadan xuska maalinta calanka jamuuriyada dimuqraadiga fadaraalka itoobiya oo sanadkasta dalka laga xuso bisha Tikimti todobadeeda oo ku beegan maalinta barito ah ayaa ah maalin ay xusitaankeedu ku wayn tahay dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaan shacabwaynaha DDSI. Waxaana magaalada jigjiga ee xarunta deegaanka soomalida itoobiya iyo guud ahaan deegaan maalmihii ugu danbeeyay siwayn looga dareemayaa diyaar garowga balaadhan ee loogu jiraa soo dhawaynta iyo xusitaanka munaasabadan.
Xukuumada DDSI XDSHSI iyo shacabka DDSI ayaa si meeqaam sare ah ugu diyaar garoobay musaanadadan sanad guurada 9aad ee xuska maalinta calanka Qaranka.
↧
October 16, 2016, 12:03 pm
Dhagaxbuur(cakaaranews), Axad, 16ka October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur tababar muddo shan maalmood ah u socday xubnaha iskaashatooyinka ka hawlgala MM dhagaxbuur.
Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI oo kaashanaya wakaalada horumarinta shirkadaha yar yare e DDSi ayaa waxaa xafladii lagu soo xidhayay ka soo qaybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Xaxane Cilmi, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.
Waxaana ugu horaynii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan wuxuna sheegay in uu ahaa tababar kor loogu qaadayay xirfada aqooneed ganacsi ee iskaashatooyinka si ay u noqdaan iskaashatooyink wax soo saarkoodu aad u taya sareeyo. Wuxuuna ku booriyay xubnaha qaatay tababarka in ay aqoontii ay ka barteen tababarkan kaga faa’iidaystaan kor u qaadida xirfada ganacsigooda.
Waxaa kale oo ka hadlay xidhitaankii tababarkan gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarku iyo siyaabaha ay xubnaha iskaashatooyinku uga faa-iidaysanayaan waxayna ku booriyeen in ay faa’iidada ay tababarkan ka heleen uu noqdo mid wax soo saara oo midho dhala.
↧
↧
October 17, 2016, 4:49 am
Jigjiga(cakaaranews)isniin 17ka October 2016. Dugsiga hoose- dhexe ee wiil waal ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si rasmi ah u bilaabay waxbarashadii sanad dugsiyeedka 2009 TI iyadoo ardayda ladiwaangaliyay islamarkaana waxbarashada bilawday ay kor u dhaafyso 500 arday oo isugu jira lab iyo dhadig.
Hadaba Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee wiilwiil mudane khadar rashiid weerar oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilaabeen waxbarashadii sanad dugsiyeedka 2009 T.I. wuxuuna intaa kudaray in ardayda ladiwaangaliyay sanadkan ay gaadhay 5353 arday kadib markii dadaal wacyigalin ah oo balaadhan ay siwada jira ah usameeyeen xafiisyada heer deegaan ilaa hee qabale.
Wuxuuna tilmaamay maamuluhu in dugsigu uu bilaabay waxbarashada baahida gaarka ah ee looyaqaano (especial need) taas oo wax lagubarayo ardayda laxaadka la’a.
Ugudanbayna, waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah macalimiinta dugsiga hoose dhexe ee wiil waal oo sheegay in ay sii labo jibaarayaan dadaalkooda ku aadan tayaynta waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2009 T.I .
↧
October 17, 2016, 6:17 am
Jigjiga(cakaaranews),isniin, 17ka, October, 2016. waxaa maanta si meeqaam sare ah looga xusay guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya caasimadiisa jigjiga munaasabada 9,aad ee xuska maalinta calanka jamhuuriyada dimoqraadiga faderaalka itoobiya.
Hadaba, munaasabadan xuska oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI, Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ,ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, maareeyayaasha wakaalada DDSI, shaqaalaha kaladuwan ee xafiisyada heer deegaan, odayaasha dhaqanka deegaanka, waliba qurba joogta DDSI ee ku sugan jigjiga. Iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.
Waxaana ugu horaynii ka hadlay munaasabadan xuska maalinka calanka qaranka Madaxwaynaha DDSI mudane madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si qoto dheer ugu warbixiyay ahmiyada ay leeyahay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaana ugu horayntii u hanbalyeeyay guud ahaanba shacabka reer itoobiya gaar ahaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tahay maalin ay xusitaankeedu ku wayn tahay quluubta iyo qalbiyada dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaana shacabka DDSI. Wuxuuna madaxwaynahu intaa kudaray in calanku uu yahay astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madaxbanaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka shucuubta kala duwan ee dalkeena itoobiya. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay soolyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka dhibaatooyinkii iyo cadaadisyadii ay shacabka reer itoobiya ku soo hayn jireen talisyadii boqortooyadii iyo tii dhargiga. Wuxuuna ku booriyay shacabka DDSI in ay sii xoojiyaan hirgalinta hawlaha horumarka gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.
Waxaa sidoo kale heeso iyo gabayo soo bandhigay Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI oo ku soo bandhigay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka heeso iyo dhaantooyin si wayn loogu kacay oo ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay calanka qaranku.
↧
October 17, 2016, 7:53 am
Tuliguuleed(cakaaranews)isniin 17ka October 2016.Mas’uuliyiin kasocotay xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI ayaa booqasho indho indhayn ah u tagay noocyada waxsoosaarka beeraha ee Iskaashatada tacab ay kafulisay degmada tuliguuleed.
Hadaba, Gadh/wadeenka G/Socdka Fidinta beeraha iyo farsamooyinka casriga ah ee Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiicga ah mudane Axmednuur Mahad Cali oo u waramay warbaahinta deegaank ayaa sheegay in ay lakulmeen waxsoosaar balaadhan oo dhinaca beeraha oo ay sameeyeen iskaashatada Tacab ee kadhisan degmada tuliguuleed. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in iskaashatadu dadaal balaadhan ay samaysay islamarkaana ka xafiis ahaan uu dadaal kagaystay. Wuxuuna bogaadiyay in wadooyinka horumarka ay ugu muhiimsantahay waxsoosaarka beeraha isku filaanshana lagu gaadhikaro iyadoo siyaasada dalkuna ay tahay bulshada reerguuraaga ahi in ay noqdaan bulsho xoolodhaqato beeralay ah.
Sidookale waxaa iyana dhankooda kahadlay iskaashatada tacab oo sheegtay in wakhti xaadirkan ay goynayaan beeraha usoogoy oo ay kamid yihiin calafka xoolaha ee looyaqaano (sudan grass) waxaakale oo ay xuseen iskaashatadu in dalag yada ay beerteen ay kala yihiin galayda nooca Malkaso 1 iyo malkaaso2 iyo waliba khudaarta noocyadooda kaladuwan. Waxayna caraba kudhufteen in iskaashatado ay gaadhay isku filaansho islamarkaana ay kor usiiqaadayaan waxsoosaarkooda.
Iskusoowada duuboo wax soosaarka beeraha noocyadiisa kaladuwan ayaa ah mid Xukuumada DDSI ay xooga saartay 5tii sano ee udanabaysay iyadoo bulshadii xoolo dhaqatada ahee ee dagan 4ta gobol ee wabiyadu maraan laga dhigay xoolo dhaqato beeralay si looga baxo gaajada islamarkaana looga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay.
↧
October 18, 2016, 7:36 am
![]()
Jigjiga ( Cakaaranews ) Talaado 18ka October 2016.Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay kulan ay si wadajir ah isaga kaashadeen xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamada iyo xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ay kami yihiin wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan iyo gadhwadeenka geedisocodka fidinta warshadaha iyo gudbinta farsamooyinka casriga ah ahna kusimaha xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamada DDSI mudane Muxiyadiin Xuseen, dhalinyarada federationka gobalka faafan iyo dhalinyarada federationka maamulka magaalada jigjiga. Iyadaa ujeedada kulunku uu ahaa sidii dhalinyarada loogu abaabuli lahaa sidii ay ooga qayb qaadan lahaayeen isdiiwaan galinta sanada cusub ee 2009TI kuliyadaha xirfadaha ee deegaanka si markaa loo jabiyo cadowga 1aad ee saboolnimada iyo waliba fikradaha mashaqaystanimada ah.
![]()
Hadaba kulankan wacyigalinta ah ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan oo ugu horayntii umahad celiyay kasoo qaybgalayaasha kulankan sidoo kalana kawar bixiyay in qorshahan kamid yahay sidii loo jabin lahaa cadowgeenka 1aad ee saboolnimadka iyo fikirka ma shaqaysta nimadka si loo gaadho horumar taam ah, Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in wax walba oo lagu dadaalo laqaban karo.
Dhanka kale waxaa isana dhankiisa kawarbixiyay G/G/ fidinta warshadaha iyo farsamooyinka casriga ah ahna kusimaha xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamada mudane Muxiyadiin Xuseen oo sheegay inuu xisbigeenu xooga saaray titiridasaboolnimada sidoo kalana dhalinyarada looga baahan yahay siday ooga qayb qaadan lahaayeen fursadaha kaladuwan ee dhalinyarta loogu samaynayo shaqo abuurka llona baahnayahay inay kafaaiidaystaan nidaamka tvetka.
Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah urarka dhalinyarta gobalka faafan iyo Ururka dhalinyarta M.M jigjiga oo sheegay inay ka faa’iidaysanayaan fursada qaaliga ah ee ay maanta Haystaan iyagoo xusay inay diyaar uyihiin inay ka qaybqaataan qorsha yaasha lagu dabargoynayo Cadowgeena 1aad ee saboolnimadka . Waxayna intaa ku dareen inay isdiwaangalin donaan una sii Gudbin doonaan dhalinta kale si ay Ooga faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah ee maanta diyaar ulatahay Xukuumada DDSI inay dhalinteeda la Garab tagaantahay wax walba oo ay heer ku gaadhayaan Dhalinyarada DDSI.
↧
↧
October 18, 2016, 8:27 am
Dhagaxbuur(cakaaranews),Talaado, 18ka October, 2016. Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur.
Kulankaas oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan mm dhagaxbuur ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin hogaan ku xigeenka nabadgalayda, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.
Waxaana kulankaasi ka hadlay hogaan kuxigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak oo sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha horumarineed nabadgalyo iyo maamul wanaaga u dajisan xukuumada DDSI. wuxuuna u sheegay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay yihiin mulkiila yaasha hawlaha horumarka iyo nabadgalyada, hirgaliyayaasha iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. Wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay sii xoojiyaan hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Waxaa kale oo ka hadlay kulankaa gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xasan suufi kuwaasi oo ka warbixiyay guulaha ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ka soo hooyeen qorshayaasha horumarka ee u dajisanaa loona baahan yahay in la sii xoojiyo si loo loo tir tiro saboolnimada looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed.
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo nabadgalyada.
↧
October 18, 2016, 12:00 pm
![]()
America ( Cakaaranews ) Talaado 18ka October 2016. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada DDSI ee ku dhaqan waqooyiga America inay kasoo qaybgalaan xaflad lagu daah furayo ururka horumarinta somaalida itoobiya laanteeda magaalada St. Cloud MN oo 23ka bishan ka dhici doona NY GYRO @ 3rd AND 33rd St NORTH St Cloud .
Wixii faahfaahin ah kalaxidhiidh; Gudoomiye kuxigeenka ururka horumarinta somaalida itoobiya ee waqooyiga America Mudne Faarax Xuseen Fure;3203105918 Iyo Gudoomiyaha haayada laanteeda St. Cloud mudane Bacalaad; 6122423453.
↧
October 19, 2016, 10:21 am
Qabridahar(cakaaranews)Arbaco 19ka October 2016. Bulshada kudhaqan centerka buundada qoraxay oo ay waheliyaan qaar kamid ah maamulka degmada qabridahar iyo waliba qaar kami ah saraakiisha ciidanka booliska heer gobol iyo heer degmo ayaa siwada jir ah hal si balaadhan ugubay geedka garanwaaga ah ee sida wayn uga baxay dhulka kaasoo aan wax nacfi ah ulahayn dad iyo duunyaba islamakaana dhibaato ba’an ku haya dhulka iyo waxsoosaarkiisa.
Hadaba, ol’olahan lagu gubayay geedka garanwaaga ah ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay gudoomiyaha degmada qabridahar mudane Cabdulaahi shekh Axmed oo sheegay in geedkani dhibaato kuhayo waxsoosaarka dhulka islamarkaana uu yahay geed dhulkii qaatay oo meeshuu kabaxo aan wax kale kazoo baxaynin. Wuxuuna xusay in bulshada, maamulka, iyo ciidamada booliska gobolku ay siwada jir ah ugubeen geedo farabadan oo ah geed ka garanwaaga ee sida ba’an uga baxay centerka buundada qoraxay.
Gudoomiyaha ayaana tilmaamay in kadib markay xukuumadu kudhawaaqday ay wacyigalin balaadhan kabixiyeen dabargooynta geedkan garawaaga iyagoo kamaamul ahaan iyo bulshaduba ay olole kalduwan oo kala wakhti ah ay kuqaadeen tirtirida geedkan.
Sikastaba ha ahaatee geedkan ayaa ah mid kabaxay meelo badan oo deegaanka ah islamarkaana dhibaato ku ah dadka iyo duunyada labadaba.
↧
October 19, 2016, 12:10 pm
![]()
Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco 19ka October 2016. Xaflad balaadhan oo loosoo xidhayay ururka ardayda midowga DDSI ee ku midoobay tabuuracaadka ardayda kala duwan ee deegaanka iyo siduu kor ugusoo qaadi lahaa dugsiyada kaladuwan ee DDSI islamarkaana baryihii ugu danbeeyay ku howlanaa dhanka waxbarashada, wacyigalinta bulshada,iyo isku xidhka dhalinyarta iyo sidoo kale ilaalinta bilicda deegaanka. Ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan, Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI, Mudane Xasan Ismaaciil, Wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta marwo Raxma Maxamuud Haybe, Wasiirka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha mudane Maxamed Bile iyo ururka ardayda midowga DDSI.
Hadaba xiritaankii xafladan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan oo ugu horayn u mahad celiyay ururka ardayda midowga DDSI oo sanad walba ardayda deegaanka ku caawiya labada bilood ee fasaxa ah sidoo kalana kor uqaaday tayadii ardayda mudadii uu ururku aasaasnaa. Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku intaa ku daray inay ururku waxqabad buuxa ka qabtay waxbarashada mudadii uu aasaasnaa. Isagoo sidoo kale xusay inay balantii ay kasoo baxeen,
![]()
Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii kale ee kasoo qaybgalay xaflada xidhitaanka oo sheegay in uu ururuku ay ka qaybqaateen waxqabadyo kale duwan oo dhanka horumarka ah iyo ka qaybqaadashada bulshada iyagoo ururka mudadii ugu danbaysay kasoo hoyiyay dhanka waxbarashada guulo wax ka ool ah.
↧
↧
October 19, 2016, 2:51 pm
Jigjiga(cakaaranews), Arbaca, 19ka October, 2016. Wasiir ku xigeenka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay fulinta qorshihii dhinaca wax soo saarka beeraha.
Wuxuuna, sheegay wasiir ku xigeenku in isteraatijiyada iyo yoolasha horumarineed ee lagu hirgalinayo nidaamka warshadaha ay tahay mid lagu hagayo ama lagu gaadhayo kobcinta awooda dhinaca wax soo saarka beeraha.isaga oo tilmaamay wasiir ku xigeenku in deegaankeenu xaqiijiyay dhisita iyo xoojinta awooda fulineed ee dhinaca wax soo saarka beeraha oo ah tubta kaliya ee lagu gaadhayo horumar waara, joogtaysan oo dhinaca kasta leh islamarkaana ay tahay nidaamka lagu tir tirayo saboolnimada.
Waxaa kale oo uu sheegay wasiir ku xigeenku in xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI in uu dhamays tiray diyaarinta nidaamkii ay bulshada uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka dalaga kala duwan ee dhinaca beeraha gaar ahaan dhinaca qabadinka taasi oo looga faa’iidaysanayo waraabka wabiyada deegaanka, kaydinta biyaha cirka iyo soo saarista biyaha dhulka hoostooda. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray wasiir ku xigeenku in wax soo saarkii dhinaca calafka xoolaha ee sanadkii hore ka soo go’ay Gobolka Shabeele uu wax wayn ka qaybtay abaarihii ay keentay cimilada isbadashay ee saameeyay qaarka mid ah gobolada deegaanka iyo deegaanada dariska.
Ugu danbayntii waxa uu wasiir ku xigeenku sharax ka bixiyay in xudunta istaraatijiyadeed ee qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaaluhu tahay, fulinta kobcinta awooda wax soo saarka beeraha iyada oo looga faa’iidaysanayo tabaha casriga ah.
↧
October 20, 2016, 5:59 am
Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis 20ka October 2016. Mashruuca horumarinta bulshada heer guuraaga DDSI ee loosoo gaabiyo PCDP ayaa 16 gaadhi gudoonsiiyay 16 degmo oo kamid ah 54 degmo ee mashruucani ka howlgalo. Waxayna 16 gaadhi kamid yihiin 47 gaadhi oo uu xafiisku soo iibiyay islamarkaana 16 kamid ah soo gadheen deegaanka.
![]()
Hadaba masuuliyiinta PCDP ayaa si rasmi oogu wareejiyay furayaashii gawaadhida wakiiladii ka socday 16 degmo oo kamid ah 54 degmo ee uu ka howlgalo mashruucu, Waxaana ugu horayn ka hadlay wareejinta gaadiidkan kusimaha maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada heer guuraga ee PSDP ahna agaasinka habnololeedka mashruuca PCDP ee DSSI mudane cabdiraxmaan siyaad ibraahim oo sheegay inay ku wareejinayaan 16 gaadhi oo kamid ah 47 gaadhi ee uu xafiisku soo gaday si loo fuliyo 561 mashruuc oo kaladuwan oo isugu jira biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, jidadka iyo adeegyada kale ee bulshada aasaasiga u ah, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in 16 gawaadhi eega lasiiyay degmooyinka ugu darnaa dhanka adeeg bixinta ee bilaa gaadiidka ahaa iyadoo todobaadka danbe ay soo gaadhi doonaan 16kii gaadhi ee wajiga 2aad.
![]()
Ugu danbayna wuxuu agaasinka kula dardaarmay wakiilada kasocday degmooyinkan lagu wareejinayay gawaadhida inay ugu adeegaan sidii loogu talagalay islamarkaan ay ilaaliyaan gaadiidka.
↧
October 20, 2016, 8:45 am
Goota-biki(cakaaranews)khamiis 20ka October 2016. Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan islamarkaana ku saabsanaa sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa kaqabsoomay degmada Gootabiki ee Gobolka Siti.
Hadaba, shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Siti mudane Cabdishakuur Aadan Faarax oo sheegay in shirkani yahay mid larabo in lagu kalaqaato jahooyin horumarineed islamarkaana ku qotama kajawaabida baahida shacabka. Wuxuuna gudoomiye kuxigeenka xusay in maanta uu gobolka siti uu maryo meel aad ufiican islamarkaana si balaadhan looga faa'iidaystay horumarka baaxada wayn ee deegaanka ka socda islamrkaana bulshada degmada biki larabo in ay sifiican uga qaybqaataan.
Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay Gudoomiyaha Degmada Goota-Biki Axmed Maxamed Cabdulaahi oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in shirkani kaqabsoomo. Wuxuuna intaa kudaray in bulshada reer biki iyo maamulkuba ay si daacad ah uga wada shaqeeyaan horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban, ee kahanaqaaday dhamaan deegaanka, maadaama oo siwada jir ah in looga shaqeeyo ay lagama maarmaan tahay.
Wuxuuna tilmaamay in dhankooda ka maamul ahaan ay rajaynayaan in ay doorkooda kasoobaxayaan iyagana lagarabo in ay doorkooda kaqaataan.
Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah bulshadii kasooqayb gashay shirka oo sheegay in ay siii xoojinayaan wada shaqaynta maamulka iyo ka shaqaynta horumarka, nabadgalyada iyo maamulkasuuban.
↧
October 20, 2016, 9:01 am
Jigjiga(cakaaranews)khamiis, 20ka, October, 2016. Waxaa ka socda cusbitaalka wayn ee meles memorial Referral hospital ee magaalada jigjiga ol-olaha qaliinka iyo daawaynta indhaha oo ay fulinayaan xafiiska caafimadka DDSI oo kaashanaya jaamacada jigjiga iyo hay’ada DIRECT AID.
Ol olaha qaliinka iyo daawaynta indhaha oo ah mid si bilaa lacag ah uga faa-iidaysanayan bulsho dhan 2,800 oo qof oo ah bulshada ku dhaqan Gobolkan faafan ayaa waxaa maanta warbaahinta deegaanka ka siiyay warbixin dheeriya wasiirka xafiiska caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, wuxuuna sheegay in ol-olahan daawaynta iyo qaliinka indhuhu daba socd fulinta qorshihii xukuumda DDSI ee ahaa in laga tir tiro deegaanka cudurada cudurda keena indho la aanta iyo waliba fulinta qorshihii ay balan qaadeen hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qaybgalay shirwaynihii cudurada dayacan ee dhawaan lagu qabtay caasimada deegaanka ee jigjiga. Wuxuuna wasiirku intaas ku daray in ol olahan hada socda loogu qalayo indhaha in ka badan 800 oo qof halka daawaynta indhaha loo samaynayo 2,000 oo qof. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in ol-olahan qaliinka iyo daawaynta indhuhu sii socondoona lagana fulin doono gobolada kale ee DDSI.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ka faa’iidasanaya qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa aad u soo dhaweeyay ol-olaha qaliinka iyo daawaynta indhaha ee sida bilaa lacagta ah loogaga faa’iideeyay waxayna siwayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI ee hirglisay ol-olahan qaliinka iyo daawaynta indhaha.
↧
↧
October 20, 2016, 11:39 am
Jigjiga, (cakaaranews)khamiis,20ka October, 2016. Wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo xafiiskeeda ugu waramasay warbaahinta deegaanka ayaa sheegtay in xafiiska arimaha haweenka iyo carurta DDSI xaqiijiyay kaalinta miisaanka cusul ee ay haweenka DDSI ka qaadanayaan hirgalinta qorshyaasha horumarineed ee sida xawliga ah uga socda deegaanka.
Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in xafiisku guulo waawayn ka soo hooyay qorshyaashii horumarineed ee yaalay sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaan dhinaca kor u qaadida garaadka siyaasadeed ee haweenka deegaanka, ka qaybgalka haweenka , la dagaalanka iyo tir tirida caadooyinka xux-xun iyo guud ahaanba wacyigalinta. Waxayna sheegtay wasiiradu in xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay ahmiyada gaar ah siiyay kobcinta awooda haweenka ka qaybgalka dhinacyada, siyaasada dhaqaalaha, waxbarashada iyo u abuuritaanka ilaha shaqada ee haweenka deegaanka.
waxayna wasiiradu sheegtay in xafiisku qorshaha sanadkan iyo qorshaha shanta sano xooga saarayo xaqiijinta sidii loo sii xoojin lahaa doorka ay haweenku ku leeyihiin hirgalint qorshayaasha horumarineed gaar ahaan dhinacyada siyaasada iyo arimaha dhaqaalaha si looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed ee u dajisan deeganka iyo dalkaba.
↧
October 21, 2016, 8:10 am
![]()
Jigjiga ( Cakaaranews ) Jumce 21ka October 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI oo ay kasoo qaybgaleen 6da ismaamul magaalo iyo haweenka federationka gobalka faafan tiradooduna dhanayd 100 xubnood islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii loola dagaalami lahaa tacadiyada ka dhanka ah ee loo gaysto haweenka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
![]()
Hadaba wasiir ku xigeenka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta mudane Cabdifataax Axmed Gamaadiid oo ugu horayn ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa sheegay inuu ujeedada tababarkan yahay sidiila la isaga ilaalin lahaa loolana dagaalami lahaa tacadiyada kadhanka ah ee xuquuqda aadamaha ee loogaysto haweenka oo ay kamid tahay gudniinka fircooniga ah, guurka degdega ah, Iyo dhaqmaan cadooyinka xun xunka ah ee loogaysto dumarka. Wuxuuna wasiir kuxigeenku kula dardaarmay kasoo qaygalayaasha in tababarkan laga faaiidaysto lana ilaaliyo saacda cashirka mudada uu tababarku socdo.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarkan oo sheegay inay ka faaiidaysan doonaan mudada uu tababarku socdo islamarkaana ka dhaqan galin doonaan goobiihii ay ka kala yimaadeen.
↧
October 21, 2016, 8:37 am
Jigjiga(cakaaranews)Jimce 21ka, October 2016. Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen Wasaarada Arrimaha Haweeka iyo Caruurta JDFI iyo Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay in sanad dugsiyeedka 2009 T. I lageeyo caruurta dadoodu gaadhay dugsiyada waxbarashada iyo waliba diwaangalinta marxladaha muhiimka ah ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka 2aad ee isla xafiiska.
Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiir kuxigeenka Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI mudane Cabdifataax Axmad Gamaadiid oo sheegay in tababarkan lagu baran doono casharo kusaabsan diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah iyo waliba in caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada lageeyo dugsiyada. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan ay kasooqaybgaleen xubno kasocda xafiisyada kaladuwan, wakaaladaha deegaanka iyo waiba xubno kasocda baarlamaanka caruurta DDSI.
Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in kasoo qaybgalayaasha tababarku ay sifiican uqaatan casharada inta uusocdo tababarku isamarkaana ay usii gudbiyaan haayadihii iyo xaafidihii ay kayimadeen isagoo xusay in tababarkuna uu socon doono mudo 2 maalmood ah.
Ugudanbayna khabiir kasocday wasaarada ayaa hadalo muhiim ah kasoojeediyay goobtaas isagoo sheegay in wasaaradu ay ku hawlantahay sidii caruurta dalka kor loogu qaadi lahaa haday tahay waxbarashadooda iyo haday tahay daryeel labadaba. wuxuuna tilmaamay in tababarkiina kii ugu horeeyay ahayn islamarkaana uusan noqon doonin kii ugu danbeeyay.
↧