Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 123141 articles
Browse latest View live

Tababar U Socday Xubno Ka Mid Ah Ciidanka Booliska Gaarka Ah Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), sabti, 22ka, October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay  magaalada jigjiga ee xarunta DDSI gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar in muddo ah u socday 40 xubnood oo laga soo  kala xulay  ciidanka booliska gaar ah ee DDSI.

Tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii xubnahan ciidanka booliska  gaarka fahan buuxa looga siin lahaa  nidaamka barish barasho ee macalin nimada iyo manhajka cusub ee ciidanka booliska gaarka ah, ayaa waxaa xafladi lagu soo xidhayay ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid haayir Xasan, hogaanka nabadgalyada  maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Xasan Ismaaciil , taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI mudane General Cabdiraxmaan Cabdilaahi Buraale, maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen,  mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) iyo masuuliyiin kale.

Waxaana, ugu horayntii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, oo sheegay in tababarkan yahay mid ku salaysan nidaamka barisbarasho ee macalimiinta ciidanka booliska gaarka ah iyo barashada manhajka cusub ee ciidanka booliska gaarka ah. Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI ay si deg deg ah uga guul gaadheen xasilinta nabadgalyada guud ahaanba deegaanka. Sidoo kalena ay si deg deg ah uga guul gaadhitoonaan dhinaca tayada waxbarashada ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI.

Waxaa kale oo ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan hogaanka nabadgalayda maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada uu  leeyahay tababarkan maanta loo soo gabagabeeyay ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI. isaga oo ku booriyay xubnahan qaatay tababarku in ay sidii loogu talagalay u meel mariyaan aqoontii ay ku barteen tababarkan ee dhinaca nidaamka baris barasho iyo hirgalinta manhajka cusub ee ciidanka booliska gaarka ah.

Dhankiisa waxaa kale oo ka hadlay xafladii lagu soo xidhayay tababarkan taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI general Cabdiraxmaan Cabdilaahi Buraale oo sheegay in ay ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI sanadihii hore xooga saarayeen xasilinta amaanka deegaanka  taasi oo ay hada u heleen fursad waxbarasho iyo manhaj cudub oo ay leeyihiin ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI.

Maareeyaha kuliyada macalimiinta DDSI mudane Maxamuud Ahmed Nuur(heeryo) ayaa sharax dheerka bixiyay cashiradii ay ku qaadanayeen xubnaha ciidanka booliska gaarka ah mudadii uu tababarku u socday wuxuuna sheegay in ay qaateen cashiro ay ka mid yihiin aqoonta maadooyinka dugsiyada hoose ilaa sare, hogaaminta waxbarashada qaybaheeda kala duwan iyo cashiro kale.

Ugu danbayntii waxaa la gudoonsiiyay xubnaha  ciidanka booliska gaarka ah  shahaadooyin Cadaynaya  aqoontii ay barteen mudadii uu tababarku u socday. 


MW CMC Oo Kulan La Yeeshay Shaqaalihii Hormuudka Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Sabti 22ka October 2016.madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalihii hormuudka ahaa ee ku xaraysnaa macadka maaraynta DDSI, Isagoo usheegay in mudadii 5ta bilood ahayd ee ay xaraysnaayeen la barayay siday ku noqon lahaayeen hogaamin degmo iyo waliba nidaamka hogaamintu ushaqayso. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in maanta dhamaantiin aad gacmihiina ku qaadanaysaan bakhtiyaanasiibkiina .

 Waxaana  sidii horayba uga dhici jirtay hoolka shirarka ee sayid maxamed  ee ahayd gacantaada isku shaqaalaysii oo kale uga   qabsoomay gacantaada hogaamin degmo ku qaado hool kamid ah hoolalka shirarka ee macadka maaraynta DDSI. Hadaba hogaamintan oo ahaa aradaydii horay loogu dhaadhiciyay degmooyinka kala duwan  deegaanka isuguna jiray degree iyo diploma  tiradooduna tahay 406 xubnood oo laga soo xulay dhamaan degmooyinka  deeganka islamarkaan kasoo shaqeeyay goobihii lagu shaqaalay siiyay ayaa maanta loo dhigay bakhtiyaanasiibkii ay horay uqaateen oo kale tasoo shaqasi walba gacantiisa ku qaatay ama ku hadhay inuu hogaamin degmo noqdo . Waxaana 406 xubnood ee loo dhigay bakhtiyaa nasiibka ka helay inay noqdaan hogaamin degmo 255 xubnood iyadoo xubnaha aan helina ay shaqadoodii hore kulaaban doonaan islmarkaana ay noqon doonaan hogaaminta degmoyinka DDSI ee mustaqbalka.

Sikastaba ha ahaatee xubnahan loo dhigay bakhtiyaanasiibka ayaa ah kuwo lagu soo xulay shaqo wanaag iyo amar qaadasho iyagoo goobihii lagu qoray kasoo shaqeeyay in muda ah islamarkaan looga yeedhay goobihii shaqo ee ay ku sugnaayeen  si eex iyo ni jeclaysiba ka reebantahay.

Ugu danbayna waxaa dareen kooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii hogaaminta degmooyinka ee bakhtiyaa nasiibka qaatay oo sheegay inay aad iyo aad ugu farxasanyihiin bakhtiyaa nasiibka la qaadanayo taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan kana reebantahay eex iyo nin jeclaysi. Waxayna intaa ku dareen in qof walba gacantiisa uu wax ku helay ama kuwaayay .

MW CMC Oo U Amba Baxay Gobalka Erer

$
0
0

Waangey (Cakaaranews ) Axad 23ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya  wafti balaadhan ayaa saaka xarunta deegaanka uga amba baxay dhinaca gobolka erer, Isagoo sii mari doona degmooyin kamid ah gobalka faafan .

Hadaba ujeedada socdaalkan madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa ah mid xadhiga lagaga soo jarayo buundada wayn ee sida casriga ah loo dhisay ee waangey , Oo ah mid ay taariikhdu xusi doonto islmarkaana isku xidhaysa dhul aad ukala fog oo hada ka hor loogasoo wareegi jiray masaafo dheer oo kabadan 6000 km oo GO and Back ah iyadoo marka laga eego dhinaca tooska ah uu fogaanta dhulkaa intaa la eg isujirto 6o km balse ay caqabadu ahayd buunda la aanta wabiga shabeele oo baah sanayd islamarkaana caqabadini ay kala  go’doomisay degmooyinka iyo gobalo aynan fogaan badan u dhexaynin.

Waxaana xusud mudan in shacabka kunool degmooyinka Lagahida, Salaxaad, Xamaro, Qubi, Gobalka Liibaan iyo gobalaka Afdheerba, ay caqabado badan oo waliba dhimasho leh ka haystay buunda la aanta  dhanka wabiga shabeele, balse ay xukuumadu dadaal dheer ugashay islamarkaana maal muruq iyo miskaxba galisay sidey isgu xidhi lahayd bulshada labada dhinac kadibna ku guulaysatay inay u samayso buundo kumeel gaadh ah oo intii si cilmiyaysan  looga  qaaday faafan la geeyay waangeey iyadoo inta wabigii la laleexiyay meel cidla ah lagu rakibay buundada . Kadibna inta hoos loo qoday meeshii buundada lagu rakibay lagusoo leexiyay wabigii maadaama uu dheerarka  buundadu ka gaabnaa baaxada wabiga islamarkaana ay si kumeel gaadh ah ay xal ugu noqotay isugudubka gaadiidka iyo bulshada mudo dhowr sano ah.

Sikasataba ha ahaatee xukuumada DDSI ayaa si xal waara looga gaadho  dhibaatada ka haysatay bulshada dhinaca isu gudubka buundada  ayaa waxay  xukuumadu kubixisay boqolaal milyan oo birr dhismaha buundadan. Iyagoo u adkaystay kuna dhabar adaygay caqabad kasta oo ku yimaaday mudada ay wadeen dhismaha buundada eegayayna danta guud ee shacabka.

Iskusoo wada duuboo buunadada waangey ee sida casriga ah loo dhisay ayaa ah taariikhda abid buundo dhisma heedu ka yaabisay shacab waynaha deegaanka, Dalka iyo Dunidaba oo aysan jirin cid aaminsanayd in waligeed buundo laga gudbo aan halkaas laga hirgalin Karin. Balse ay xukuumada DDSI oo ah mid uu qorshaheedu ku salaysan fulinta iyo ka jawaabida baahida shacabka ay noqotay mid xal waara ka gaadhay dhibaatadii bulshdaas haysatay isla markaana furtay record cusub oo taariikhda dunida baal dahab ah ka galay oo aan marnaba la ilaawi doonin.

Faafaahinta xadhig ka jarka buundadaas kalasoco shabakada wararka ee www.cakaaranews.com . 

MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashaaricaha Biyo Galinta Duduma Cad

$
0
0

Fiiq( Cakaaranews ) Axad 23ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay  ee u anbabaxay dhinaca gobalka erer ayaa xadhiga kasii jaray mashaariicaha biyagalinta tuulooyinka Dudumacad iyo Shiniile oo ka kala tirsan degmada fiiq iyo degmada baabili.

Hadaba labadan mashruuc ee uu madaxwaynuhu xadhiga kasii jaray ayaa ah biyo galin 13km ah  islamarkaana uu fuliyay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI . Waxayna madaxwaynaha iyo waftiguba wakhti xaadirkan ku suganyihiin xarunta gobalka erer ee magaalada fiiq. Iyadoo maalinka bari ah ay sii wadan doonaan socdaalkooda.

Tababar looqabtay Qaar Kamid Ah Xirfadlayaasha Caafimaadka 3 Gobol

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 23ka, October 2016. Tababar ujeedadiisu tahay nidaamka casriga ah ee  baadhista cudarada TB, AIDSka, iyo waliba cudurka juudaanka  islamarkaana lasiinayay 80 xubnood oo ka kala yimid Gobolada nogob, jarar iyo faafan ayaa lagu soo gabgabeeay xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga

Hadaba, tababarkn ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiirka xafiiska Caafimaadka DDSI  mudane Xasan ismaaciil cali oo ugu horayn sheegay in caafimaadku leeyahay nidaam  kaasoo ah in xarumaha iyo dhamaan goobaha caafimaadka dawliga ahi ay bixiyaan adeegyada loogutalagalay ee heerka goobtu ama xaruntu tahay. Wuxuuna intaa kudaray intababarkan lagu barayay xirfadlayaasha  baadhsita casriga ah ee cudurada TB Juudaanka iyo cudurka AIDSka.

Sidookale wasiirka ayaa tilmaamay in xafiisku ku hawlanyahay in dhamaan xarumaha caafimaadka deegaanka laga helo baadhis la isku halayn karo oo casri ah, Loona tababaray xirfadlayaal farabadan.

Ugudanbayna waxaa dareenkooda kahadlay xubnihii tababarka qaatay oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan ay qaateen islamarkaana ay sifiican bulshadooda ugu adeegayaan.

Jaamacada Jigjiga Oo Sanadkan 2009 T.I Qaabishay 5400 Oo Arday

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 24ka, October 2016. Jaamacada jigjiga oo kamid ah jaamacadaha dalka JDFI ayaa sanadkan 2009 T.I qaabishy arday tiradoodu kor u dhaafayso 5400 oo arday iyadoo waxbarashadana ay sii wateen arday kabadan 5300 oo arday.

Hadaba, madxwayne kuxigeenka jaamacada jigjiga ee dhanka waxbarashada iyo cilmi baadhista mudane Siciid Maxamed oo u waramay warbaahinta deegaankaayaa sheegay in diyaargaraw balaadhan ay ka samaysay dardargalinta baris barasho iyo adeeg bixinta arday tiradoodu kabadantahay 10700 oo arday iyadoo 5400 oo arday ay yihiin ardayda cusub ee sandkan jaamacadu qaabishay. Wuxuuna intaa kudaray madaxwayne kuxigenku in jaamacada ay u dhamaystiran tahay dhamaan adeegyadii baris barasho iyo waliba adeegyadii kale ee dhanka nolosha aradayda ahaa.

Sidookale madaxwayne kuxigeenka ayaa tilmaamay in jaamacadu ay bixiso culuum aad u badan islamarkaana ay waxbarashada u bixiso siyaabo kala duwan sida waxbarashada caadiga ah ee Regularka, waxabarashada Fogaanta (Distance education) iyo waliba waxbarashada labarto Summer ka.

Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay ardaydii waxbarashada ku siijirty ee jaamacada jigjiga oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in jaamacadu qaabisho arday saas ubadan islamarkaana ay sifiican usoo dhawanayaan ardayda cusub. Iyagoo carabka kudhuftay in waxbarashadiina ay sifiican ugu bilaabatay iyaga.

Xaflad Ay Ku Qalin Jabiyeen 70 Arday Oo Bartay Xirfadaha Kala Duwan Ayaa Ka Dhacay jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 24ka, October, 2016. Waxaa maanta lagu qabtay huteelka GREAN ee magaalada jigjiga xaflad balaadhan oo ay ku qalin jabiyeen   Ardaydii baratay  Habka qurxinta haweenka  Casriga Ah (Beauty Salon) Iyo Cunto Karinta Casriga Ah.

Xafladan qalin jabinta oo ahayd mid si meeqaam sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane cabdirisaaq xasane cilmiga iyo masuuliyiin kale.

Waxaana xaflada qalin jabinta ugu horaynii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka  DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in  xukuumada DDSI dadaalo balaadhan ugu sidii loo  jirto tir tirida sabaalinimada taasina sal looga dhigay in la xoojiya xirfadaha iyo farsamada kala duwan taasi oo abuuraysa ilaha shaqada madaxwayne ku xigeenka ayaa tilmaantay in  xukuumada DDSI  fiiro gaar ah siisay  kobcinta awooda xirfadeed ee dhinaca haweenka si ay  u maareeyaan  noloshooda iyo ta qoyskooda. Waxayna ku boorisay gabdhahan bartay xirfadaha oo dhamaantood ahaa haween  in ay ka faa’iidaystaan cimigaasi ay xukuumada DDSI uga faa’iidaysay.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladan qalin jabinta madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar isaga oo sheegay in siyaasadaha kala duwan ee horumarineed ee ay xukuumada DDSI dajisay tahay kuwo istaageeray.  wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeyayna ay magaalooyinka DDSI ahaayeen kuwo si xawliya u koraya taasi oo  xirfadaha kala duwan ee cunto karinta iyo qurxinta dumarkuna tahay kuwo siwayn looga baahan yahay magaalooyinka deegaanka. Wuxuuna ku booriyay madaxwayne ku xigeenku in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira magaalooyinka deeegaanka.

 

 

MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Buundada Waangey

$
0
0

Waangey(cakaaranews)Isniin 24ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray buundada waangey oo dheererkeedu dhanyahay 97M. Taasoo dhamaan shacabwaynaha kunool deegaanka soomaalida itoobiya farxad balaadhan uleh, gaar ahaan shacabka kunool degmooyinka Lagahida, Salaxaad, Xamaro, Qubi, Gobalka Liibaan iyo waliba gobolka Afdheer oo ay caqabado badan oo waliba dhimasho leh ka haystay buunda la aantaas wabiga shabeele,

Hadaba,  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xadhig kajarkii buunadadan waangay kahadlay ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay goobtaas isagoo si qodo dheer uga sheekeeyay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee bulshada 3 gobol kunool kuna qasbijirtay meel 60-100 KM ujirta inay kasoo wareegaan masaafo dhan 3000 KM . madaxwaynaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaan dheer kabixiyay tubta loomaray samaynta buundadan iyo dadaalka ay xukuumadu habeen iyo maalinba kubixinaysay.

Sidookalana,  Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay bulshada kunool 3  Gobol ee Erer, Afdheer iyo Liibaan in ay dhamaatay rafaadkii iyo silicii masaafada dheer . wuxuuna tilmaamay in buundadani waxwayn katari doonta dhanka dhaqaalaha, Ganacsiga iyo isuscodka bulshada.

Ugudanbayna,madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa u mahadceliyay allahii suuragaliyay buundadan iyo dhamaan dadkii kashaqaynayay oo dhan.

Dhanka kale waxaa iyana bogaadiyay xadhig kajrka buundadan waangay bulshadii kasoo qaybgashay xadhig kajarkan oo mahad celin balaadhan u soo jeediyay xukuumada DDSI dadaalka balaadhan ee ay ku bixisay samaynta buundadan qaaliga ah.

Sikastaba ha ahaatee, buundadan ayaa ah midii ugu dhibka badnayd ee abid laga sameeyo deegaanka taasoo injineero badan ay ku guul daraysteen islamarkaana xukuumadihii hore ee deegaanka soomaray aysan hawaysan jirinba inay sameeyaan buundadan balse fikir caafimaad qaba, ka Go’naansho, iyo waliba ka daqanshada baahida bulshada Deegaanka ayaa keentay guushan lama iloobaanka ah.

 

 

 


Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Oo Loo Sameeyay Qurba Joogta DDSI.

$
0
0

Jigjiga.(cakaaranews), talaado, 25ka October. 2016. Waxaa maanta xaflad  hadhimo sharafeed ah oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay loogu  sameeyay huteelka ZM ee magaalada jigjiga  qurba joogta DDSI ee ku sugan caasimada DDSI.

Xafladan hadhimo sharafeedka ah oo ay soo diyaarisay wakaalada xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaarka mid ka masuuliyiinta sare ee  xukuumada DDSI  ay ka mid yihiin wasiirka Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI Ahna madaxa arimaha XDSHI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane cabdiwahaab yuusuf Maxamuud, wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumada DDSI 

Xafladan loo sameeyay qurba joogta DDSI oo ka kala timiday wadamada maraykanka, Canada, Sweden, Demark, imaradka carabta iyo wadanka beljim, waxaana ugu horayn ka hadlay xafladan  wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga ahna madaxa arimaha  XDSHSI  mudane khadar cabdi ismaaciil  oo sheegay in ay qurba joogta DDSI kaalin miisaan culus ka qaadanayaan hirgalinta  horumarka nabadgalyada  dalka iyo deegaanka   ayna mudan yihiin in  si meeqaam sare loogu soo dhaweeyo deegaankooda iyo dalkooda. wuxuuna sheegay wasiirku in xubahan qurba joogta ah ee maanta loo sameeyay hadhimo sharafeedku in ay yihiin xubnihii  XDSHSI ku casuumay in ay ka soo qaybgalaan shirwaynaha 9aad ee XDSHSI oo dhawaan qabsoomidoona.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladan maareyaha wakaalada xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane cabdiwahaab yuusuf maxamuud  oo uga madad naqay qurb joogta sida ay markasta u garab taagan yihiin xukuumadooda iyo shacab kooda. Wuxuuna ku booriyay qurba joogta in ay sii xoojiyaan midnimada, iskaashiga iyo taageerada ay shacabkooda iyo xukuumadooda lagarab taagan yihiin.

 

Dhankooda qaarka mid ah  hogaaminta jaaliyadaha qurba joogta DDSI oo ka hadashay xafaladan ayaa siwayn ugu mahad celiyay xukuumada DDSI gaar ahaan XDSHSI ee ku casuumay in ay ka qayb-galaan shirwaynaha 9aad ee XDSHSI. 

Tababar Loo Soo Gabagabeeyay Xirfadlayaal Caafimaad.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)talaado, 25ka October, 2016. Tababar ay ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadilahaa xirfada daryeelka caafimaadka hooyada ilmuhu ka qubto/ dhiciska oo mudo 12 maalmood ah u socday 19 xirfadlayaal caafimaad  oo ka kala socday 19 xarun caafimaad oo  ku kala  yaala gobolada Faafan, Qoraxay iyo Afdher ayaa maanta loogu soo xidhay hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI.

Munaasabadii xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in tababarkani muhiimad wayn u leeyahay xafiiska caafimaadka iyo bulshada DDSI  maadaamo oo adeega daryeelka caafimaadka hooyada ilmuhu ka qubto baahi wayn loo qabtay  xirfadlayaal caafimaad oo fidiya daryeelkan. wuxuuna sheegay in hooyooyin badan oo  anbalaasyadeenu lagu soo gudbin jiray iyaga oo dhiig baxaya qaarka mid ihina dhexda ku dhigan jireen. Waxuuna wasiirku kula dar-daarmay tababartayaashii in ay ciligii iyo waayo aragnimadii ay tababarkan ka heleen ugu adeegaan bulshada.

Waxaa kale oo dhankiisa ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo sheegay in uu tababarkani ahaa dufcadii 2aad ee qaadata tababarka daryeelka hooyada ilmaha uurka soo qubto shanta bilood. Waxaa kale oo uu sheegay maareeyuhu in xarumaha caafimaadka ee ay xirfadlayaashani kala yimaadeen aan hadda ka dib lagu soo gudbindoonin hooyo ilmo ka qubanayo oo ay halkaasi ku maarayndoonaan caafimaadkeeda kaasina kaalin muhiim ah ka qaadan doonto dadaalka loogu jiro dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mudadii uu tababarkani u socday xirfadalaashan caafimaad uu aqoon iswaydaari u tageen magaalooyinka harar iyo haramaayo.

Gabagabadii tababarkan ayaa waxa uu wasiirka caafimaadka DDSI gudoonsiiyay shahaadooyin ka turjimada cashiradii ay ku barteen mudadii uu tababarku u socday xirfadlayaashan caafimaadka. 

Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka Oo Bilowday Diwaangalinta Ardayda Cusub.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) talaado, 25ka, October, 2016.  Kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI   oo ka duulaysa taabo galinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI, ayaa sanadihii ugu danbeeyay dadaal xoogan galisay  xaqiijinta iyo hirgalinta siyaasada iyo istaraatajiyadaha waxbarasho tayaysan iyo awood siinta garaadka siyaasadeed ee  hogaaminta heerar-kooda kala duwan  Waxaa si dar-dar leh uga socda kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI diwaangalinta arayda cusub ee sanadka 2009TI.

Haddaba, maareeye ku xigeenka kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane ismaaciil maxamed xusen (giire) oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka  ayaa ka warbixiyay geedi socodka shaqo ee kuliyada iyo diwaangalinta ardayda cusub ee ay qaabilayso kuliyadu. Wuxuuna sheegay maareeye ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeya kor loo qaaday tayada waxbarashada kuliyada iyo guud ahaanba geedi socodka shaqada kuliyada iyo waliba bilicda kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka. Maareeye ku xigeenka ayaa sheegay in kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka oo la aas aasay sanadkii 1991TI ay ka qalin jabiyeen 10 dufcadood oo bartay culuunta kala duwan ee waxbarashada. Isaga oo intaasi ku daray in ay sanadkan kuliyadu qaadanayso ay diwaangalinayso arday dhan 1,300  oo iskugu jirta diploma iyo degree.

Kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ayaa xooga saaray soo saarida cudud waxbaratay oo ka qayb qaadata hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI, iyada oo kuliyadu ka sokow waxbarashada heerar keeda kala duwan ee ay bixiso u dheeryihiin in ay   bixiso tababarada gaa-gaaban ee kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee  hogaaminta iyo shaqaalaha  heerar-kooda  kala duwan si ay fahan buuxa ugu qaataan istaraatajiyadaha siyaasadeed ee XDSHSI, kana fogaadaan aragtiyada guracan iyo  fikirada dulsaarnimada islamarkaana  noqdaan kuwo leh bisayl siyaasadeed oo xoojisa  fulinta himilooyinka horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI iyo tan dalkaba

 

 

MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Kusugan Qariira

$
0
0

Qubi ( Cakaaranews ) Talaado 25ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa xadhig kajarkii buundada waangay kadib uga dhaqaaqeen dhanka degmada Qubi ee gobalak erer iyadoo sidii caadada u ahayd ay  madaxwaynaha iyo waftigiisuba ku hakanayeen siina ogaanayeen xaalada  bulshada qaybaheeda kaladuwan ee ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka kuyaala wadada ay madaxwaynaha iyo waftigiisu socdeen .

Hadaba bulshada ku dhaqanaa goobuha uu madaxwaynuhu socdaalka ku marayay ayaa si meeqeem sare leh usoo dhaweyeenayay  iyagoo kaga hor imanayay kabaxa magaalooyinka iyo tuulooyinka islamarkaana ruxayay calamo iyo laamo qoyan. Madaxwaynaha ayaana bulshada uu siimarayay waydiinayay baahidooda iyagoo shacabkuna soo dhiganayeen waxay rabaan in xukuumadu ka caawiso. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigu caraabe ku galeen degmada qubi ee gobalka erer.

Si kastaba ha ahaatee Madaxwayne CMC  iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa caawa uhoyday baadiyaha qariira oo hoos timaada tuulada Sac la-eg  ee degmada qubi. Wuxuuna madaxwaynuhu xusay inuu caawa aad oogu faraxsan yahay hoyashada reerkan  meeshan baadiyaha ah  degan islamarkaana uu sheegay inay  seexan karaan degmada qubi oo 20km ujirta sidoo kalana aan seexan karno xamaro iyo fiiqba, Balse aan doonayno inaan lawadaagno nolosha ay kusugan yihiin bulshada xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka maadaama 85% ay bulshadeenu xoolo-dhaqato yihiin, Nolashan sidan ahna ay ku noolyihiin, Loona baahanyahay in la tuso inay dowladu tahay mid xaalada ay kusuganyihiin laqaybsanaysa, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in nolosha dhabta ah ay tan tahay balse ay ubaahan tahay oo kali ah in lacasriyeeyo.

MW CMC Oo Kulan La Yeeshay Waxgaradka Fiiq.

$
0
0

Fiiq ( Cakaaranews ) Arbaco 26ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo xalay u hoyday baadiyaha qariira oo katirsan senterka sac la ‘eg ee degmada qubi ayaa saaka ugasoo dhaqaaqay dhanka xarunta gobolka erer ee magaalada fiiq.

Hadaba madaxwayne  Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kulan la yeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada Ku dhaqan magaalada fiiq isagoo madaxwaynuhu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kulankan uu la Yeeshay bulshada kuna baraarujiyay shacabka inay ka fa iidaystaan horumarka ka hana qaaday Deegaanka islamarkaan usheegay inay la dagalamaan fikirka ma shaqaysta nimadka kasoo sabab u ah Cadowgeena kobaad ee saboolnimadka. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in shacabku ka Qaybqaato horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka,Taas oo ay Kaga qaybqaadanyaan inay iyagu wax qabsadaan, Shaqo abuur la yimaadaan dhulka ku foorarsadaan, Taasoo kamid noqonaysa horumarka deegaanka .

Dhanka kale qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer ayaa Balan qaaday inay ka faaiidaysanayaan fursada qaaliga ah ee ay maanta haystaan islamarkaan sheegay Inay diyaar uyihiin inay la dagaalmayaan fikirada cidhiidhyoon ee mashaqaysta nimadka kuwaasoo sabab Ah cadowgeena koobaad ee saboolnimadka

Sikastaba ha ahaatee madaxwayne CMC iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta gobalka erer ee magaalada fiiq..

MW CMC Oo Soo Gaadhay Xarunta Deegaanka

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco 26ka October, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, Kadib markuu xadhiga kasoo jaray buundada rasmiga ah ee sida casriga ah loo dhisay ee waangey, Iyo Socdaalkii indha indhaynta ahaa ee ay kusoo mareen  qaar kamid ah degmooyinka gobalka erer ee Qubi, Xamaro iyo Fiiq, Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kulan Lagaga Hadlayay Kor u Qaadida Nidaamka Dakhliga Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),arbaca, 26ka October, 2016. Kulan lagaga hadlayay  nidaamka kor u qaadida dakhliga oo ay soo diyaarisay wakaalada dakhliga DDSI loona qabtay  ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

Waxaana kulankaasi ka hadlay maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab) oo k warbixiyay nidaamka lagu xoojinayo kor u qaadida dakhliga guud ahaanba deegaanka. Wuxuuna sheegay maareeyuhu in ganacsatada iyo muwaadin kasta cashuurta ku waajibka ah ee uu bixiyaa tahay mid ka qayb-qaadanaysa hawlaha horumarka gaar ahaa adeegyada aasi aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadk iyo biyaha. wuxuuna maareeyuhu sharax dheerka bixiyay shuruucaha   nidaamka cashuuraha bixinta. Maareeyaha ayaa ku booriyay ganacsatada in ay kaalintooda ka soo baxaan maadaamo oo ay  hawlaha horumarka laf dhabar u tahay bixinta cashuuraha ku waajibka ah muwaadiniinta.

Dhankooda ganacsatada ku dhaqan magaalada jigjiga oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay ka soo baxayaan kaalinta kaga aadan dhinaca bixinta cashuuraha waajibka ku ah si ay uga qayb=qaataan sii xoojinta iyo kor u qaadida guud ahaanba dakhliga deegaanka.

 

 

 


Kulan lagu Qiimaynayay Diyaargarawga Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 27ka, October, 2016. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI kulan lagu  Qiimaynta Diyaar garawga  Barnaamijka shabakada damaanad qaadka cuntada magaalooyinka. Urban Productive Safety Net Program (UPSNP).

Kulanka oo uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ah wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, ayaa waxaa ka soo qaybgalay gudiga isku dhafka oo ka kala socday bangiga aduunka, wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI, wasaarada  shaqada iyo arimaha bulshada JDFI, wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JDFI iyo xafiisyada ay bahwadaagta yihiin.

Waxana, kulankan lagu soo bandhigayay warbixin  daraasaad  ay sameeyeen gudigan isku dhafka ah kaasi oo ku salaysan  heerka fulineed ee diyaar garawga  Barnaamijka Shabakada Damaanad Qaadka Cuntada Magaalooyinka  (UPSNP) ee magaalada jigjiga.barnaamijkan  uu maalgaliyo bangiga aduunka, ayaa waxaa laga hirgalinayaa  11 magaalo oo dalkeena ah taasi oo ay ka mid tahay magaalada jigjiga. Warbixinta ay soo badhigeen gudigani ayaa waxay ku sheegeen in  Magaalada Jigjiga Buuxisay Dhaman Shuruudahii Looga Baahnaa hirgalinta barmaamijkan.

madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar  oo ka hadlay kulankaasi ayaa  aad u bogaadiyay natiijada  fiican ee ka soo baxday qiimayntii ay gudiga isku dhafku soo saareen  daraasaadkii ay ku sameeyeen magaalada jigjiga. madaxwayne ku xigeenka ayaa si wayn  ugu mahad celiyay Dadaal Is ku xidhan iyo Ka go'nansho ay Sameeyen Hay’adaha bahwadaagta barnaamijkan. waxaa kale oo uu intaasi ku daray madaxwayne ku xigeenku in baraamijkani yahay mid diirada saaraya sidii loo tir tirilahaa saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadilahaa  heerka nolosha bulshada ku dhaqan magaalooyinka DDSI.

Jigjiga iyo Warshada Saabuunta Samaysa Oo Xadhiga Laga jaray

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 27ka, October 2016. Warshada saabuunta oo  soo saaraysa 3000 oo litter oo isugu jirta saabuun qabays iyo saabuunta dharka maalinkasta ayaa si rasmi ah ay xadhiga uga jareen wasiir-kuxigeenka xafiiska jidadka yo maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga.

Hadaba, Wasiir kuxigeenka xafiiska jidadka DDSI mudane cabdulaahi maxamuud cabdi oo dareenkiisa kahadlay warshadan saabuunta ee ay xadhiga kajareen ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in munaasabadan xadhig kajarka ah uu kala soo qaybgalo maalgashadayaasha maalgaliyay warshadan saabuunta casriga ah oo ah tii ugu horaysay ee magaalada jigjiga laga sameeyo. Wuxuuna wasiir kuxigeenku xusay in mulkii layaasha warshadu ay yihiin muwaadimiin dhab ah oo deegaankooda jecel.

Sidookale, waxaa isna kahadlay Maareeyaha Maamulka Magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed oo sheegay in uu aad ugu farxaxsanyahay warshada saabuunta ee laga dhisay MM Jigjiga islamarkaana uu mahadcelin balaadhan u soo jeedinayo muwaadimiinta fikirka iyo maalingalintaba latimid. Wuxuun intaa kudaray maareeyuhu in kamaamul magaalo ahaan dhinacooda ay soo dhawaynayaan islamarkaana ay garbtaaganyihiin muwaadimiintan samaysay warshada saabuunta. Wuxuuna xusay n warshadani magaalada ay ku soo kordhin doonto faa iido badan. Wuxuuna hantiilayaasha deegaanka ugu baaqay dal iyo dibad in ay maal gashadaan deegankooda maadaama oo xukuumada DDSI iyo shacabkeeduba lagarab taaganyihiin soo dhawayn balaadhan iyo taageero labadaba.

Dhanka kale, waxaa isna kahadlay xubin kamid ah mulkiilayaasha warshada samaysay oo sheegay in daraasaad kadib ay ogaadeen baahida loo qabo warshad saabuun maadaama oo ay saabuuntu inteeda badan deegaanka uga iman jirtay dalka dibadiisa. Kadib ay go’aansadeen inay iyagu sameeyaan warshad saabuun hadana ay ku guulaysteen.

Wuxuuna tilmaamay in warshadu ay maalinkiiba soo saarikarto 3000 oo liter oo saabuun ah oo isugu jirta saabuunta qabayska iyo ta dharka labadaba. Waxaana rajaynaynaa in ay warshadu xaruma kuyeelan doonta gobolada deegaanka,

Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in samaynta iyo maalgashiga warshadaha ay deegaanka kusii badanayaan 2 sano ee u danbaysay iyadoo ay ahayd bilo kahor markii xadhiga lagajarayay warshada hilibka, warshada saliid macsarta, warshada caanaha geela iyo waliba warshada furaashyada oo intaba ay maalgashadeen muwaadimiin deegaanka u dhashay.

Maareeyaha Wakaalada Diwaaangalinta Marxaladaha Muhiimka ah Oo Ka Warbixisay Shaqooyinka Wakaalda

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)khamiis 27ka October 2016. Wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah oo ah wakaalad dhawaan laga aas aasay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya islamarkaana u taagan shaqooyin muhiim ah ayaa maareeyaha wakaalada marwo Aamina Ibraahim ismaaciil ay ka warbixisay waxqabadka wakaalada.

Hadaba, Maareeyaha wakaalada diwaaangalinta marxaladaha muhiimka ah marwo Aamina Ibraahim Ismaaciil oo uwarantay warbaahinta deegaanka ayaa sheegtay in wakaaladu ay dadaal balaadhan ugu jirto sidii bulshada deeganka soomaalida itoobiya uga faaiidaysanlahayd shaqooyinka loo idmay wakaalada. Waxayna intaa kudartay marwadu in diwaagalinta marxaladaha muhiimka ahi ay yihiin qaybo kaladuwan oo isugu jira diwaangalinta dhimashada, guurka, dhalashada iyo waliba diwaangalinya kalataga ama furitaanka xaasaska isqaba iyadoo dhamaan qoysaska ay lasoodarsaan xaaladahaasi la siinayo aqoonsiyadii cadynayay.

Waxayna marwadu tilmaantay In wakaaladu ay wacyi galin kaladuwan kasamaysay heer deegaan iyo waliba gobolada dhagaxbuur, Qabridahar iyo qaybo kamid ah Gobolka Siti.

Ugudanbayna mareeyaha ayaa xustay in sanadkan 2009 ay u qorshaysantahay in wacyigalin balaadhan lagu sameeyo bulshada islamarkaana shaqooyin badan laga qabto dhanka diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah.

Tababar Loo Qaybtay Shaqaalihii Cusbaa Ee Qaybta Taageerada Habnololeedka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Jumce 28ka October 2016. Tababar si heer sare loosoo agaasimay oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  waaxdiisa damaanad qaadka cuntada islamarkaana loo hayay shaqaalaha cusub ee waaxda shabakada badbaadada waxsoo saarka qaybtiisa taageerada habnololeedka qoyska cuntayaraanta joogtada ah ee waxqabadka 4aad ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Agaasinka waaxda damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI  mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in tababarka yahay  tababar lasiinayo shaqaalaha cusub ee qaybta taageerada hab nololeedka qoyska cuna yaraanta joogtada ah  ee waxqabadka 4aad, Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in shaqaalaha tababarka qaadanaya ay ka faaiidaystaan tababarka ilaaliyaana saacada mudada uu tababarku socdo maadaba tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana yahay nidaamka ay ku shaqayn doonaan.

Dhanka kale waxaa isana qaybtiisa ka hadlay isku xidha waaxda shabakada badbaadada waxsoosaarka  mudane axmednuur Cabdi oo sheegay inuu tababarku socondoona mudo 4 cisho ah islamarkaana shaqaalahan cusub lasiinayo nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen si iyagoo fahan buuxa ka haysta waxa ay qabanayaan u bilaabaan shaqadooda , Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay isku xidhaha qaybta taageerada habnololeedka qoyska cunta yaraanta joogtada ah ( Lively hood component) mudane Badri Maxamuud Liibaan oo sheegay inay shaqaalahan ka howlgali doonaan 14 degmo taasoo si tijaabo ah uga sii shaqayn doona 14kaas degmo islamarkaana sanada danbe lagusoo biirin doona 14 degmo oo kale taas oo noqon doonta inay ka hawlgalaan 28 degmo oo deegaanka ah.

MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Galinta Senterka Kaaha

$
0
0

Qabribayax( Cakaaranews) Jumce 28ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka xarunta deegaanka uga amba baxay dhanka degmada qabribayax isagoo xadhiga ka jaray mashruuca wayn ee biyo galinta kaaha, durwaale, qabribayax, Hartashekha ee laga fuliyay senterka Kaaha ee degmada qabribayax ee gobalka faafan.

Hadaba mashruucan biyo galinta ah ee senterka kaaha oo uu fuliyay wakaalada howlaha biyaha ee DDSI ayaa ah mid in muda ah socday islamarkaana lagu guulaystay. Iyadoo shacabka ku dhaqan senterka kaaha ay aad usoo dhaweyeen biyo galintan uu madaxwaynuhu xadhiga ka jarayo islamarkaana ay shegeen inay dhib badan ka haysan jirtay dhanka biyaha balse maanta ay ka baxeen baahidii ka jirtay dhanka biyaha.

Viewing all 123141 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>