Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 20ka July 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyada dalka Kuwait islamarkaana kamid ah xubnaha qurbajoogta ah ee maalgashiga kasameeyay caasimada jigjiga. Iyadoo garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin uu horkacayo lataliyaha madaxwaynaha ee Dhanka xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurbajoogta DDSI oo uu kuwaheliyo wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, masuuliyiin kale, qurbajoog iyo waliba qaarkamid ah dhalinyarada kacaanka gaamuray ee HEEGO.
Hadaba. Soo dhawayn iyo nasasho-yar kadib, ayaa waxaa warbaahinta deeeganka lahadlay Lataliyaha Madwxaynaha Ee Dhanka Xalinta Cabashoooyinka Ahna Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo sheegay in maanta ay garoonka diyaaradaha ee G/wiilwaal ay si quruxbadan ugu soo dhaweeyeen mudane Axmed-siyaad cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee dalka Kuwait. Wuxuuna intaas kudaray in maanta ay farxad utahay kaqaybgalka sood hawynta mudane axmed siyaad islamarkaana ay leeyihin gacmo furan kusoodhawood deegaankaaga.
Sidookale, wasiirka xafiiska Horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane axmed cabdi maxamed oo sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in maata ay sidiiran usoo dhaweeyaan gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee dalka Kuwait mudane axmed-siyaad sheikh cabdiraxmaan kaasoo ah muwaadin aad ufirf ircawan islamarkaana wakhtikasta kaqaybqaata horumarka nabadgalyada iyo maamulka siuuban ee deegaanka kahirgalay. Wuxuuna intaas kudaray in mudane axmedsiyaad uu yahay maalgaliye maalgashi kusameeyay caasimada jigjiga ee xarunta DDSI islamarkaana raba inuu sii balaadhiyo maalgashigiisa.
Ugudanbayna, Gudoomiyaha Jaaliyada Dalka Kuwait Mudane Axmedsiyaad Sheekh Cabdiraxmaan oo dareenkiisa kahadlay ayaa sheegay in maanta uu san farxadiisa qiyaasi Karin islamarkaana marka koobaad uu aad ugu mahadcelinayo masuuliyiinta sarre ee heer-deegaan iyo bulshadan sida quruxda badan ugu soodhawaysay garoonka diyaaradaha ee garaad wiilwaal. Wuxuuna xusay in horumarka DDSI ay kaalintooda kaga aadan kaqaadanayaan taas oo ay ugu horayso maalgashiga caasimada DDSI ee magaalada jigjiga.